George Floyd: Hanti Soomaali leeyihiin oo lagu boobay mudaharaadkii ka dhashay dilka ninka Mareykanka madow ah

Dibadbaxyo ballaaran ayaa ka dhashay dilka George Floyd

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dibadbaxyo ballaaran ayaa ka dhashay dilka George Floyd

Kooxo burcad ah ayaa boob u geystay hanti ay dad Soomaali ah leeyihiin kaddib markii ay ka faa'iideysteen mudaharaadyo lagu muujinayo carada ka dhalatay dilka nin Mareykanka madow ah oo ka socda magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, Mareykanka,

Gobolkaas oo ah midka ay Soomaalida ugu badan uga nool yihiin Mareykanka ayaa waxaa ku yaalla xarumo ganacsi oo ay jaaliyadda Soomaaliyeed leeyihiin.

Ilaa hadda si rasmi ah looma qiimeynin khasaaraha ka dhashay bililiqeysiga loo geystay ganacsiyo isugu jira kuwo ay leeyihiin bulshooyin kala duwan.

Axmed Cabdiraxmaan Maxamuud, oo ka mid ah dadka goobahooda ganacsi la dhacay ayaa la hadlay BBC-da.

"Dhibaatada nasoo gaartay way ka khafiifsan tahay markii la barbar dhigo tan ku dhacday umadaha kale iyo wixii dhibaatada sababay oo ah geeridii ku timid ninka muwaadinka ah. Annagu dukaan caafimaadka indhaha ah baan ku lahayn xaafaddan foonfurta Minneapolis oo meelo ka mid ah ay rabshadaha ka dhaceen. Ganacsigeennii wuxuu ka mid ahaa kuwa ay tuugadu weerartay habeen hore," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in qalabkii laga boobay ay ka mid ahaayeen "muraayadaha indhaha iyo kumbuyuutarro".

"Markii dambe nasiib wanaag waan kasoo gaarnay, oo qalabkii intiisa badnaa waan ceyminay. Waxaa qeylo dhaan nasoo gaarsiiyay ganacsato kale oo aad halkaas daris ku ahayn".

George Floyd

Xigashada Sawirka, Twitter/Ruth Richardson

Qoraalka sawirka, George Floyd wuxuu askariga qoorta kaga taagnaa marar badan u sheegay inuu neefsan la'yahay

Mudaharaadeyaasha ayaa lagu soo warramay inay dab qabadsiiyeen xarun boolis oo ku taalla magaalada Minneapolis.

Dadka dibadbaxyada rabshadaha wata sameynaya ayaa ayaa ka careysan dil la sheegay in ay booliska gobolka u geysteen nin madow oo aan hubeysnayn.

Muuqaal laga duubay dhacdadaas ayaa si weyn ugu faahay baraha bulshada, waxaana loo jeediyay cambaareyn weyn.

Ciidamada Ilaalada Qaranka Mareykanka ayaa lagu daabulay magaalada Minneapolis, kaddib markii uu guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa ku dhawaaqay xaalad deg ah.

Xildhibaan Maxamed Axmed Nuur, oo ka mid ah mudaneyaasha laga soo doortay gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ayaa BBC-da u sheegay in xaaladdu ay wali kacsan tahay.

"Xaaladda magaalada wali ma daggana, meelo badan ayuu dab ka hurayaa, waxaa la gubay xarunta saddexaad ee booliska, oo lagu eedeeyay inay dhibka geysteen. Dad badan oo ka faa'iideysanaya rabshadaha ayaa iyagana doonaya inay bililiqo sameeyaan," ayuu yiri xildhibaanka.

George Floyd oo dhulka yaalla

Xigashada Sawirka, Darnella Frazier

Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya askari caddaan ah oo Floyd qoorta kaga taagan

George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday. Wuxuu waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis.

Wuxuu la kulmay booliska fiidnimadi 25-kii bishan May ka dib markii askarta la wacay oo loo sheegay nin looga shakisan yahay inuu foorjari ama been abuur sameynayo.

Dilkan ayaa waxa uu sare u sii qaaday caradii hore, ee ku aadanayd dilalka ay booliku u geystaan dadka madow ee reer Mareykanka ah, waxaana dilalkaasi ka mid ahaa dilkii Ahmaud Arbery oo ka dhacay Georgia iyo Breonna Taylor oo lagu dilay Kentucky.

Wariye la xiray isagoo toos hawada ugu jira

Saxafi ka tirsan telefishinka CNN ee laga leeyahay Mareykanka iyo shaqaalihii kale ee la socday ayaa la xiray iyagoo toos u tabinaya mudaharaadyada qalalaasaha wada ee ka socda magaalada Minneapolis.

Taliska booliska Minneapolis ayaa xaqiijiyay xariya wariyeyaasha, waxayna sheegeen in durbadiiba la sii daayay markii la hubsaday inay warbaahinta ka socdaan.

Laakiin CNN ayaa dood ka keentay hadalka booliska, iyadoo maamulka telefishinku ay sheegeen in saxafiyiintooda ay hawada ka sheegeen cidda ay yihiin, laakiin aan dhag jalaq loo siinin.