Maalinkii ay burcadbadeedda i afduubteen

Composite picture
Presentational white space

Sudeep Choudhury wuxuu ka shaqeyn jiray maraakib ganacsi si uu u helo nolol wanaagsan iyo khibrad.

In aad ku safarto xeeb aha galbeedka Afrika waa kuwo khatartooda leh, waxay arrintani u horseedi kartaa Sudeep Choudhury oo nin da' yar oo dhawaan jaamacadda kasoo baxay in uu wajaho halis, noloshiisa waxay gacanta u geli kartaa burcad ku howlan ka ganacsiga daroogada.

Ship final
Presentational white space

Markabka MT Apecus wuxuu xilli galab ah ka shiraacday jaasiiradda Bonny ee dalka Nigeria, Sudeep Choudhury wuxuu saarnaa markabkan oo uu shaqaale ka ahaa, wuxuu dusha sare ee markabka ka eeegay maraakiib kale oo xeebaha mareysay.

Markii uu safarka badda uu galay wuxuu teleefoon u diray qoyskiisa , wuxuuna ogaa in waaliddiintiisa ay ka walaacsan yihiin xaaladdiisa maadama uu yahay wiika kaliya ah ay dhaleen. Sudeep Choudhury wuxuu sidoo kale wacay gabadh u dooneyd si uu ula socodsiiyo inuu ku safarayo xeebo halis leh.

Waxay aheyd bishii April ee sannadkii 2019, shaqaalihii saarnaa markabkan waxay gaarayeen 15, muddo labo maalmood ah ayay ku qaadatay inay gaaraan xeebaha gobolka Nigeria kaddib markii ay kasoo baxeen deked ku taalla magaalada Lagos.

Niger Delta waxaa sanadihii 1950 laga helay shidaal, Sudeep Choudhury wuxuu la socday in gobolkan ay ka howlgalaan kooxo burcad badeed ah, wuxuu si nabad ah ku tegay xeebta koonfureed ee bada Atlantic, xilligaas waxaa xeebtaas howlgal ka sameynayay ciidammada ilaalada xeebaha ee Nigeria, markabkii ay saarnayeen ayaa ku xiratay xeebta si loogu ogolaado inay u sii gudbaan xeebaha kale.

Xeebaha ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa ah meesha ugu halista badan caalamka, horraan waxaa Soomaaliya lagu tilmaami jiray xeebaha ugu halista badan ay maraan maraakiibta, haatan, xeebaha galbdeedka Afrika waxay noqdeen halka ay ka howlgalaan burcad badeeda casriga ah, dhammaan badmaaxinta mara halkaas waa la qafaasha waxaana la sii daayaa marka ay madaxfurasho bixiyaan, 64 badmaaxiin ah oo la socday ilaa lix markab ayaa saddexdii bilood ugu dambeysay ee sannadkii hore lagu afduubtay halkaas, sida laga soo xigtay Ha'yadda la socotka badmaaxa caalamka, halka ay jiri karaan weeraro kale oo ay burcad badeeda ka geysteen xeebahaas oo aanan la tebinin.

Presentational white space
Gulf of Guinea pirate attacks map
Presentational white space

Niger Delta waa gobolka qani ku ah shidaalka balse waxaa ka dhacay dhacdooyin amni darro ah oo dhibaato ku reebay dadka deegaanka, shidaal ku daatay badda wuxuu sumeeyay biyaha iyo dhulka kaas oo saameeyay deegaanka iyo dadkaba, waxaana arrintaas ka dhashay dagaallo iyo qalalaase socday tobonaan sanno.

Maleeshiyaad ka howlgala Niger Delta waxay dab qabadsiiyeen dhuumaha shidaalka kaas oo curyaamiyay howlaha wax soo saarka shidaalka iyo ka faa'ideysiga kheyraadka aggaas, tuugada dhacda shidaalka ayaa saldhigyo qarsoodi ah ka sameystay keymaha ku yaalla halkaas.

