Coronavirus: Ma dareemeysaa tabar darro? Haddaba raac talooyinkan.

Woman writing diary

Xigashada Sawirka, Alamy

Waxaa haatan dunida harreeyay wararka ku saabsan safmarka cudurka Covid-19, waxaa uu horseeday shaqo la'aan iyo in uu kala geeyay dadkii is jeclaa-marka waxaa sahlan in garab la'aan ay kuugu dhacdo.

Balse dadka caafimaadka qaba ee heysta wakhti iyo dhaqaalaba waxaa looga baahan yahay inay raacaan tallaabooyin lagu caawinayo shaqalaha caafimaadka iyo bulshada.

Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa talooyin caafimaad.

1. Gurigaaga joog- ku dadaal kala fogaanshaha bulshada

Waa arrin aad sameyn karto, haddii ay jiraan tallaabooyin looga dhawaaqay meesha aad joogtid sida in dadku ay kala fogaadaan, waa in aad u hogaansantaa si aad uga qeyb qaadato ka hortagga fiditaanka cudurka corona. dadka qaar ee uu ku dhaca cudurka laguma arko wax calaamad ah marka waa in aad culeyska ka yareysaa shaqaalaha caafimaadka ee ku howlan daweynta bukaanada.

2. Isku diiwangeli in aad dhiig ku tabarucdid

Dalal badan oo caalamka ka tirsan waxaa hoos u dhacay keydka dhiigga kaddib markii la dhaqangeliyay kala fogaanshaha bulshada, Ra'iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa codsi u jeediyay dadweynaha "Weli waxaan u baahanahay dadka dhiiggooda ku deeqaya ..haddii aad dooneyso ku tabaruc"

Dalka UK wuxuu sheegay in haatan loo baahan yahay dadka iska bixinayo dhiigga deeqda ah.

3. Caawi bulshada

Kooxo badan ayaa isu xilqaamay inay gargaar u fidiyaan dadka saboolka ah ee ju xayiran guryahooda xilligan lagu gudo jiro dhibaatada ka dhalatay safmarka corona.

Waxaa kamid ah ururaddaas kamid ah mid ka dhisan UK oo ay isugu yimaadeen ku dhawaad 250 qof oo isa soo xilqaamay, dadka waxay gaarsiiyaaan waxyaabaha aasaasiga ah sida cuntada iyo qalabka looga hortagayo cudurka.

Ururada samafalka oo gargaar u fidinaya dadka ku xayiran guryahooda

Xigashada Sawirka, Dare to Care Packages

Qoraalka sawirka, Ururada samafalka oo gargaar u fidinaya dadka ku xayiran guryahooda

4. Ka shaqee goobta xirfaddaada looga baahan yahay, noqo qof isa soo bixiyay

Waxaa jiraa wararka ku saabsan dad soo saarayo qalabka ay xirtaan shaqaalaha caafimaadka ee ka hortagga ah ama kuwo soo saaray dareeraha gacmaha lagu dhaqdo ee jeermiska dila.

Tusaale ahaan waxaa jiraa ururro samafal oo dadka ka caawinayo qaababka gargaarka loogu fidiyo Onlineka, sida Marc Sloan iyo kooxdiisa teknooloojiyadda waxay barnaamijyada kala ah Code4Covid iyo CovidTechSupport ku taageerayaan ururada gargaarka s ay uga caawiyaan dhibaatooyinka soo wajaha ee dhanka teknoloojiyadda.

Dhawaan waxay sameeyeen barnaamij dhanka Online-ka ah oo lagu qeybinayo badeecadaha asaasiga ah.

5. Ku bixi dhaqaalahaaga howl ku habboon oo aad aaminsan tahay

.

Xigashada Sawirka, iStock/Getty Images

Ha'yadaha samafalka iyo ganacsatada waxaa si weyn u saameeyay cudurka. marka in dhaqaalaga aad ku bixisid waddo wanaagsan waxay ka caawineysaa in ka badbaado dhibaato tan lamid ah.

Ururada gargaarka waxay arkeen baahida loo qabo adeegyada ay bixiyaan balse waxay dhakhligooda ku lumiyeen munaasbado lacago lagu uruurinayo iyo dukaamada bixiyo badeecadaha gargaarka.

Daraasad lagu sameeyay Mareykanka waxay muujineysaa in boqolkiiba 75 ururada samafalka ay dhaqaale la'aan soo wajahday halka ururada samafalka UK ay ku qiyaaseen inay lumin karaan 4.3 oo gini oo kamid ah dakhliga soo gala.

