Xaaf: Galmudug kama tagayo, Xamar dambena uma socdo

Xigashada Sawirka, Yussuf Garad
- Author, Cabdishakuur Casoowe
- Role, Nairobi
Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiinta maamul goboleedka uu hadda mdaxweynaha ka yahay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Tallaabada Xaaf ayaa ka dambeysay markii uu baddalay go'aankii uu ku qaaddacay maamulka ay dowladda Dhexe taageersan tahay ee laga dhisay Dhuusamareeb, isagoo ugu dambeyntii aqoonsaday madaxweynaha lagu baddalay.
'Wax badan ma aannaan maqneyn, xoogaa yar bay ahayd oo kululeysi ah'
Xaaf ayaa mar uu ka hdlayay munaasabaddii lagu soo dhaweynayay sheegay in Galmudug "ay hadda wixii ka dambeeya mid noqotay".
Dad badan ayuu ka qosliyay markii uu majaajilo ka dhigay khilaafkii lagu kala irdheysnaa.
"Maanta runtii waa maalin qiimo badan u leh Galmudug. Khilaafku waa fidno, fidnaduna waxay ka daran tahay dilka. Wax badan ma aannaan maqneyn, xoogaa yar bay ahayd oo kululeysi ah, haddana odaygii wuu tanasulaye waa la tuuray yaan la oranin," ayuu yiri Xaaf.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sharraxaad ka bixiyay waxa uu sameyn doono, maadaama uu kursiga madaxtinnimada ka tanaasulay.
"Alle waxaan ka rajeynayaa Galmudug inay reysato. Anigu geed fadhi kaliya ma ihiye waxaan rabaa inaan iska fadhiyo Galmudug mana ka tagayo, Xamar dambena uma socdo. Waxaan rabaa inaan dhiso jidadka iyo dekedaha, halkaas ayaan iska aadayaa. Taana ha la igu soo taakuleeyo, rag badanoo meesha joogoow igu soo taakuleeyam, bahasha jallaafada ka daaya," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Galmudug
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa dhankiisa sheegay in isaga iyo Xaaf ay si gaar ah uga heshiiyeen arrimihii taagnaa.
"Waxaan rabaa halkan inaan ka caddeeyo wax walba oo kala duwanaansho ahaa oo jiray waan ka heshiinnay aniga iyo madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Khilaaf iyo tabasho Galmudug dhexdeeda ku hartayna ma jirto. Waa Alle mahaddiis, aragtideennii bay ahayd, qorshaheennii bay ahayd inaan walaal kasta meesha uu ka tabanayo iyo siduu wax u tabanayo aan ugu tagno", ayuu yiri Qoor Qoor.
Wuxuu sidoo kle sheegay in Xaaf uu tanaasulay.
"Ninkii ugu muhiimsanaa Galmudug, sidaan horayba usoo sheegnay, maanta ayuu Galmudug u tanaasulay, odaytinnimadiisii shalay lagu yaqaannayna wuu ka dhabeeyay".

Xigashada Sawirka, Galmudug
Afhayeenka Galmudug Cismaan Ciise Nuur oo loo yaqaano Taardhuleed, ayaa BBC-da u sheegay "in go'aanka Xaaf uu daba socday wada xaajood ay in muddo ah lahaayeen isaga iyo madxweynaha cusub ee Galmudug".
Isagoo ka warramaya xilli ay dhaceyso xil wareejinta madaxweynihii hore iyo caleemasaarta madaxweynaha cusub ayuu yiri: "Xil-wareejintu waxay ku xirneyd caleemasaarka, kaasoo aad dareemi karto in mar horeba dhowr jeer dib loo dhigay sababo la xiriira cudurkan adduunka halakeeyay ee coronavirus, laakiin waxaan rajeyneynaa haddii Alle idmo, maadaama uu mdaxweynihii nasoo gaaray, inay jiri doonaan xaflado kooban oo arrimahaas looga hadlo".
Isbadbaddalka Xaaf ee Galmudug 'ma xeelad xumaa mise waa xal'?
Xaaf ayaa muddooyinkii dambe si weyn loogu yaqaannay inuu go'aamo qaato hadda dib uga laabto. Bilihii lasoo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu si iskiis ah uga dhawaaqay "dowlad goboleedka uu Galmudug" taasoo uu sheegtay inuu madaxweyne ka yahay.
Laakiin hadda waxaa muuqata in sidii horay looga bartayba uu mar kale go'aankiisa baddalay.