Presentational white space
Oil industry
Presentational white space

Saacado yar uun kaddib, Sudeep oo hurdayay gudaha markabka ayaa waxaa toosiyay waardiyihii markabka markii uu arkay mid kamid ah doomaha dheereeya oo ay saran yihiin 9 qof oo hubeysan oo kusoo dhawaatay, waxay doontii usoo jirsatay markabka 80 miitar, uma aanay suurageli karin inay horjoogsadaan burcad badeeda balse waxay isku dayayeen inay isku dhex qariyaan gudaha markabka.

Sudeep wuxuu ahaa sarkaalkii saddexaad ee ugu sarreeyay markabka. Wuxuu markiiba ogaaday in burcad badeeda ay dooneysay inay afduuban rabaan, burcad badeeda waxay inta badan diiradda saaraan inay qafaashaa badmaaxiinta kasoo jeeda Mareykanka iyo Yurub maadama shirkadaha ay u shaqeeyaan ay bixin karaan lacag madax furasho aad u badan. Markabkan Apecus waxaa saarnaa badmaaxiin reer Hindiya ah.

Sudeep wuxuu shaqaalihii isugu geeyay qeybta matoorka ee Markabka ka hor inta uusan qeylodhaan u dirin dadkii kale ee saarnaa markabka, waxay indhihiisu ku dhaceen rag hubeysan oo xidhan fanaanado garbo go'an ah oo wajigga soo duubtay isla markaana sita qoryo, waxay soo gaareen markabka oo ay doonayeen inay koraan.

Shaqaalihii u dhashay Hindiya waxay go'aansadeen inay isku qariyaan bakhaar yar oo ku dhex yaalla markabka, burcad badeeda ayaa gudaha usoo gashay markabka, dhammaan badmaaxiintii wey naxsanayeen balse wey aamusanayeen si ay uga badbaadaan kooxda. Maraakiib badan oo ka howlgala xeebaha gacanka Guinea waxay gudaha markabka ku sameystaan qol yar oo aysan rasaasta kareyn halkaas oo ku dhuumaaleysan karaan shaqaalaha waa haddii lasoo weeraro, balse markabkan Apecus ma laheyn qol aysan xabbadu kareyn.

Ka kaca hurddada

Burcad badeeda waxay rasaas oodda uga qaadeen markabka, Sudeep waxaa jilibka hoostiisa ka gaaray firirka rasaasta, waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayay maraakib kale oo mareysay xeebahaas.

Presentational white space
Pirate boat
Presentational white space

Burcad badeeda waxay ku amreen shaqaalihii u dhashay Hindiya inay koraan doonidii ay wateen, doontan ayaa kamid ah kuwo dheereeya, burcad badeeda ayaa ahaa kuwo u tababaran riditaanka qoriga.

Lix qof ayay afduubteen burcad badeeda, 5 u dhalatay Hindiy hal qof oo Nigerian ah,dadkii kale ee ka badbaaday weerarka oo uu kamid yahay muwaadin u dhashay Hindiya ayaa dusha sare ee markabka ka arkay burcadda oo si xowli ah u kaxeynaya doontii ay ku qafaasheen badmaaxinta xilli ay ku wajhanaayeen xeebaha Niger Delta balse markabkii Apecus wuxuu iska dul sabeynayay badda.

Presentational white space
Ship final
Presentational white space

Shirkaddii laheyd markabka ayaa farriin u dirtay waaliddiinta Sudeep Choudhury oo ay ku wargelinayaan in wiilkooda la afduubtay.

"Waxaan fahansanahay in markabkii uu la socday Sudeep la qafaashay, ninka u dhashay Greek ee la iska lahaa markabka ayaa xaaladda dusha kala socdaa, ha argagixina, wax dhibaata kuma imaaneyso Sudeep, fadhlan duulqaad muujiya" ayaa lagu yiri farriinta.

