Haweenay kaga adkaatay rag doorashada baarlamaanka ka socota Kismaayo

Qoraalka Muuqaalka, Haweeney kaga adkaatay laba rag ah doorashada baarlamaanka

Xamsa Sheekh Xasan ayaa la tartantay labo murashax oo rag ah. 49 jirtaan horey u aheyd xildhibaanad ayaa si xoog leh uga adkaatay ninkii la tartmayay, iyadoo heshay codad gaaraya 36 cod guud ahaan 50-kii cod ee ergadu dhiibteen.

"Wuxuu ahaa nin iga xoolo badan waxaana taagerayay rag kale iyo waliba dad ka yimid qurbaha," Laakin waxan juhdi weyn galiyay la tashiga odeyaasheyda aniga markasta waxa dhageysta dadkeyga." ayay tiri Xamsa

Waxay sheegtay in sababta ay ugu biirtay Siyaasadda ay tahay iyadoo ka raja dhigtay xaalada fowdoe dalkeeda ka socdo.

Waa hooyo heysata sideed caruur agoon ah. "Dagaal kasta waxa uu aad u saameyaa haweenka si toos ah. Caruurtena iyo nimankeena ayaa ku dhinta dagaalka."

BBC
Qoraalka sawirka, Dumarka ayaa door firfricoon ka qaadanaya doorashadan

Xaquuqda Dumarka

Saameynta uu haweenka Soomaliyed ku yeeshay colaadaha hubeysan ayaa Xamsa ku dhiiro galisay iney raadiso in codka dumarka laga maqlo fagaaraha siyaasada ee dalka.

" "Markii ugu horeysa oo aan bilaabay dhaqdhaqaageyga, ujeedkeygu wuxuu ahaa inaan xoojiyo haweenka ay saameysay dagaalada, saboolnimada iyo waliba cudurada."

Guud ahaan nolasha Xamsa waxay u olaleyn jirtay joojinta ku dhaqanka gudniinka fircooniga kasoo inta badan gabdhaha ay isku deeganka yihiin lagu sameeyay. Waxay u aragtay dhaqdhaqaqeda inuu u noqon karo qalab lagu raadin karo ilaalinta qeybaha bulshada ee taagta daran.

Waxyna BBC-da y sheegtay in marka ay xildhibaan noqoto ay sii wadi doonoto dhaq-dhaqaaqaasi.

UNSOM

Xigashada Sawirka, UNSOM

Qoraalka sawirka, Xamsa Sheekh Xasan

Waxaa guusheeda qeyb weyn ka qaatay taagerada ay ka hesho odayaal beeledyada kuwasoo sida ay sheegtay jecel iney dhageystaan.

Xamsa waxay sidoo kale u mahadcelisay dowlada Jubbaland doorkeeda ku aaday taagerida qoondada haweenka laga siiyay Aqalka hoose, 17 haween ee ku guuleystay kuraasta guud ahaan dalka 9 ka mid ah waxa laga soo doortay Jubbaland ilaa 18 November.

Guusha Xamso ee sanadkan ka guuleysatay saddexda murashax ee rag ah ayaa laga yaabaa iney dhiiro galiso haween badan iney ku daydaan marka dalka uu qabanayo doorashooyinka soo socda ee 2020.