" Waxaan ka soo horjeedaa in la yiraahdo qoondo gaar ah haweenka ha loo xiro"

kalfadhiga Baarlamaanka

Xigashada Sawirka, Radio mudisho

Qoraalka sawirka, kalfadhiga Baarlamaanka

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe ansixiyay xeerka qoondada Haweenka.

Dood deer ka dib gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cod galiyay xeerka qoondada Haweenka gaar ahaan in kuraasta dumarka aysan rag kula tartamin.

Xeerkan ayaa ugu dambeyn waxaa u codeeyay in la meel mariyo oo haa ku ogolaatay 134-Xildhibaan, waxaa sidoo kale xeerkan meel marintiisa diiday 7-Xildhibaan halka ay ka aamuseen labo mudane.

Balse qaar ka mid ah siyaasiyiinta ragga ah ayaa waxaa ay ka soo horjeedaan xeerka la ansixiyay.

Waxay ku tilmaamay in xeerkan uu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka kumeel gaarka ee dalka.

Siyaasi Cabdirashiid Dhaqane Axmed

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Siyaasi Cabdirashiid Dhaqane Axmed

Maxay tahay cabashada xeerkan?

Siyaasiyiinta ragga ah qaar ayaa ku doodaya in arrintani ay tahay mid ka so horjeeda dimuqraadiyada iyo shuruucda dalka u taalla.

Ragga arintaasi ka cabanaya waxa ka mid ah Cabdirashiid Dhaqane Axmed oo ka mid siyaasiyiinta dalka .

" Xeerkaasi waxaan uga cabanaynaa inuusan waafaqsanayn dastuurka kumeelgaarka ah iyo guud ahaan xeerka dalka u dagsan, bulshadana uusan u adeegayn ", ayuu yiri Mr Axmed.

Waxaa uu intaa ku daray in haweenka oo loo xiro kuraas gaar ah ay tahay mid ragga u diidaysa xaqii ay u lahaayeen inay kuraasta u tartamaan.

"Wuxuu ka hor imaanayaa qodobka 12 ee dastuurka oo ah xuquuqda qofka Soomaaliga ah oo ah in uu xor u yahay qofka Soomaaliga inuu tartamo, hadii uu wiil yahay iyo haddii ay gabadh tahay-ba ", ayuu intaa ku daray

Mr Cabdirashiid Dhaqane Axmed ayaa farta ku fiiqay in xeerarka baarlamaanka aysan ku jirin in kursi qof gaar ah loo xiro.

" Baarlamaanka sharcigiisa kuma jirto in qof loo xiro kursi oo shaqsi loo xiro umaddii oo dhan laga xiro ", ayuu yiri .

Waxaa dhanka kale arrintan dadka ka soo horjeeda ka mid ah qaar ka mid ah dumarka ku jira baarlamaanka oo sheegaya in aysan haboonayn in dumarka kuraas u gaar ah loo xiro.

Xildhibaanadan waxaa ka mid ah Seynab Maxamed Caamir oo sheegtay in dumarka sida ragga oo kale ay tahay inay tartan ku yimaadaan.

" Waxaan ka soo horjeedaa in la yiraahdo kootada haweenka ha loo xiro, sababtoo ah marka shirarka la tagayo haweenka lama qiimeeyo marka aniga waxan ak dhex arkay wax quursi la yiraahdo, " ayay tiri Ms Seynab.

Waxa ay intaa ku dartay in gabdhaha fursad loo siiyo in ragga ay kula tartamaan kuraasta siyaasadda.

" Waxaan noqonay iska siiya, marka iska siiyo ma noqonayso, maanta aniga ma rabo gabadha farida ah ee tartamaysa ha tartanto ragga wax ha ka qaadato laakiin kooto ayaa la xirayaa aniga sharcigaasi shaqo kuma lihi ", ayay tiri xildhibaan seynab.

Golaha shacabka ee baarlamaanka ee imika jira ayaa waxay haweenka ka yihiin 24%.

Dumarka siyaasiyiinta ah iyo ururada u ololeeya xuquuqda dumarka ayaa sanooyiinkii ugu dambeeyay waday olola ay ugu jiraan sidii dumarka Soomaalida ay u heli lahaayeen 30% kuraasta la soo doorto.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dumarka ayaa tallaabada baarlamaanka ay ku ansixiyeen qoondada dumarka u arka guul loo soo hooyiyay matalaadda dhanka siyaasadda ee dumarka.

Balse kuwa dhaliilsan ayaa u arka in ay tahay mid meesha ka saaray xuquuqda muwaadin kasta oo Soomaali ah u leeyahay in u kursigii uu doono u tartamo.

" Waxaan noqonay iska siiya, marka iska siiyo ma noqonayso, maanta aniga ma rabo gabadha farida ah ee tartamaysa ha tartanto ragga wax ha ka qaadato laakiin kooto ayaa la xirayaa aniga sharcigaasi shaqo kuma lihi ", ayay tiri xildhibaan seynab.

Golaha shacabka ee baarlamaanka ee imika jira ayaa waxay haweenka ka yihiin 24%.

Maxay tahay dooda siyaasiyiinta taageersan?

Aqlabiyada xubnaha baarlamaanka oo isugu jira rag iyo dumar ayaa iyagu u codeeyay qondada haweenka iyo in aan kuraasta qaar lagula tartamin.

Waxaa ka mid ah xildhibaanada taageersan Canab Xasan Cilmi oo shalay ka qeyb qaadanaysay doodda baarlamaanka ayaa waxay sheegtay in dumarka wali ay aysan xaqooda helin oo ay ahayd in 30% la siyo.

Anagu waxaanu ka soo bilawnay waqti dheere Garawe 1 iyo garawe 2 ayaan qoondada haweenka ka soo bilawnay, waxaanu ku bilownay 10 waxaanu ku xijinay 20, waxaano rabnay 30% maanta waxaan mareynaa 24% 6 kursi ayaa naga maqan, mana aanan tanaazulin boqolkiiba 30, ayay tiri Ms Canab.

Waxay intaa ku dartay in haweenka ay laf-dhabar u yihiin bulshada soomaalida islamarkana ay tahay in ay xaqooda helaan.

Dumarka siyaasiyiinta ah iyo ururada u ololeeya xuquuqda dumarka ayaa snooyiinkii ugu dambeeyay waday olola ay ugu jiraan sidii dumarka Soomaalida ay u heli lahaayeen 30% kuraasta la soo doorto.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dumarka ayaa tallaabada baarlamaanka ay ku ansixiyeen qoondada dumarka u arka guul lahga soo hoyiyay matalaada dhanka siyaasadda ee dumarka.

Balse kuwa dhaliilsan ayaa u arka in ay tahay mid meesha ka saaray xuquuqda muwaadin kasta oo Soomaali ah u leeyahay in u kursigii uu doono u tartamo.