Sidee lagu dhisi karaa magaalo u qalabeysan ka hortagga cudurada safmarka?

Waddo Shiinaha ku taalla oo ay dad buux dhaafiyeen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Safmarka coronavirus wuxuu dunida ka dhigay sida goob cidlo ah oo aan horey loo arag.

Waxaa cidlo noqday goobaha isu imaatinka bulshada marka laga reebo shaqaalaha lagama maarmaanka ah, dunidii waxay isugu soo hartay guryaha.

Magaalooyinka casriga ah looma sameyn qorshe inay isaga caabbiyaan safmarka xilli dunida ay dhinaca kale u rogmatay.

Qarnigan 21-aad dunida waxaa halakeeyay cudurrada sida, Sars, Mers,Ebola, Hergebka Shimbiraha, Swine Flu iyo haatan Covid-19.

Haddii haatan aan ku gudo jirno xaaladda safmarka, sideen berito ku dhisi karnaa magaalo loogu talagalay inay ka hortagto safmarka oo noqon karta mid nabddoon oo leh jawi wanaagsan?

Waa run in magaalooyinka ay horey u qaadeen dadaallo dheer oo looga hortaggayo cudurrada.

“Waxay ahaan jirta in lagu noolaado magaalo ka qeyb qaadaneyso in dadka muddo dheer noolaadaa…balse haataan waxay noqdeen dabbinta dhimashada” waxaa sidaas yiri weriye qaabilsan seyniska ahna qoraaga bug ka hadlayo ‘Qandhadada iyo cudurrada safmarka’ Sonia Shah.

Haweeney gurigeeda joogta oo ay xayiraadda saameysay

Xigashada Sawirka, EPA

Inkasta oo horumaro lagu tallaabsaday haatan waxaa jirta dhibaatada ah magaalooyinka buux dhaafay ee uu sida ba’an u saameeyay safmarka iyadoo aysan jirin tallaabooyin caafimaad oo deg deg ah oo looga hortagayo fiditaanka cudurka.

Iyadoo lagu qiyaasay in boqolkiiba bulshada caalamka marka la gaaro sannadka 2050 ay ku noolaan doonaan magaalooyinka waaweyn, arrintan haatan taagan ayaa baahida loo qabo in la helo magaalo qorsheysan oo la tacaali karto cudurrada safmarka ah.

Sheekooyinka ku saabsan magaalooyinka

Dhammaan magaalooyinka uma nuglo cudurka, magaalooyinka hodanka ah sida Copenhagen waxay leeyihiin goobo cagaaran oo ay dadku baskiilka ku kaxeysan karaan, waxay ku caanbaxday magaaladan mid ka fakarto caafimaadka dadweynaha.

Balse xaalado kale ayaa ka jira magaalooyinka uu dhaqalahoodu hooseeyo sida Nairobi, Kenya ama Dhaka, Bangaldesh.

Meelaha qaar waxaa adag in la helo biyo nadiif ah ama fayo dhowrka ‘waana waxyaabaha horseedi karo fiditaanka safmarka” waxaa sidaas yiri Elvis Garcia oo ah khabiir dhanka cilmiga caafimaadka bulshada isla markaana bare ka ah jaamacadda Harvard.

Magaalada Dhaka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Magaalada iskuraranta ee Dhaka waxay ka mid tahay meelaha sida aad ah cudurka ugu nugul

“Muddo 10 sanno ah, qiyaas ahaan boqolkiiba 20 bulshada caalamka waxay ku noolaan doonaa deegaan ay biyo helidda, adeegyada caafimaadka iyo fayo dhowrka ay ahaan mid xaddidan”

In la dhiso magaalo leh adeeg caafimaad oo tayo leh waa in diiradda la saaro fayo dhowrka.

Feyraska wuxuu ku faafaa goobaha isu imaatinka

Goobaha dadka badan ay ku nool yihiin waxay fursad siin kartaa fiditaanka cudurrada faafa.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Maadama goobaha qaar ay dad badan ku nool yihiin waxay sare u qaadi kartaa faafitaanka cudurka.