6. In aad waraaqo u dirto saaxibada iyo qoysaska kala go'doomay

Farriin ku qoran luqadda Shiineeska

Xigashada Sawirka, Heart of Dinner

Qoraalka sawirka, Farriin ku qoran luqadda Shiineeska

Marka laga soo tego dhibaatada dhaqaale- waxaa muhiim ah in laga fakaro xaaladda caafimaad iyo badqabka.

Waa xilliga ugu muhiimsan in dib loola xiriiro dadka xayiaaradda ku jiro, waxaana kamid ah in loo waraaqo dhiirogelin ah loo diro dadkaas.

"Warqadda waxaa la taaban karo, oo la keydsan karo isla markaana marar badan aad akhrin karto........ma ahaan sida Email oo iska tiri kartid" ayay tiri Alienor Duron, oo bilaabay mashruuc la yiraahdo 1lettre1sourire- oo michaneedu yahay 'hal warqad hal farxad' gudaha Faransiiska.

Waxay sheegtay in kooxdeeda ay ku dhiirigeliso dadka inay warqad u qoraan dadka waayeellada ah ee ku sugan Faransiika, Canada,Switzerland, Belgium iyoLuxembourg, waxay sheegtay inay heshay 95,000 oo warqadood muddo bil gudahood.

7. Sameyso jadwal

File photo: A woman writes in a diary dated 2020

Xigashada Sawirka, Getty Images

In aad sameysato jadwal xilliga lagu guda jiro safmarka waa mid muhiim ah.

Dalka New Zealand, Ra'iisul wasaare Jacinda Ardern waxay soo jeedisay in dadka ay sameystaan jariirad ay ku qorayaan halka ay jireen iyo dadka ay la socdeen- si saraakiisha ay uga caawiyaan la socodka xaaladda shacabka.

Cudurka safmarka waa dhibaato weyn ka tegay, taarikhyahadana waxay dersi doonaan cudurka.

8. Eeg waxa ay u baahan yihiin dadka tabaaleysan

Boqolkiiba 80 kiisaska coronavirus ee Singapore waa muhaajiriin

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Boqolkiiba 80 kiisaska coronavirus ee Singapore waa muhaajiriin

Dadka la gacan bidxeeyay ama kuwo taagta daran waxay haatan u baahan yihiin in la taakuleeyo, haddii aad dooneyso in aad caawiso waxaa usii mari kartaa ha'yadaha gargaarka.

Dalka Singapore, tusaale ahaan boqolkiiba 80 kiisaska cudurka corona waxaa laga soo sheegay guryo ay degan yihiin dad muhaajiriin ah oo ku go'doonan halkaas.

Urur samafal ayaa barnaamij dhanka Whatsapp-ka ah oo lagu taakuleynayo dadkaas, waxay soo ogaadeen inay u baahan yihiin gargaar, waxay horseedeen in muhaajiriinta ay qoysaskooda dib ula xiriiraan.

9. Caawi saaxibada iyo qoysaska ku sugan xarumaha fog ee lagu xannaaneeyo carruurta

Keisha Yearby waxay carruurta ku maddadaalisaa baraha Internetka

Xigashada Sawirka, Ms Yearby's Reading Adventures

Qoraalka sawirka, Keisha Yearby waxay carruurta ku maddadaalisaa baraha Internetka

Keisha Yearby, oo macalin ka ah gobolka Virginia ee dalka Mareykanka waxay carruurta u fidineyso casharro iyado adeegsaneysa Facebook toos ah iyo You Tube si ay u maddaaliso carruurta waalidkooda aanan heli karin wakhti iyo kuwo dhaqaale la'aanta ah isla markaana ay u faa'ideyso.

Waxay sheegtay in carruurta ay la wadaagto sheekooyin dhiirogelin ah iyo in su'aalo ay soo weyddiyaan carruurta.

10. Ha faafin wararka been abuurka

Tan iyo markii uu bilowday cudurka waxaa si baahsan u faafay wararka been abuurka oo ay kamid yihiin in cabidda 15 daqiiqo kaddib saacaddiiba ama in aad ku qabeysato biyo kulul waxay ku horseedayaan in ka badbaado cudurka.

Lyn Robinson iyo David Bawden, oo ka wada ka takhasusay cilmiga seyniska kana howlgala jaamacada City University of London, waxay sheegeen " ha gudbin wax kasta oo aan si toos ah uga soo bixin ilo wareedyo laisku haleyn karo"

bb
bb