Ninka ay geeridiisa qaska ka abuurtay Mareykanka

Xigashada Sawirka, Reuters
Geeridii George Floyd ayaa waxaa dhashay dibadbaxyo guud ahaan dalka Mareykanka, iyada oo ay dibadbaxayaasha ay ku baaqayaan in la soo afjaro dhibaatooyiinka ay booliika geystaan.
Mr Floyd ayaa ahaa nin madow ah oo aan hubeysnayn islamarkana askari ka tirsan booliiska uu luqunta in ka badan 8 daqiiqo jilibka kaga hayay isaga oo ku qaaylinayay"ma neefsan karo".
George Floyd oo 46- sano jir ah ayaa ku dhashay waqooyiga Carolina waxaa uuna markii uu yaraa ku noolaa Houston, gobolka Texas, balse waxaa dhowr sano ka hor uu u soo wareegay magaalada Minneapolis oo uu shaqo ka helay, waxaa sidaasi sheegay Christopher Harris oo ay ilaa yaraantii ay saaxibo ahaayeen.
Waxaa dadka jecel ay ugu yeeri jireen " Floyd waynaa" waxaa uuna ifka uga tagay gabadh 6 jir ah oo la nool hooyadeed Roxie Washington oo ku sugan Houston.
Ms Washington ayaa u sheegtay wargeyska Houston Chronicle in uu ahaa aabe wanaagsan oo la korinayay gabadhooda, Gianna.
Waxaa sidoo kale jirta gabadh uu saaxib la ahaa oo lagu magacaabo, Courteney Ross, oo iyadu sheegtay in geeridiisa ay "qalbi jab" ku keentay.
"in aan saka aan soo kaco magaalada Minneapolis waxay ahaan lahayd arrin uu ka nixi lahaa Floyd," waxay sidaasi u sheegtay wargeyska Star Tribune.
"Waxaa uu jeclaa magaaladan waxaa uu ka yimid Houston isaga oo u soo guuray magaaladan" ayay intaa ku dartay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mr Floyd xilligii uu iskuulka dhiganayay wuxuu ahaa ciyaaryahan hibo leh islamarkana waxaa uu ku fiicnaa ciyaaraha kubadda cagta iyo iyo kubadda koleyga.
Mid ka mid ah dadkii ay isku fasalka ahaayeen Mr Floyd, Donnell Cooper, ayaa yiri "waxaa uu lahaa shaqsiyad wanaagsan wuuna naxariis badnaa".
Ms Washington, ayaa sheegtay in Floyd uusan dhameyn iskuulka islamarkana uu bilaabay barashada Muusikada.
Markii uu shaqo ka waayay magaalada Houston, waxaa uu u soo wareegay Minneapolis.
Waxaa uu ka shaqeyay labo shaqo, oo kala ah mar uu ahaa darawal gawaarida xamuulka qaada iyo mar uu waardiye ka ahaa Hotel ay leeyihiin dad ka soo jeeda Latin Amerika oo lagu magacaabo Conga Latin Bistro.

Xigashada Sawirka, DARNELLA FRAZIER
Mid ka mid ah macaamiish Conga, Jessi Zendejas, ayaa qoraal ay soo dhigay facebook waxaa ay sheegtay in Mr Floyd "uu jeclaa in uu hab siiyo macaamiisha ", waxaa sidaasi ka soo xigtay wargeyska Star Tribune.
"Wuu xanaaqi jiray haddii inta aad istaagto aadan salaamin sababtoo ah waxaa uu si kal iyo lab ah u jeclaa in uu arko qof walba isaga oo faraxsan," ayay tiri.

Xigashada Sawirka, TWITTER/RUTH RICHARDSON
Ma jiraa dambiyo uu horey u galay?
Sida ku cad dikumiintiyo maxkamadeed , Mr Floyd ayaa sanaddii 2007 lagu soo oogay dacwad ahayd in uu ahaa burcad hubaysan oo dhac u" galay guri", waxaa xilligaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah ka dib markii dambiga lagu helay 2009.
Muuqaal uu dhawaan soo dhigay baraha bulshada, waxaa uu uga hadlay islamarkana ka soo horjeedsaday hubka loo adeegsado rabshadaha "jiilkeena cusub way lumeen ".
Isniintii , ayaa askari lagu magacaabo Derek Chauvin uu jilibka dhulka kula nabay isaga oo lagu eedeeynayo in uu goob dukaan ah uu wax uga iibsanayay 20 doolar oo been abuur ah.
Derek Chauvin ayaa xabsiga loo taxaabay, islamarkana lagu soo oogay dacwad ah in uu dil gaystay.
wuxuu ka mid yahay afar askari oo shaqada looga eryay sabab la xiriirka dhimashadii Mr Floyd, oo Isniintii geeriyooday isagoo ku jira gacanta booliska.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday mudaharaadyo rabshado iyo boob sababay oo ka dhashay caradii laga qaaday muuqaal baraha bulshada ku faafay oo laga arkayay askari jilibka qoorta uga haya George Floyd.