Magaalaada Wuhan oo halkii uu ka bilowday cudurka Covid-19 waa magaalada ugu dadka badan bartamaha Shiinaha, waxay hoy u tahay 11 malyan oo qof.

Sidoo kale magaalada New York oo ah meelaha uu sida weyn u saameeyay cudurka Korona waa meesha ugu dadka badan Mareykanka.

Si cudurka loo xakameeyo guud ahaan dunida waxaa la xiray waddooyinka iyo magaalooyinka.

Muhiimadda goobaha doogga ah

Helidda goobo doog ah oo ku yaalla magaalada waxay u wanaagsan tahay maskaxda iyo caafimaadka guud ee ba’niiaadanka xilliga lagu gudo jiro safmarka.

Marianthi Tatari oo ah injineer dhanka dhismaha oo kana howlgala mashruuca UNStudio ee ku yaalla Amesterdam ayaa sheegay ‘In qofka il doogsada maalinkii 20 daqiiqo ay ka caawineyso inuu helo caafimaad iyo tallaabooyin lagu wajahayo waxa taagan”

Faraxal laga sameeyey goob ku taallo magaalada Jakarta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Goobaha ay dadku isugu yimaaddaan oo adeeg faraxal lagu diyaariyo faafitaanka cudurka ayey yareyneysaa

McCay wuxuu soo jeedinaya in sare loo qaado goobaha gacmaha lagu dhaqdo ee laga hirgeliyo magaalooyinka.

“Qof kasta gacmihiisa ayuu si wanaagsan u dhaqaya waxaan arkii doonaa in dhammaan caabuqyada ay yardaan”

Isbaddalada gudaha guryaha

Jo da Silva oo ah injineer qaabilsan arrimaha horumarka caalamiga ah kana howlgala shirkadda ARUP ayaa qabaa in laga baaraan dego qaababka loo dhisayo dhismooyinka.

“Waa in laga fakaro in la helo in ka badan hal wish iyo jaraanjaro dhowr ah”.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Waa in wax laga baddaala qaababka loo dhiso guryaha.

Guryaheena waxay u baahan yihiin in loo sameeyo goobo hawada ay kasoo gasho, sida ay sheegeyso Kallipoliti.

Magaalooyinka waa inay la qabsadaan xaaladda

Haddii safmarka uu noqdo mid joogta ah oo ka qeyb ah nolosheena, magalooyinkeenu waxaa looga baahan yahay in xaaladda ay la qabsadaan, sida uu sheegayo Johan Woltjer oo bare ka ah jaamacadda Westminister gaar ahaan kuliyadda injineernimada iyo magaalooyinka.

Sawirka goobta laga dhisay isbitaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shiinaha wuxuu magaalada Wuhan 10 malmood gudahdood uu uga dhisay isbitaal 1,000 sariirood leh

“Marka ay dhibaatada noocan taagan tahay, waxay ka dhigan tahay in la sameysto guryo kumeel gaar ah iyo xarumo caafimaad oo qalabeysan, lana helo goobo hawo leh oo ku yaala magaalada”

Tusaale ahaan, isbitaal ku meel gaar ah oo ku yaalla Nightingale ee London wuxuu markii hore ahaa xarun shirarka lagu qabto muddo 9 maalmood ah ayaa lagu dhisay wuxuuna qaadaya 4,000 bukaan halka Shiinaha uu isbitaal ku yaalla Wuhan ku dhisay muddo 10 maalmood ah isbitaalkaas oo qaadaya 1,000 sariirood.

Magaalo awood u leh la tacaalidda safmarka

In isbaddalo lagu sameeyo hab dhiska magaalooyinka iyo dhaqangelinta xarumaha fayo dhowrka iyo dhismaha waddooyinka, waana waxyaabaha ay magaalada kaga hortaggi karto cudurrada mustaqbalka.