Sudeep aabihii Pradeep Choudhury iyo hooyadii Suniti waxay aamini waayeen in wiilkooda la afduubtay, waxay billaabeen in farriinta ay usii gudbiyaan xubnaha kale ee qoyska iyo saaxibadiisa.

Presentational white space
Pradeep and Suniti Choudhury
Presentational white space

Sudeep waa qof dadaal badan oo markasta doonayay inuu helo khibrad si uu uga soo shaqeeyo meel ka baxsan dalkiisa, waaliddintiisa waxay ku noolaayeen Bhubaneswar oo ah magaalo yar oo dhacda gobolka Odisha ee bariga xeebaha Hindiya.

Sudeep iyo gabadhii u dooneyd Bhagyashree waxay isbarteen iyagoo da' yar, haatan waxay ku takhasustay Koombiyuutarka, waxay aheyd gabadh caan ka ah Iskuulka.

Presentational white space
Photoframe with pictures of Sudeep and Bhagyashree
Presentational white space

Sudeep in uu shaqaale ka noqdo markab waxay u horseeday inuu helo lacag fiican iyo fursad uu booqasho ugu tego meelo badan oo ka tirsan caalamka, waxaana inta badan maraakiibta caalamka ka dhex muuqda dad u dhashay Filiphin iyo Indonesia, halka badmaaxiinta u dhashay Hindiya ee ka howlgala maraakiibta caalamka ay gaarayeen sannadkii 2019-kii 234,000.

In uu helo shaqo u qalanta waxbarashadiisa waxay noqotay mid aanan suurogal aheyn, Sudeedp muddo shan sanno ah ayuu jaamacadda kusoo qaatay, qoyskiisa waxaa ka baxay qarashaad badan, markii uu gaaray da'da 27 wuxuu helay shaqadan markabka oo la dalacsiiyay sarkaalka saddexaad ee ugu sarreeya markabaas.

Presentational white space
Ship final
Presentational white space

Subixii ugu horreeyay kaddib markii la afduubtay badmaaxiinta, tiro rag ah oo hubeysan ayaa kasoo baxay keymaha waxay hawada u rideen xilli ay dabaaldagayeen muddo nus saac ah kaddib markii ay ku guuleysteen afduubka shaqaalaha, shan badmaaxiin ah oo u dhalatay Hindiya waxay saarnaayeen doonida haddba dhinac u dul sabeyneyso biyaha.

Burcad badeeda waxay markasta gaaracayeen badmaaxiinta isla markaana waxay u sheegayeen in ciddii bixin weyso madax furashada ay dili doonaan.

Sudeep waxaa habeenkii oo idil cuneysay kaneeco, waxaa lagu seexiyay hal darin ah oo wasakh badan.

Burcad badeeda waxay soo qaadeen meyd go'go'an sheegeen inuu ahaa qof ay dileen markii ay qafaasheen kaddib markii laga bixin waayay madaxfurasho, maalin kale, waxay ug goodiyeen in badda ay ku tuuri doonaan qofkii bixin waayo madax furashada.

Burcad badeeda waxay ahaayeen kuwo isku mashquulinayay waxyaaba kala duwan sida kalluumeysiga, marna waxay cabayeen xashiish halka mararka qaarkoodna ay cabayeen khamri laga sameeyo gudaha dalka, mararka qaar waxay sameyn jireen tababar dhanka hubka ah xilli ay ag joogaan dadka ay soo afduubteen.

