Sida "aaska qarsoodiga" ahi u yarayn karo fiditaanka coronavirus

Waa la xadiday tirada dadka ka qayb galaya aasaska.

Xigashada Sawirka, Sinoxolo Funeral Directors

Qoraalka sawirka, Waa la xadiday tirada dadka ka qayb galaya aasaska.

Waxa Koonfur Afrika laga mamnuucay aasaska ay dadka badani ka qayb galaan waxaanay taasi kaliftay in dadku joojiyaan dhaqamo badan oo aaska la xidhiidha, laakiin waxay dib u bilaabeen dhaqano hore oo ay ka mid yihiin "aaska qarsoodiga ah" .

Aas keli ah ayaa dadkii ka qayb galay waxa uu coronavirus ku dhacay 40 qof oo dadkii ah.

Maarij 21 , todobaad uun ka dib markii Madaxweyne Cyril Ramaphosa ku dhawaaqay in xaalad masiibo qaran ahi in ay dalka ka jirto ee la mamnuucay in dadku isku soo ururaan si loo xakameeyo coronavirus, ayaa qiyaastii 100 oo ka qayb galay aas ka dhacay tuulada Majola oo ku taal gobolka Eastern Cape.

Tuuladaas oo ku taal gobol aan dadku ku badnayn ayaa haatan waxay noqotay xudunta cudurka ee gobolkaas. Aaskaa dhacay 21 Maarij waxa dheeraa laba aas oo kale oo ka dhacay magaalada Port Elizabeth oo dadka cudurka Covid-19 ku dhacay ee gobolkaas ah la sheegay in ay tahay wadartoodu 200 oo qof.

'Amar diiddo'

Sharcigu haatan wuxu dhigayaa in aan la ogolayn wax ka badan 50 qof in ay ka qayb galaan aaska, laakiin dadka qaar ayaa tiradaa u haysta wax faro ku tiris ah.

Af-hayeenka waaxda caafimaadka ee gobolka Eastern Cape, Sizwe Kupelo, ayaa sheegtay in qaraabada dadku ka dhintaan "diidayaan" amarka maamulka ka soo baxay, taasina keento in cudurku dadka ku sii fido.

Women sitting for a funeral

Xigashada Sawirka, Alamy

Way adagtahay in la bedelo dhaqamadan ku xididaystay bulshada, waxaana jira war tibaaxaya in aasas ay dad faro badani ka qayb galayaan dhacaan.

"Aasasku, sida aroosyada oo kale iyo xafladaha gudniinka ee dhaqameedku bulshadu muhiim ayay u tahay, waxay saameeyaan marxaladaha ugu mudan nolosha qofka" ayuu yidhi Professor Somadoda Fikeni oo xeel dheere dhaqanka ahi.

Qof kastaa waa inuu ka qayb galaa aaska oo waa qaddarin

Dadka madow ee reer Koonfur Afrika badankooda aasaskoodu waxay isugu jiraan dhaqamo Afrikaan iyo kuwo Masiixi ah.

Marka qoyska qof ka dhinto, dadku meelo dhaadheer ayay uga soo socdaalaan si ay uga qayb galaan aaska, waxaana la fadhiyaa maalmo badan oo tacsi ah. Waxa ka mid ah dhaqanka in qoyska qofku ka dhintay la samir siiyo oo wixii taakulo ah ee loo awoodo la siiyo.

Eheladuna qof kasta oo u yimaad way soo dhaweeyaan.

'Fagaareyaal fayraska lagu kala qaadi karo'

Maalinta aasku dhacayo, boqolaal qof ayaa iskugu yimaad kaniisadda oo is ag fadhiista. Marka hawsha aasku dhamaato ayaa dadkii goobta iskugu yimid hadana saf dheer u galaan cunto boqolaal qof. Hadana markaasay martidu meel wax ku wada cunaan iyagoo hadna is ag fadhiya.

" Waa goorta fayrasku fido ee dadka u kala gudbo" ayuu yidhi Fikeni.

Xafladadda daahirinta

Boqortooyada dhaqan ee AmaMpondomise waxay xukuntaa afar magaalo oo kala ah Qumbu, Tsolo, Ugie iyo Maclear iyo tuulooyinka ku hareeraysan.

"In dib loo soo celiyo habkan qadiimka ahi waxay ka dhitantahay in aaska ay ka qayb geli karaan oo keli ah ehelka ugu dhaw qofka dhintay. Marka la aasona qoysku waxay qabanayaan xaflad kooban oo is daahirin ah inta aanay ka soo tegin goobta xabaasha" ayuu yidhi Ranuga.

Baadari u ducaynaya qof dhintay

Xigashada Sawirka, Sinoxolo Funeral Directors

Qoraalka sawirka, Baadari u ducaynaya qof dhintay

Waxayna taasi keenaysaa in ay yaraato halistii fiditaanka coronavirus, dadka qaar ayaa taageersan in la soo celiyo dhakhankaa qadiimka ah ee la yidhaa ukughusheka, sababta oo ah qoyska tacsidu u taal qudhiisa ayaa kharashku ka yaraanayaa.

bb
bb

Mar hadii la xadiday dadka aaska ka qayb galaya "talo caafimaad nafsi" ah in dadka la siiyo ayaa loo baahanyahay ricted funerals

Fekeni wuxu sheegay in ay arin muhiima tahay in qorshaha lagu daro in dadka murugaysan la siiyo talo caafimaad oo nafsi ah.

"Waxa suurto gal ah in loo baahanyahay in si uun dadka talo caafimaad oo nafsi ah loo siiyo weliba kuwa duruufahani ku dirqiyeen in aanay ka qayb galin aaska dadka ehelkooda ah ee dhintay".

Laakiin baahida loo qabo in la helo hab cusub oo loo maro aasasku maaha baahi ku kooban miyaga oo keli ah. Magaalooyin badan oo ay kooban yihiin goobaha xabaaluhu ayaa jira, waxaanay saraakiishu welwel ka qabaan in dadka badan ee aasaska ka qayb galayaa cudurka fididiisa kordhin karaan.

Isbedelladaas oo dhami wax qudha ayuun bay sheegayaan, kaas oo ah in dhaqanka iyo hiddaha hodanka ah ee Koonfur Afrika.

Waa dhaqannka xoogga saaraya wada jirka iyo wada joogga oo ah waxa keliya ee Fayrasku ku fido.