Coronavirus: 'Bisadaha yaysan guriga ka soo bixin'

Domestic cat

Xigashada Sawirka, Victoria Gill

Qoraalka sawirka, In kastoo ay suuragal tahay in aysan ku faraxsanayn, haddana waa in bisadaha guriga lagu celiyo.

Seynisyahannada ku taqasusay arrimaha xoolaha iyo xaywaanaadka kale waxay ku talinayaan in bisadaha guriga lagu celiyo si looga hortago in fayraska Corona uu ku faafo xaywaanaadka dhexdooda.

Balse, Ururka ay ku mideysan yihiin dhaqaatiirta Xoolaha ee Britain waxay carabka ku adkeeyeen in "dadka xanaaneysta yaanyuuraha aysan ka walwalin" in ay fayraska ka qaadaan.

"Ma jiro hal kiis xitaa oo ah eey ama yaanyuur fayraska Covid-19 u gudbisay qof bini-aadam ah," Sida uu sheegay Dr Angel Almendros oo ka tirsan jaamacadda City University ee Hong Kong, oo BBC News la hadlay.

Cilmi-baarayaasha waxay sheegayaan in bisadaha ay isu gudbin karaan fayraskan.

Dr Alemndros wuxuu intaa ku daray in ay muhiim tahay in qof kasta uu bisaddiisa ku celiyo guriga - halkaas oo badqab u leh - xilligan uu jiro xanuunkan safmarka ah ee coronavirus.

Gudoomiyaha Ururka ay ku mideysan yihiin dhaqaatiirta xoolaha ee Britain BVA, Daniella Dos Santos, waxay BBC News u sheegtay in ay taladaas ku raacsan tahay dhaqaatiirta kale.

Markaa ka dib waxay cadeeyeen in wanaagga uu yahay in dadka leh eeyaha iyo bisadaha in ay walaacaan ay horseedeyso in ay feejignaan muujiyaan, ayna guriga ku celiyaan oo aan loo ogolaan in ay banaanka u baxaan.

"Keliya marka qof ka mid ah dadka gurigaas ku nool lagu arko astaamaha fayraska Covid-19", waa marka ay tahay in guriga lagu celiyo, ayey tiri.

Qof kasta oo bisad ama eey xanaaneysta waa in uu "nadaafadda ilaaliyo gacmahana iska dhaqo," ayey hadalka ku sii dartay.

"Dufta xaywaankan waxaa ku dhuuman kara fayraska in muddo ah, haddii ay la kulmaan qof la xanuunsan coronavirus."

Sida ka muuqatay warqad dhowaan la qoray oo Dr Angel Almendros uu ku suntanaa oo la xiriirtay kiiska eey 17 sano jir ah oo ku nool Hong Kong, waxaa lagu cadeeyay in fayraska Covid-19 uu ka qaaday qofkii xanaaneysanayay.

"Balse, xitaa haddii ay jiraan jiisaskan la xaqiijiyay, haddana xaywaankan lama xanuunsanayaan fayraska," ayuu yiri.

"Sida laga bartay xanuunkii Sars-Cov ee Hong Kong, sannadkii 2003-dii, xilligaas oo dhowr eey iyo bisad ay qaadeen fayraska, haddana weligood laguma arkin xanuun. Ma jirto caddeyn muujineysa in eeyaha iyo yaanyuuraha ay xanuunsanayaan ama ay fayraska u gudbinayaan dadka".

Sideey aadanaha fayraskan ugu gudbiyaan xaywaankan?

Waxay u muuqataa in bisadaha ay u nugul yihiin in fayraskan uu ku noqdo caabuq kaga dhaca neef-mareenka - Fayraska wuxuu raacayaa hawada marka aadanaha ay qufacaan, hindhisoodaan, ama ay neefsadaan.

Ka dib markii bisad ku sugan Belgium laga helay fayraska, isbuuc ka hor, qofkii xanaaneysanayayna waxaa lagu arkay astaamaha xanuunkan. Seynisyahanno ku sugan Shiinaha oo tijaabooyiin sameeyay waxay soo bandhigeen caddeynmo muujinaya fayraska sida ay isugu gudbiyaan bisadaha.

"Waa arrin la yaab leh in la ogaado in bisadaha uu ku dhici karo fayraskan, iyadoo Shabeel uu ku dhacay," ayuu yiri Prof Bryan Charleston, Agaasimaha Machadka UK's Pirbright Institute, kaas oo ka shaqeeya baaritaanka cudurada faafa.

Sidoo kale, "caddeynta isu gudbinta" ee Bini-aadamka uu fayraska u gudbiyo xaywaanka waa mid isa soo tareysa.

One of the Bronx Zoo's Malayan tigers

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hal shabeel oo ku jira xerada Bronx Zoo ee Malayanayaa laga helay Covid-19.

Waxaa kaloo jirta caddeyn ah in aadanaha uu xaywaanka u gudbin karo cudurada ku dhaca neef mareenka, taas oo walaac ku abuurtay dhaqaatiirta xoolaha oo ah in Covid-19 uu ku faafo dunida uuna helis geliyo noolaha kale sida Goriilaha.

Dhammaan kiisaskaas tirada badan ee saameeyay aadanaha waxay halis ku yihiin xaywaanaadka kale.

"Waan ognahay in fayraska uu xoolaha ka soo boodo kuna dego bini-aadamka, bilowgii musiibadan, balse taasi waxay u muuqataa in dadka ay cunayeen xoolaha qabay xanuunka," ayuu yiri Prof Charleston.

Ma jirto caddeyn ah in xoolaha ay fayraskan markale u gudbin karaan aadanaha.

bb
bb

"Xoolaha iyo xaywaanaadka kale u dawee sida loo daweynayo qofkii xanaaneysanayay. Haddaba, haddii aad xanuunsan tahay, ha u dhowaan bisadaha iyo eeyaha," ayuu yiri Dr Almendros.

"Waxaan rajeynayaa dadka bisadaha ama eeyaha guriga ku haysta in ay taladan wanaagsan si fiican ugu seexdaan," ayuu hadalka ku daray. "Ma fuda maalmahan, waan ogahay".