Sawirka budadka uu shiinaha u isticmaalay dagaalkii Xuduuda Hidniya oo la shaaciyay

Sawir muujnaya budad sida la sheegay ay isticmaaleen ciidamada Shiinaha dagaalkii iyaga Hindiya Isniintii ku dhexmaray soohdinta uu muranka ka taagan-yahay ee u dhaxeeysa labad dal ayaa la baraha bulshada lagu baahiyay.
Dagaalkan ka dhashay muranka dhanka xadka ee ugu muddada dheeraa dunida kaas oo socday ku dhawaad nus qarni ayaa horseeday in la dilo 20 ka mid ah ciidammada Hindiya, Hindiya waxay sheegtay in labada dhinacba uu khasaare soo gaaray.
Shiinaha isagu dhankiisa ma uusan sheegin wax khasaaro ah oo ciidamadiisa soo gaaray, labada dhinac ayaana midba mid kale ku eedeeyay inuu ka dambeeyo dagaalka.
Sawirka oo maanta soo shaacbaxay ayaa muuinaya hub-fudud oo u muuqday in laga sameeyay biraha loo isticmaalo dhismaha oo lagu laray masaamiir. Sawirka ayaa waxaa BBC-da soo gaarsiiyay sarkaal milatari oo ku sugan xadka u dhaxeeya Shiinaha iyo Hindiya.
Markii hore waxaa sawirka barta Twitter-ka ku baahiyay Ajai Shukla oo ah khabiir ka fallooda arrimaha gaashaandhiga, waxa uuna isticmaalka hubkaasi ku tilmaamay ''dhaqan cadawtinima ah''
1996-dii ayaa waxaa lagu heshiiyay in hub nooca uu doonaba ha ahaadee laga mamnuuco agga lagu muran-sanyahay si xaaladda loo dejiyo.
"Mar haddii ay sii socoto dhibaatada, waxay horseeday in xaaladda ay ku cakirnaato labada dhinac, hadda waxaa sare u kacaya cadaadiska ka imaanaya shacabka", waxaa sidaas yiri Dr Narang, oo ka faalooda arrimaha amniga ahna barfesoor wax ka dhiga macadka Massachusetts ee dalka Mareykanka.
Sawirka ayaa waxaa aad looga hadal-haya baraha ay bulshada ku wada xiriirto, balse ilaa ahaatan ma ay jiraan saraakiil labada dhinac ah oo ka hadashay arrintani.
Dhimashadii ugu horreeysay muddo 40 sannadood ah
Labada dhinac ayaa xiisad dhanka xadka ah ka dhaxeysay toddobaadyadii ugu dambeeyay, balse dagaalkan Isniinti dhacay ayaa ah kii ugu horreyay ee ay dad ku dhintaan ku dhawaad muddo 45 sanno ah. Warar aan la xaqiijin oo ay warbaahinta Hindiya soo tabisay ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 askari oo ka tirsan ciidamada Shiinaha ay dagaalkaasi ku naf-waayeen balse Shiinuhu weli ma soo saarin warbixin ku aaddan khasaaraha soo gaaray.
Iskahorimaadka ayaa yimid, kadib markii bilihii la soo dhaafay ay xiisado ka dhasheen waddo cusub oo Hindiya laga dhisay oo ku taalla magaalada Ladakh, iyada oo la raacayo Khadka Tooska ah ee kala qaybiya labada dhinac ee xuduudda.

Xigashada Sawirka, EPA
Mr Menon oo horey u ahaan jiray safiirka Hindiya ee Shiinaha ayaa sheegaya in Shiinaha uu bilaabay dhaqdhaqaaqyo xoojinta qaranimadiisa maadama uu la daalaa dhacayo dhibaatoyiin dhaqaale iyo arrimo kale oo gudaha ah.
"Waxaad arkeysaa tallaabooyinkiisa ku aadan badda Yellow Sea ee Taiwan, waxaa uu meel mariyay sharci isaga oo aanan la tashan Hong Kong, muranka xadka kala dhexeeyo Hinidiya iyo dagaalka ganacsi ee kala dhexeeyo Australia".
Tafatiraha jariiradda The Economist waxaa uu rumeysan yahay in cawaaqib xumada ka dhalan karta dagaalka Isniintii dhexmaray ciidammada Shiinaha iyo kuwo Hindiya "ay horseedi doonto xiisad dblumaasiyadeed oo muddo dheer socon karta."
Wararka waxay sheegayaan in horraantii bishii May, ciidammada Shiinaha ay fariisimo ka sameysteen gudaha dhulka buuraleyda Galwan oo ay Hindiya sheegatay in dhulkaas ay iyadu leedahay.

Labadan dal ee heysta Nukliyerka waxaa ka dhexeeyay taarikh dheer oo ah khilaaf dhanka xadka ah kaas oo in muddo ah soo jiitamayay. Marka howlagallada ay ka sameeyaan ciidammada Shiinaha iyo Hindiya ayaa horseeday isku dhacyo joogto ah balse la iskuma adeegsan wax rasaas ah muddo ka badan 40 sanno.










