Coronavirus "si fudud ayuu ugu faafi karaa" xuduudaha isu furan

Islam Qala border

Xigashada Sawirka, Hamed Sarafarzai

Dalalk caalamka waxay xirteen xudduudahooda, haddana dad badan oo aan laga warqabin ayaa ku qulqulaya xudduudaha caalamka. Wadamo badan ayaana digniinno ka soo saaray faafitaanka fayraska ee aan lagu xakameyn karin xuduudaha ballaaran ee isu furan.

Bishii March, in ka badan 150,000 oo u dhashay Afghanistan ayaa ka soo laabtay Iiraan, oo ka mid ah dalalka uu sida ba`an u saameeyay coronavirus - kumannaan kale ayaa maalin walba isu gudbo.

Tobannaan kun oo dheeraad ah ayaa sidoo kale dhowaan ka soo laabtay Pakistan - oo ka mid ah dalalka Koofurta Aasiya ku yaalla ee uu sida ba`an ugu faafay fayraska Covid-19.

Dalalkaas ayaa la daalaa dhacaya xakameynta dhaqdhaqaaqyada ka socda xudduudaha aan ammaanka ahayn isla markaana aan sharciyada ka jirin.

Illaa iyo haatan, Afghanistan kama mid ah dalalka uu aadka u saameeyay fayraska, waxaa laga soo sheegay 423 kiisas iyo 14 dhimasho ah, balse qulqulkan ayaa laga muujiyay walaac ah in ay sii kordheyso tirada dadka isku gudbinaya fayraska.

"Marka la eego tirada dadka laga yaabo inay fayraska qabaan ee ka gudbay xadka, waxaan rajeynayaa in tirada kiisaska iyo dhimashada ee Afghanistan ay sare u kacdo," ayay tiri Natasha Howard, oo cilmiga caafimaadka dunida iyo dagaallada ka dhigta Jaamacadda National University ee Singapore.

Map

Haddii ay jiraan koror kiisaska ah, sida aan ku aragnay Mareykanka, Spain iyo Talyaaniga, waaxaha caafimaadka ee ay dagaalladu saameeyeen ee Afghanistan, waxay gebi ahaanba noqon doonaan kuwo aan xakameyn Karin fayraska.

Xadka Iiraan: Tirada oo korortay

Abdul Maez Mohammadi iyo qoyskiisa waxay Iiraan ku noolaayeen muddo siddeed sano ah. Balse kaddib markii madaxa shirkadda dhismaha ee uu ka shaqeynayay uu joojiyay mushaarka uu siiyo, wuxuu soo kaxeeyay xaaskisa, walaalkiis iyo wiilkiisa oo hal sano jira, wuxuuna soo aaday dalkiisa.

Abdul Maez and his family at Islam Qala border

Xigashada Sawirka, Aziz Ahmad Rahimi

Qoraalka sawirka, Mr Mohammadi wuxuu dib ugu noqday tuulada uu ka soo jeedo oo ay maamulaan Taalibaan ka dib markii shaqada laga tirsay

Waxay toddobaadkan ka soo gudbeen xadka Islam Qala iyagoo gaaray Herat, halkaas oo aan laga diwaan-gelin waxayna u sii gudbi doonaan xaafaddooda oo ay maamulaan ururka Taliban, halkaas oo aysan ka jirin adeegyo caafimaad.

"Xaaladda ka jirta Iiraan ee Covid-19 aad ayay khatar u tahay waxaana maqlay inaysan jirin meel la geeyo kiisaska," ayuu yiri Mr Mohammadi.

Xadkan labada dhan kama laha xarun karantiil. Maamulka gobolka ayaa sameeya baaritaan caafimaad oo guud, balse waxaa ka badan tirada dadka.

Herat ma laha qalabka baaritaanka Covid-19 oo ku filan, natiijada ayaana qaadata afar ilaa shan maalin, waxaase laga yaabaa in dadka la baaray aysan sugin natiijada oo ay xaafadahooda aadaan.

Mr Mohammadi ayaa sheegay inuu ku qasban yahay in marka uu xaafaddiisa ku laabto uu shaqo bilaabo, balse wuu ogyahay inay tahay inay taxadaraan.

"Waa inaan gacmaha iska dhaqnaa marka aan soo kacno, oo aan cadeysannaa saddex jeer maalintii, isla markaana aan ka fogaanno isu imaatinnada waaweyn. Waa inaynaan aadin xaafadaha deriska ah, cuntadana waa in si fiican loo kariyaa," ayuu yiri.

Islam Qala border

Xigashada Sawirka, Hamed Sarfarzai

Qoraalka sawirka, Waxaa jiro baaritaanno kooban oo laga sameeyo xuduudda Iran iyo Afghanistan ee lagu magacaabo Islam Qala.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), oo qeyb ka ah Qaramada Midoobay, ayaa sameysay xarrumo gargaar bani`aadannimo loogu sameeyo dadka u gudbaya Afghanistan.

