Coronavirus: Cudurkan ma horseedi karaa in Iiraan ay isu dhiibto Mareykanka?

Xigashada Sawirka, EPA
Waxaan wajaheynaa xasarado dhinaca caafimaadka dadweynaha ah, oo ka taagan guud ahaan caalamka, waxaana laga yaabaa inay yihiin kuwii ugu xumaa ee dunida soo maray muddo ka badan hal qarni.
Sidaas awgeed la yaab ma laha in cudurka safmarka ah ee Coronavirus(Covid-19) uu baddalay dhammaan wararkii ugu waaweynaa ee aan ka maqli jirnay adduunka.
Sidaas si la mid ah, dadka wax falanqeeya waxay sheegayaan in cudurkan uu sidoo kale wax weyn ka baddali karo arrimaha ka taagnaa caalamka.
Wali xaaladdu fari kama qodna.
Su'aasha degdegga ah ee uu qof walba isweydiinayo waa in cudurkan uu wax ka baddali doono dabeecadaha cadaawadda ee dalalka Iiraan iyo Mareykanka, maadaama labada waddanba ay hadda la dhibaatoonayaan saameynta ka soo gaartay Coronavirus.
Ma laga yaabaa in uu xanuunkan sabab u noqdo inuu wanaagsanaado xiriirka u dhaxeeya Tehran iyo Washington, ayna iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Coronavirus?
Su'aashan waxay u timid maadaama uu cudurkan waxyeello ba'an u geystay Iiraan.
Tirada dadka uu xanuunkan kula dhacay dalkaas ayaa gaartay in ka badan 17,000 oo qof, halka tirada dhimashadana ay sii mareyso 1,192 ruux.
Dhaqaalaha Iiraan waxaa horayba u sii wiiqay cunaqabateynta uu saaray Mareykanka, inkastoo xukuumadda Washington ay ku adkeysaneyso in qalabka gargaarka bani'aadannimo - sida dawooyinka - ay yihiin kuwo ka baxsan waxyaabaha cunaqabateynta la saaray.

Xigashada Sawirka, AFP
Bangiga dhexe ee waddankan ayaan awoodin unuu xal u helo caqabadda, in dalkan uusan ganacsi la sameyn karin dunida inteeda kalena waxay kusii xoojineysaa dhibaatada.
Arrimaha waxaaba uga sii daray xayiraadaha dhinaca safarrada, xuduudaha la xiray iyo wixii la midka ah, kuwaasoo uu sababay cudurkan safmarka ah.
Culeyska dhinaca dhaqaalaha ee saaran Iiraan wuxuu gaaray heer ay qaaddo tallaabo aan kusii talagal ahayn oo ay lacag dhan $5 bilyan oo doolar, oo deg deg ah, uga codsatay Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF.
Waxay noqoneysaa markii ugu horreysay muddo 60 sano gudahood ah oo ay Iiraan dhaqaale weydiisato IMF-ta.
Afhayeen u hadlay hay'addaas ayaa Talaadadii BBC-da u sheegay in mas'uulyiinta IMF ay wadahadal la yeesheen madaxda Iiraan, si ay wax badan uga fahmaan codsiga.
Mareykanka, oo xubin muhiim ah ka ah guddiga ay ku dhisan tahay hay'adda IMF ayaa saameyn ku yeelan kara in lacagtaas la siiyo Iiraan iyo in kale.
Laakiin dadka u kuur gala xiisadda ka dhex aloosan xiriirka Mareykanka iyo Iiraan ayaa qaba in Mareykanka qudhiisa hadda looga baahan yahay inuu usoo dacdo Tehran.
Durbaba khubaro Mareykan ah ayaa ku talinaya in Iiraan la siiyo waxa ay rabto, sidoo kalena uu Mareykanku tallaabo u qaado inuu gacan ka siiyo sidii ay Tehran xal ugu heli lahayd xasaradaha caafimaad ee heysta.
Mark Fitzpatrick, oo ah khbiir ku xeel dheer arrimaha la xiriira xakameynta hubka iyo barnaamijka nuclear-ka Iiraan, ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii lasoo afjari lahaa ismariwaaga Mareykanka iyo Iiraan ee muddada dheer taagnaa.
"Siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan Iiraan waa mid qallafsan, waana lagu guul darreystay in wax looga baddalo dhaqamada Iiraan, in lagu sii xumeeyo mooyaane, " ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan

Barbara Slavin, oo ku takhasustay arrimaha diblomaasiyadda Iiraan ayaa wargeyska Mareykanka ah ee The American Conservative Talaadadii ku qortay in saraakiil ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ay soo jeediyeen fikradda ah in xukuumadda ka talisa Iiraan lagu soo jiito taageero looga caawiyo culeyska ay ka dareemayaan cudurka safmarka ah.
"Mudaharaadyo waaweyn oo ay suurtagal tahay inay ka dhacaan Iiraan ayaa dowladda kusii adkeynaya xaaladda, maadaama ay horseedi karaan inuu xanuunka sii fido, iyadoo dadkana talada la siinayay ay ahayd inay guryahooda ku sugnaadaan," ayey ku tiri qoraalkeeda.

Xigashada Sawirka, AFP
Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka waxay qaadday tallaabooyin yar yar oo ay ku caddeyneyso in adeegga gargaarka bani;aadannimada uu u furan yahay Iiraan, oo uusan qeyb ka ahayn waxyaabaha laga cunaqabateeyay.
Laakiin ka miraan waxyaabo si toos ah u caddeynaya in maamulka madaxweyne Trump uu cadaadiska weyn uga qaadayo dowladda Iiraan, ayey sii raacisay hadalkeeda.
Marka ma laga yaabaa in dalal kale oo dhexdhexaad ah ay arrintan soo galaan?
Uma badna sidaas, sababtoo ah dhammaan waddamada ay suurtagalka tahay inay tallaabadaas qaadaan waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay shacabkooda uga badbaadin lahaayeen xanuunkan fidaya.
Maamulka Trump wuxuu doonayaa in uu gool dhinaca diblomaasiyadda ah dhaliyo isagoo ka faa'iideysanaya xasaradda ka dhalatay cudurkan.
Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa horaantii isbuucan sheegay in hoggaamiyeyaasha Iiraan "ay ka been sheegeen Fayraska Wuhan muddo isbuucyo ah" iyo waliba "inay isku dayayeen inay iska indhatiraan mas'uuliyadda ka saaran shacabkooda... iyo dhaqaalaha waddankooda".
Marka uu Mr Pompeo leeyahay "Fayraska Wuhan", wuxuu ula jeedaa "coronavirus".

Xigashada Sawirka, EPA
Washington ayaa sidoo kale dooneysa inay eedda cudurkan saarto xukuumadda Beijing, laakiin mas'uuliyiinta Shiinaha qaarkood ayaa qudhooda sheegay in cudurkan uu yahay mid ay abuureen milatariga Mareykanka.
Laakiin marka ay timaaddo arrinta Iiraan, Mr Pompeo xaaladda intaas wuu kasii weyneysiiyay.
Wuxuu sheegay in "Fayraska Wuhan uu yahay dilaa halka Iiraan ay tahay mid la socota oo garab u ah cudurka".
Haddana sidaasoo ay tahay, wuxuu sheegay in Mareykanku "uu isku dayayo inuu caawiyo".

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhowr isbuuc uun ka hor, Mareykanka iyo Iiraan waxay qarka u saarnaayeen inuu dagaal dhex maro.
Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Trump ayaa amar ku bixisay in Ciraaq lagu dilo janaraal u dhashay Iiraan oo lagu magacaabi jiray Qaasim Suleymaani, kaasoo ahaa sarkaalka ugu darajada sarreeya ciidamada dalkaas.
Tehran waxay tallaabadaas uga jawaabtay inay gantaallo ku duqeyso saldhigyo ay isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ku leeyihiin gudaha dalka Ciraaq.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxaa halkaas kasii socday xiisadda labada dal, iyadoo Mareykankuna uu weerarkaas uga jawaabay duqeymo xaga cirka ah.
Coronavirus wuxuu soo ifbaxay xilli uu caalamka oo dhan indhaha ku hayay xiisadda ka dhex aloosneyd Tehran iyo Washington.
Haddii aysan waxba isbaddalin inta xaaladdan ku jiro, waxaa la arki doonaa wixii dhaca marka ay dhammaato saameynta Caabuqa coronavirus.