Presentational white space
Niger Delta map
Presentational white space

Xillliyada qaar Sudeep wuxuu isku dayay in uu la xiriiro mid kamid ah burcad badeeda, wuxuu si naxariis leh u weydiyay inay carruur ay dhaleen, balse wax jawaab ah ma aaney siin mararkana wuxuu ugu jawaabayay ' Hanala hadlin', waxay ku sugnaayeen meel keyn ah oo loogu magac daray 'Boqorka'

Sudeep iyo raggii kale la afduubtay ee kala ahaa , Chirag, Ankit, Avinash iyo Moogu ma aysan heysan wax biyo ah, waxay cabi jireen biyo wasakh ah oo uu ku dhex milmay patrol, mararka qaarna marka ay oomaane waxay cabi jireen biyo cusbo ah. Kabtankii markaba waday oo u dhashay Nigeria waxaa lagu hayay goob kale, si wanaagsan ayaa loola dhaqmayay.

Shantii badmaaxiinta aheyd ay burcad badeeda afduubteen waxay bilaabeen in noloshooda ay ka sheekeystaan, waxay keyntii lagu hayay ku arki jireen masaska, shimbiraha. Mararka qaar haddii burcad badeeda ay arkaan Daanyeer waxay ku furi jireen rasaasta, waxay sidoo kale burcad badeeda u gaarsan jirtay xayaano kale kuwaas oo ay karsan jireen balse badmaaxinta waxbo lagama siin jirin hilibkaas.

Presentational white space
Oil layer is seen on the surface of water on the River Bodo in the Niger Delta region

Xigashada Sawirka, Getty Images

Presentational white space

Badmaaxiinta la heystay waxay la daala dhacayeen dhibaatooyin badan oo noloshooda harreeyay, sida Sudeep waxaa ku dhacay cudurka Malaariyada, mararka qaarkoodna waxay is weydin jireen sidee ayaad uga baxsan kartaan burcad badeeda?

Weli kama aysan quusan rajada ah in xoriyaddooda ay dib u helaan. Sudeep wuxuu ka fakarayay waxa uu u sheeki karo haddii fursad loo siiyo inay soo wacaan qoyskiisa ama safaaradda Hindiya, maskaxdiisa waxaa ka guuxaya qorshihiisa ku aadan arooskiisa.

Burcad badeeda waxay dalbadeen in la siiyo malaayin doolar oo madax furasho ah, kaddib muddo 15 maalmood ah oo ay heysteen burcad badeeda waxay dooni ku qaateen Sudeep oo ay geeyeen dhul keyn ah.

Waxaa markiiba Sudeep lala hadashiiyay ninkii markabka lahaa oo ahaa ganacsade u dhashay Greeka oo fadhigiisu yahay dekedda Piraeus oo la yiraahdo Captain Christos Traios, wuxuu sidoo kale ninkan leeyahay shirkado kale oo ka howlgala xeebaha galbeedka Afrika.

Sudeep aqoon weyn uma laheyn ninkii markabka lahaa Captain Christos Traios balse wuxuu maqlay in uu yahay qof dabeecad qallafsan.

Wuxuu ku yiri "Mudane, waa xaalad masiibo ah, waxaan ku suganahay xaalad daran, waxaan kaa dooneynaa in aad tallaabo deg deg ah qaado sababta oo ah halkan ayaaan ku dhiman karnaa" .

Milkiilihii markabka wuxuu ka xanaaqsana dhacdada, halka burcad badeedana ay ku leeyihiin "waxaan kaa raabna lacag madax furasho ah"

"Haddii aad madax furasho iska bixin weysaan waan idiin dileynaa"

Balse haatan xaaladda ayaa ku adkaatay burcad badeeda maadama milkiilaha markabka uu yahay qof aanan la dhaqaajin karin, badmaaxiinta waxay garwaaqsadeen in tallaabada ay kaliya ah ay hayaan ay tahay inay la xiriiraan qoyskooda.

Presentational white space
Choudhury family portrait hanging on the wall of their home
Presentational white space

Hindiya, waaliddiinta Sudeep waxay ka naxsan yihiin nolosha wiilkooda uu gacanta ugu jiro burcad badeeda, waxay ka cabsi qabeen in wiilkooda uusan kasoo bixin gacanta kooxda.