Horaantii bishii January, Xaaf wuxuu markii labaad ka laabtay wakaaladdii dhismaha maamulka Galmudug oo uu 4-tii bishii July ee sanadkii hore ku wareejiyay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka.
Balse saddexd bilood kadib, 30-kii bishii Sabtembar ee sanadkii tagay, waxaa uu isla madaxweyne Xaaf soo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegay in uu ka laabtay u wakiilashadiisii wasaaradda arrimaha gudaha ee doorashada Galmudug, wuxuuna sababta ku sheegay "in ay soo badatay cabashada ay qabaan beelaha dega Galmudug, sidaasi darteedna lagama maarmaan ay noqotay in howlaha doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta lagu soo celiyo gacanta maamulkiisa.
Haseyeeshee, Xaaf mar kale ayay heshiiyeen isaga iyo wasaaradda uu hogaamiyo wasiir Sabriye, waxaana ay ku heshiiyeen in Dowladda Federaalka ay hormuud ka noqoto qorshaha maamul u sameynta Galmudug, waxaana taas ay keentay in mar labaad uu wasaraadda arrimaha gudaha u wakiishay dhismaha maamulka Galmudug, taas oo soo afjartay khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Galmudug iyo dowladda dhexe.
Haddana markale ayuu madaxweyne Xaaf ka laabtay wakiilashadii labaad, waxaana 5-ta bisha Janaayo ee sanadkan 2020-ka uu sheegay in uu soo dhisay guddi farsamo oo uu sheegay in ay ka shaqeyn doonaan doorashada Galmudug.
"Heshiiska aan qaatay wuxuu ahaa markii horeba in annagu aan doorashada hogaaminno, Dowladda Federaalkana ay nala joogto, mar dambe ayaa maadaama uu khilaaf ina soo kala dhexgalay, waxaan niri bal adinku wada oo dadka isku soo dhaweeya, arrintii sidaas ahayd si kale ayay u badalantay oo markii ra'iisul wasaaraha yimid, meesha wuxuu ka dhigay in aysan dolwdi meesha ka jirin", ayuu yiri Xaaf oo la hadlayay BBC-da.
Wuxuu intaa raaciyay in uusan wax heshiis ah ka bixin, balse taas badalkeeda uu ku eedeeyay Dowladda Federaalka in ay ka baxday heshiisyadii ay wada galeen.
Go'aanka labaad ee uu qaatay ayaa waxaa kasoo horjeestay qaar kamid ah mas'uuliyiinta laga soo doorto Galmudug, oo sheegay in aanay ku raacsaneyn.
"Galmudug ila meerayso lagu danaysanayo intaan ka badan uma dulqaadan karto!. Madaxweyne Xaaf markii uu ku wareejiyay Wasaarada Arimaha Gudaha xilkii reer Galmudug ay u dhiibteen ayuu ka tanaasulay mas'uuliyaddii uu Galmudug u hayay. Xilka laguu doortayna waa dhiibay in aad dhahdo waxay la mid tahay adiga oo iska casilay, marka Galmudug mas'uuliyad hadda uma haysid ee hadii han siyaasadeed kaaga jiro tartanka soo gal abtiyow", sidaa waxaa bartiisa Twiter-ka ku qoray xildhibaan Mahad Salaat oo kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Xigashada Sawirka, SONNA
Hasayeeshee dadka darsa arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in inkastoo ay jirto isbadbadel dhanka go'aanada ee madaxweyne Xaaf haddana Dowladda Federaalka ay ka gudubtay xilliga ay u baahnedy Xaaf.
Xassan Cali oo wax ka dhiga mid kamid ah jaamcadaha Magaalada Muqdisho, kana faallooda arrimaha Soomaaliya, ayaan weydiinnay waxa ay ka dhigantahay arrintan.
"Isbed-bedelka Madaxweyne Xaaf waxaa laga fahmi karaa in siyaasada Soomaaliya jahwareertay, sababtoo oo ah Dowlada Dhexe ee Federal-ka ayaa kolba dhinac u socota. Tusaale ahaan, Dowlad Federal-ku waxay Madaxweyne Xaaf kala wareegtay awooddii hogaaminta ee Galmudug, arinkaas-na Xaaf waa aqbalay. Hadana mar labaad Dowladda Dhexe ee ayaa u celisay awooddii (ama soo nooleeysay). Dowladda Dhexe ayaa u baahtay in Madaxweyne Xaaf ka qeybgalo shirkii beesha caalamka (Partnership Forum), si ay Dowladdu ugu dooddo in ay gacanta ku hayso badi Maamul-Goboleedyad, taasoo ka dhigan in ay maamusho 3 ka mid ah shanta maamul goboleed. Hadana markale ayey Dowladda Dhexe Madaxweyne Xaaf kala noqatay awooddii Gulmudug oo waxay rabtaa in ay dhisto Maamul cusub oo aysan kala tashan Xaaf", ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Xasan sheegay in xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo ay ujeeddooyin gaar ah ka leedahay go'aannadeeda kala duwan ee ku aaddan Xaaf.
"Dowlada Dhexe waxay rabtaa in ay isticmaasho Madaxweyne Xaaf, waliba sida ay dooneeyso", ayuu yiri Xassan Cali.

Xigashada Sawirka, MADAXTOOYADA SOOMAALIYA
Dhanka kale wuxuu eegay mustaqbalka loo saadaalin karo gobolka.
"Hadii xaalku ku sii socdo sida ha wax ku sii socdaan waxaa dhici kara 2 arimood midkood: 1. In Dowlada Dhexe dhisto Maamul aan loo dhammeyn isla markaasna abuuri-doona qalalaase siyaasadeed oo u soo gudba ilaa iyo Muqdisho iyo guud ahaan siyaasada Soomaaliya oo dhan. 2. In Madaxweyne Xaaf helo taageero siyaasadeed oo ay iskugu tagaan dhammaan inta ka caraysan qaabka wax u socdaan, natiijaduna noqoto in Gulmudug yeelato 2 Madaxweyne isla markaasna Gulmudug hareereeyo buuq siyaasadeed iyo in Maamulka hada Dowlada Dhexe dhisayso uu shaqeeyn waayo", ayuu yiri.
Inkastoo madaxweyne Xafa uu wlai yahay qofka ugu sarreeya maamul goboleedka Galmudug ayaa haddana waxaa muuqata in hadalkiisa uusan wax saameyn ah lahayn marka la eego halka ay hadda wax marayaan iyo sida dhinacyada siyaasadda ee Galmudug, oo ay kamid tahay Ahlu Sunna, ay ugu qanacsan yihiin qaabka uu u socdo hannaanka maamul dhisidda Galmudug. Waxaase aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan tallaabooyinka uu haatan qaaday.