Aziz Ahmad Rahimi, oo ah agaasimaha sare ee IOM ee gobolka Herat, ayaa sheegay in marka ay arkaan qof ay ka muuqdaan calaamadaha fayraska Covid-19 ay u gudbiyaan isbitaallada gudaha. 10-15 qof ayaa illaa iyo haatan laga helay fayraska sida uus heegay.

Xadka Pakistan: Waxaa lagu qasbay inaysan ilaalin xadka

Xaalad taas la mid ah ayaa ka jirta xadka Pakistan.

Dowladda Afghanistan ayaa ka codsatay xukuumadda Pakistan inay xadka furan si loogu oggolaado inay dalkooda ku soo laabtaan dadka u dhashay Afghanistan ee go`doomay kaddib markii ay Pakistan xirtay xadkeeda.

Dowladda ayaa sheegtay in illaa 1,000 ay maalintiiba u oggolaan doonaan inay xadka ka gudbaan, balse waxaa la sheegay in 20,000 ay ka gudbeen xadka Chaman labadii maalmood ee la soo dhaafay, taas oo ku qasabtay in dowladda ay meesha ka saarto shuruuddeeda ayna keliya u oggolaato in dadka haysta waraaqda aqoonsiga saxda ah ay ka gudbaan xadka.

Dowladda Afghanistan ayaa muddo 14 maalmood ah Torkham ku karantiishay 4,000 oo qof oo Afghanistan u dhashay, balse waxaa ka batay tirada dadka.

Guud ahaan 60,000 oo qof ayaa u gudba Afghanistan muddo saddex maalmood gudahood ah, sida ay sheegtay IOM.

Muuqaal aan la xaqiijin oo ay warbaahinnadu soo dhigeen baraha bulshada ayaa lagu arkayay dad ku soo xoomaya xadka iyagoo aan saraakiisha tuseynin waraaqahooda aqoonsiga.

Dadkaasina waa kuwa maraya baraha koontaroolka ee rasmiga ah. Sannado badan waxaa jiray dad si sharci darro ah uga kala gudbaya Afghanistan iyo Pakistan - tiradaas way adagtahay in la daba galo.

Afghanistan's healthcare resources. . .

Arrintan ayaa horseedday in hay`adaha gargaarka iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya gobolka ay digniin ka soo saaraan faafitaanka coronavirus ee xudduudaha.

Haddii sida ay ka baqayaan ay kiisasku sii kordhaan toddobaadyada soo socda, sida ay Afghanistan ula tacaali lahayd tiradaas ayaa abuuraysa walaac maaddaama dalalka horumaray ee adeegyada caafimaad ee tayada leh ee ay la daalaa dhacayaan xakameynta xanuunka.

bb
bb

Sidey Afghanistan u xakameyn doontaa fayraska?

Wasaaradda caafimaadka bulshada ee Afghanistan ayaa saadaalineysa in illaa 16 milyan oo ka mid ah 30-ka milyan ee bulshada dalkaas ay qaadi karaan fayraska, sida ay ka soo xigatay WHO.

Waheedullah Mayar, oo ah afhayeen wasaaradda, ayaa sheegay in arrinta ugu daran ay tahay in illaa 700,000 oo qof ay u baahnaan doonaan in isbitaalka la dhigo, halka 220,000 oo ka mid ahna ay u baahan karaa daaweynta qeybta xaaladaha degdegga ah. Sidoo kale 110,000 oo tiradaa ka mid ah ayaa u dhiman kara Covid-19.

Guud ahaan isbitaallada Afghanistan waxaa yaalla 10,400 oo sariiro ah. Gobolka Herat, qiyaastii waxaa yaalla ilaa 12 oo qalabka bukaannada ka caawiya neefsashada ah.

"Afghanistan ma yeelan doonto tiro badan oo sariiro ah xitaa 10-ka sano ee soo socda," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in waaxaha caafimaadka ay diiradda saarayaan tallaabooyinka ka hortagga.

Kabul waxaa gebi ahaanba saaran bandow, isu imaatinnada bulshada ayaana laga mamnuucay Herat.

Balse bulshada dalkaas, waxay badankooda qabaan xanuunno hore sida qaaxada, kansarka iyo sokorta waxaana jira illaa 2.5 milyan oo carruur oo nafaqo darro ay haysato, sida ay sheegtay hay`adda gargaarka ee Save the Children.

Balse haddii ay xaaladda Afghanistan ay sidaas u xun tahay maxay dad badan u doonayaan inay dib ugu soo laabtaan?

Badankood waxay ka soo cararayaan xanuunka Covid-19 ee ka dillaacay Iiraan iyo Pakistan bandowga ayaana ciriir geliyay fursadaha dhaqaale. Dadka ayaa sidoo kale ka cabsi qaba inaysan halkaas ka heli karin daaweyn caafimaad.

"Ra`yiga dadka soo laabanaya ayaa ah, haddii aan dhimanayo waxaa fiican inaan dalkeyga ku dhinto," ayuu yiri Mr Rahimi.

Khubarrada qaar ayaa aaminsan in haatan laga daahay xakameynta faafitaanka fayraska ee gudaha Afghanistan. Waxaana aad u yar caawinaadda laga heli karo beesha caalamka oo iyaguba la daalaa dhacaya fayraska.