Qoyska ma awoodaan inay bixiyaan lacagta madar

Presentational white space
Bhagyashree and her mother-in-law look at a shrine in their home
Presentational white space

Kaddib saddex toddobaad oo ay xaaladda cakirneyd, maalinkii 17-aad, gabadh la dhalatay mid kamid ah badmaaxinta ayaa waxaa keyn ku taalla Nigeria kasoo wacay walaalked Avinash oo u sheegay inay bad qabaan balse ay u baahan yihiin caawimaad, maalmihii dambe, badmaaxiinta waxay waceen qoysaska si madax furasho looga bixiyo.

Mid kamid ah qof qaaraabo la ah badmaaxiinta la heysta oo ka shaqeeyay markab oo la yiraahdo Kabtan Nasiib ayaa mar kasta wici jiray burcad badeeda si uu ula socdo xaaladdooda, mid kamid ah burcad badeeda ayaa si caro leh ugu sheegay Kaptan Nasiib in milkiilaha markabka uusan dan ka laheyn shaqaalaha la afduubtay isla markaana uu ku jeesjeesayo.

17-kii bishii May 2019, 28 maalmood oo ay gacanta burcadda ku jireen badmaaxiinta, Sudeep waxaa fursad loo siiyay in uu la hadlo Kaptan Nasiib, wuxuu u xaqiijiyay in dhibaatada ay tahay maalmo qur ah oo ay soo afjarmi doonto.

Presentational white space
Ship final
Presentational white space

Toddobaadyo uun kaddib badmaaxiintii u dhalatay Hindiya waxaa la geeyay keymo kale xilli uu socon la'yahay wadahadalladii lala lahaa milkiilihi markabka, burcad badeeda waxay bilaabeen inay casbi ku abuuraan badmaaxiinta.

Waxay u sheegayeen in milkiilihii markabka aysan waxbo kasoo socon taasina ay cawaaqib xumo ka dhalan karto.

Muddo badan oo badmaaxiinta ay ahaayeen la heystayaal waxay noqdeen kuwo noloshu ay ku adkaatay oo ay ka muuqato diif iyo harraad.

Presentational white space
Pirate
Presentational white space

Ciidammada badda ee Nigeria waxay si cad ugu eedeeyeen markabka inuu ku lug lahaa daabulidda shidaal ceyrin ah oo laga soo xaday gobolka Niger Delta kaas oo loo waday Ghana.

Waxay arrintani horseeday khilaaf dhexmara labo koox oo burcad ah.

Agaasimaha shirkadda ee Nigeria wuxuu qiray in markabka uu ku lug lahaa ka ganacsiga shidaal sharci darro ah.

Capt Christos oo ah milkiilaha markabka wuxuu beeniyay eedeymaha, Email-lo ay aragtay BBC-da ayuu ku eedeeyay dowladda Hindiya ay u sheegtay ciidammada badda ee Nigeria inay xiraan markabkiisa iyo shaqaalahiisa si ay ugu qasbaan inuu wahadallo la galo kooxaha argagixisada si uu u bixiyo madax furasho.

Mas'uuliyiinta Hindiya wey beeniyeen arrintani halka dowladda Nigeria aysan ka hadlin arrintaas.

Waxaana laga yaaba in eedeymaha loo jeediyay milkiilaha markabka ay horseeday in heshiis lala galo burcad badeeda, 13-kii bishii Juun , qoyska Sudeep waxay ugu dambeyntii ka ogaaden ilo ka tirsan dowladda in wadahadallada madax furashada lasoo afjaray , burcad badeedana ay helayaan madax furashada si loo soo daayo badmaaxiinta.

29-kii bishii June 2019, mid kamid ah burcad badeeda ayaa xaqiijiyay in qof sida lacagta madax furashada uu kusoo wajahan yahay.

