Trump oo iska diiday talo caafimaad oo la xiriirta Coronavirus

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay inuusan xiran doonin walxaha afka lagu xirto ee gacanta ka gaysta in cudurka uusan faafin, muddo yar un kaddib markii lagu dhawaaqay in dowladdiisa ay ku talabixinayso in dhammaan Ameerikaanka ay goobaha fagaarooyinka afkooda duubtaan.
Mr Trump ayaa ku celceliyay in tallaabooyinkaas aanay qasab ahayn.
Wuxuu shegay inaysan ka suuroobanin inuu madax, boqoro iyo kali taliyayaal in aqaka cad ku salaama isagoo uu afku u xiran yahay.
"Adigana kuma khasbanid, umaleyn maa in ana anigana xiran doono"
Talaaboyinka ay soo saartay xarunta ka hortagga cudurada ayaa imanaysa kaddib markii Mareykanka laga xaqiijiyay laba boqol iyo toddobaantan kun afar boqol toddobaatan iyo saddex kiis oo fayraska corona ah halka dhimashaduna, ay caga cageyneyso 7,000 oo qof.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tirada dadka cudurka coronavirus ugu dhintay gudaha waddanka Mareykanka ayaa waxa ay maalin qura ka saramartay 1300, tiradaas oo noqonaysa middii ugu sarraysay ee muddo 24 saacadood ah dunida laga diiwaangeliyo.
New York ayaa noqotay meesha saameynta ugu badan uu ku yeeshay Corona iyadoo ku dhawaad 2,000 oo qof ay ku dhinteen
Wararka kale ee la xiriira xanunka Covid19
Dhawaqa digniinta ee duqeymaha cirka, hoonka maraakiibta, kan gawaarida iyo midka tareennada ayaa laga yeeriyay guud ahaan waddanka Shiinaha, taas oo lagu xasuusanayay dadkii u dhintay cudurka coronavirus.
Dalkaasi muddo saddex daqiiqadod ah waxaa gebi ahaanba la joojiyay dhaqdhaqaaqii taas oo lagu xusayay dadkii ay waxyeellada ka soo gaartay cudurkaasi.
Shiinaha ayaa si rasmi ah u diiwaangeliyay in ka badan 3 kun oo dhimasho tan iyo bishii Diseembar markaas oo uu gobolka Hubei ka dilaacay cudurkaasi.

Xigashada Sawirka, PANORAMA IMAGES/GETTY IMAGES
Soomaaliya oo laga xaqiijiyay kiisas cusub
Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in laba kiis oo cusub oo Coronavirus ah laga helay Soomaaliya, iyada oo tirada dadka cudurka laga helay ka dhigeyso 7 qof, halka 1 qof oo ka mid ahna uu cudurka ka bogsaday.
Wasaaradda caafimaadku ayaa waxay sheegtay in 2-da qof ee cudurka haleeyay ay kala yihiin muwaaddin Soomaali ah iyo qof Ajnabi ah.
Horay ayay Guddiga sare ee u xilsaaran xakamaynta xaaladaha fayraska Corona oo shir jaraa'id ku qabtay Isbitaalka Martiini u sheegeen in Soomaaliya laga helay 5 qof oo qabta xanuunka Corona, halka 17 kalena baaritaan lagu hayo.
Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ka tirsan Guddiga sare ee ay Dowladdu u xilsaartay xakamaynta xaaladaha COVID-19 ayaa Bulshada usoo jeediyay in aysan qarsan haddii ay isku arkaan calaamadaha xanuunka, isagoona sheegay inuu ka cabsi qabo inuu Dalka ku Laba qarxo maaddaama ay Dadka qaarkii qarsanayaan.
"Wuu jiraa xanuunka ha difirin, Dadka ka ilaali. Naftaada ka ilaali waa xanuun saf mar ah oo kugu dhici kara, qor walbana ku dhici kara, waa farrinta aan Jecelnahay inaan Dadka la wadaagno'', ayuu yiri Cabdirisaaq.