Fursadaha ugu wanaagsan ee ay magaaladayadu isbeddelka ku keeni karto ayaa wuxuu yahay in la diyaariyo dhisamayaal waaweyn oo cusub iyo beero magaalada gudaheeda ee ay dadku ku nastaan, ayey tiri Davina Jackson oo ah khabiir dhinaca dhismaha.

"Magaalooyink mustaqbalka aasaasmayo waa iney ahaadan kuwa guud ahaan la falgeli kara cudurkada (sida faayraska caalamka ka dillaaca). Markaas ayaa xalka ugu dhow la gaari karaa.

Isku filnaansho

Waxyaabaha muhiimka in la eego marka la dhisayo magaalo awood leh waa halka laga helayo cunto.

Dhibaatada Covid-19 waxay ka timid magaalada Wuhan oo leh goobta ugu weyn ee laga raaco tareenada, waxay isku xirtaa Shiinaha intiisa kale waxay leedahay garoon diyaaradeed oo mashquul ah.

Dad saaran tareen magaalada gudaha magaalada Beijing ka shaqeeya, 15-kii April

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Magaalada Wuhan uu cudurka ka soo billaawday waxay si ad ah ugu xiran tahay dalka Shiinaha Intiisa kale

“Shan malyan oo qof ayaa isaga baxay Wuhan ka hor inta aan xayiraadda lagu soo rogin magaalada” sida ay sheegtay oo ah weriye qaabilsan seyniska ahan qoraa.

Waxay soo jeedisay in la yareeyo halista isla markaana magaalooyinka looga baahan yahay inay noqdaan kuwo isku filan dhaqaale ahaan.

Goobaha isu imaatinka ee magaalada

Xilligii dagaalkii labaad ee dunida labo qof oo Amerikaan ah waxay abuureen 20 malyan oo dhul beereed oo qudaar ah kaas oo soo saaray 4 malyan kiilo oo qudaar ah sannadkiiba, waxay arrintaas horseedday boqolkiiba 44 wax soo saarka Mareykanka.

Sawirka magaalada Melbourne

Xigashada Sawirka, Getty Images

Caqabadda ugu weyn waxay tahay dhisidda magaalo isku filan.

Elvis Garcia oo ka tirsan jaamacadda Harvard ayaa qabaa in magaalooyinka laga doonayo inay gaaraan isku filnaansho dhanka cuntada ah iyo adeegyada asaasiga ah sida adeegyada caafimaadka.

Tusaale ahaan, magaalada Melbourne ee dalka Australia ka hor inta uusan cudurka Korona dilaacin dadku waxay kusoo adeegyada ku heli jireen muddo 20 daqiiqo ah sida dukaameysiga, adeegyada caafimaad iyo jimicsiga.

Xoojinta arrimaha gudaha

Xoojinta arrimaha bulshada waxay horseedeysaa ka hortagga fiditaanka cudurka.

Waxaa la ammaanay xallinta dhibaatooyinka ku habsaday arrimaha deegaanka gaar ahaan ka hortagga wasakheynta deegaanka.

Naqshad magaalo oo mustaqbal la diyaarinayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marka magaalooyinka waxaa looga baahan yahay inay helaan goobo ay ku kaxeysan karaan baaskiilka iyo waddooyin badan oo u gaar u ah sida uu qabo Johan Woltjer.

Roberto Palomba oo ah injineer haatana ku karantiilan magaalada Milan ee Talyaaniga ayaa sheegaya in marka hore diiradda la saaro sidii looga hortaggi lahaa cudurrada cusub ee safmarka ah ka hor inta aanan laga fakarin dhisidda magaalo isk celin karta safmarka.

Diyaargarowga magaalooyinka marka ay timaaddo ka hortagga safmarka waxaa looga baahan yahay inay yareeyaan goobah isu imaatinka dadweynaha, in ay sameeyaan goobo bannaan oo hawo leh iyo inay helaan dhaqaale xooggan oo ay xaaladda kula tacaali karaan.