Waxaa xilli duhur ah soo muuqday nin u dhashay Ghana oo kaxeynayay dooni kaas oo siday boors caag ah oo ay ku jirtay lacag doolar ah, daqiiqo kaddib waxaa dhacay muran, koox ka tirsan burcadda ayaa gaaracday ninkii, waxaana minddi la geliyay ninka, waxaana looga tegay diiqada isaga oo rafanayo, waxaana loo sheegay badmaaxiinta u dhalatay Hindiya inay xor yihiin.

Burcad badeeda waxay galeen keymaha markii ay lacagta qaateen, Sudeep wuxuu codsaday in la geeyo halkii uu markii hore ka yimid, Kaptankii markabka ayaa ku qaaday dooni yar, waxaana ka go'ay shidaalka xilli ay badda dhex socdeen.

Waxay la kulmeen rag ku ciyaaraya xeebta, waxay u sheegeen in lasoo afduubtay, waana lasoo dhaweeyay, waxaana la siiyay guri ay seexdaan, ammaankooda ayaa la sugayay ilaa habeenkii.

Raggii badmaaxiinta ah waxay gaareen magaalada Lagos, waxay sugayaan diyaarad u qaadda magaalada Mumbai ee Hindiya, Sudeep wuxuu ku sugnaa Huteelkiisa, waxaa maskaxdiisu weli kusoo dhaceysaa dhibaatadii kasoo gaartay afduubka.

Presentational white space
The sailors pictured in Nigeria soon after their release
Presentational white space
Ship final
Presentational white space

Muddo 8 bilood ah ayaa kasoo wareegtay markii raggan la afduubtay, Sudeep waxaa uu gaaray Hindiya waxaa halkaas kusoo dhaweeyay qoyskiisa, intii uu ku jiray gacanta burcad badeeda waxaa jirkiisa in ka badan 20 kiilo.

Gabadhii u dooneyd Bhagyashree iyo Sudeep waxay aqal galeen bishii January.

Sudeep waxay u muuqataa in uu isku filnaansho dhanka nolosha ah gaaray, haatan wuxuu ka bare ka yahay kuleej ay wax ku bartaan ardeyda doonaya inay badmaaxiin noqdaan.

"Dhibaatadii iyo welwelkii iga soo gaaray burcad badeeda weli waa mid jirta….waan guursaday dhammaan qoyskeyga iyo asxaabteyda ayaan la joogaa…haddii mar kale aan aado badda waxaa niyadeyda kusoo dhacaya dhibaatadaas" ayuu yiri Sudeep.

Dhibaatadii wey dhamaatay balse Sudeep iyo badmaaxiintii kale ma aysan helin mushaaraadkooda, Sudeep wuxuu sheegay inay ka maqantahay 10,000 doolar in ka badan muddo 7 bilood ah uu ka shaqeynayay markabka iyo muddadii uu qafaalnaa. Balse milkiilihii markabka Capt Christos kama uusan jawaabin su'aalaha laga weydiyay afduubka badmaaxiinta, iyo mushaarka lagu leeyahay iyo halkii uu ka dambeeyay ninkii u dhashay Ghana ee looga soo tegay gacanta burcad badeeda.

Waxaa uu sheegay uun "Dhammaan badmaaxiintii la afduubtay waa la sii daayay dalalkoodii ay si nabad ah ugu laabteen"

Weli shirkadda waxay beenineysaa in markabka uu ku lug lahaa dhoofinta shidaal sharci darro ah balse waxay ku anddacootay in jasiiradda Bonny ay tahay goob lagu hagaajisto maraakiibta isla markaana laga soo qaado badeecadaha, weli kiis maxkamadeed oo ku saabsan arrintaani ayaa yaalla maxkamad ku taalla Nigeria.

Presentational white space
Bhagyashree and Sudeep take selfie
Presentational white space

Designed by Manuella Bonomi. Photos: Sanjeet Pattanaik, Getty Images.