Coronavirus: Baaritaanka DNA oo la filayo inuu soo saaro sirta Covid-19

Image of coronavirus

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Tijaabooyin dhaqaanka hiddadasidaha DNA oo la aruuriyay ayaa loo adeegsanayaa in lagu ogaado sirta ka dambeysa in calaamadaha xanuunka coronavirus ay aad u kala duwanaadaan.

Khubarada ka shaqeysa Keydka dhiigagga tijaabada caafimaad ee UK Biobank - oo ay ku jiraan dhiigag laga qaaday in ka badan 500,000 oo qof oo isxilqaamay iyo waliba faahfaahin ku saabsan xaaladahooda caafimaad - ayaa hadda ku howlan inay xog dhammeystiran ka soo saaraan cudurka Covid-19.

Waxaa la rajeynayaa in baaritaankan lagu ogaan doono sharraxaadda ku aaddan sababta ay dad aan cudurro hore qabin aad ula xanuunsanayaan coronavirus.

In ka badan 15,000 oo seynisyahan oo caalamka ka kala socda ayaa adeegsan kara tijaabooyinka ku jira UK Biobank.

Prof Rory Collins, oo ah khabiirka hoggaaminaya baaritaankan, ayaa sheegay in howshan ay noqon doonto "cilmi baaris taariikhi ah".

"Waxaa laga yaabaa inaan si dhakhso ah u helno macluumaad aad iyo aad muhiim u ah," ayuu yiri.

Sidey u kala duwan yihiin calaamadaha Covid-19?

Qaar ka mid ah dadka uu ku dhacay coronavirus wax calaamado ah kama muuqdaan - seynisyahannaduna waxay isku dayayaan inay ogaadaan tirada celceliska ah ee dadkaas.

Kuwo kalena wuxuu cudurku ugu dhacaa si sahlan.

Laakiin shantii qofba mid ka mid ah aad ayuu ula xanuunsadaa cudurka, halka tiro lagu qiyaasay 0.5-1% ay u dhintaan

Sidii wax ku caawin karaa UK Biobank?

DNA

Xigashada Sawirka, Getty Images

UK Biobank wuxuu hayaa dhiig, kaadi iyo dhacaanka candhuufta oo laga kala qaaday ilaa 500,000 oo qof oo si iskood ah ugu tabarucay, waxaana dhammaantood xaaladahooda caafimaad dabagal lagu hayay tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Keydkan wuxuu horayba gacan uga geystay in jawaabo loo helo su'aalo ka taagnaa cudurro ay ka mid yihiin kansarka, faaligga uu sababo dhiigkarka iyo xanuunno ku dhaca maskaxda.

Haddana wuxuu aruurunayaa xog ku saabsan coronavirus.

bb
bb

Maxay raadin doonaan seynisyahannadu?

Cilmi baareyaasha ayaa awooddooda isugu geyn doona inay fahmaan jinsiga cudurkan waxayna raadin doonaan tallaal lagu daweyn karo.

Hal meel oo ay si aad ah diiradda saari doonaan ayaa noqoneysa ACE2 si ay u daraaseeyaan asalka uu ka abuurmay coronavirus, taasoo ka caawin doonta inay fahmaan qaabka uu u shaqeeyo fayraska isagoo hawada raacaya.

Crowd of people

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Scientists from all over the world are hoping to understand more from patients' sequenced genomes

Yaa kale oo baaraya asalka coronavirus?

Prof Andrea Ganna, oo ka socda jaamacadda Helsinki ee waddanka Finland, ayaa hoggaaminaya dadaal aad u ballaaran oo la isugu keenayo xogta ku saabsan asalka coronavirus, iyadoo tijaabooyin laga qaadayo bukaannada uu ku haleelay caalamka qeybihiisa kala duwan.

"Waxaa jira daraasado waqti dheer socday oo lagu baarayo tijaabooyin laga qaaday boqollaal kun oo qof, kuwo kalena waxaa lagu baarayaa dhiigag iyo dhacaanno laga qaaday dadka bukaannada ah ee uu ku dhacay cudurka," ayuu yiri.

"Waa howl ay khubarada adduunka isla wadaagaan, oo ka socota dalal badan, annaguna waxaan isku dayeynaa inaan sameyso hal xarun oo kulmisa guud ahaan xogta la helo," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.