Cudurka Corona oo Talyaaniga uga sii faafaya Qaaradda Yurub

Xigashada Sawirka, AFP
Dalal badan oo ka tirsan Qaaradda Yurub ayaa shaaciyay inuu markii ugu horreysay gaaray Caabuqa Corona, dhammaan kiisaskana waxaa lala xiriirinayaa inuu sabab u yahay Talyaaniga oo xanuunsan uu si weyn ugu faafay.
Waddamada Austria, Croatia iyo Switzerland ayaa sheegay in dadka laga helay cudurka ee dalalkooda ku sugan ay ahaayeen kuwo ka yimid Talyaaniga, sidoo kalena qaarkood ay ka yimaadeen Algeria oo ka tirsan qaaradda Afrika.
Dhinaca kale qofkii ee caabuqa Corona gaarsiiyay qaaradda Latin Ameerika, oo ah muwaadin reer Brazil ah ayaa la sheegay inuu ka tagay dalka Talyaaniga.
Waddanka Talyaaniga ayaa maalmihii lasoo dhaafay noqday dalka ku yaalla Yurub ee saameynta ugu xun uu ku yeeshay Caabuqa cusub ee Corona, iyadoo 300 oo ruux uu kula dhacay gudaha dalkaas, 11 ruuxna ay ugu dhinteen.
Hase ahaatee dalalka dariska la ah ayaa sheegay in haddii ay xuduudaha ka xirtaan ay xaaladdu noqon karto "ka weyn sida ay hadda tahay".
Wasaarada caafimaadka ee dalalka Faransiiska, Jarmalka Talyaaniga iyo Golaha Midowga Yurub ayaa go'aan ku qaatay inay si wadajir ah ula dagaallamaan dhibaatadan, kaddib markii ay Talaaladii shir yeesheen.
Caabuqa Corona ayaa markii hore ku fiday dhinaca Waqooyi ee dalka Talyaaniga, balse wuxuu markii dambe usii gudbay qeybaha kale ee Koonfurta iyo Bartamaha waddankaas.
"Waxa aan ka hadleyno waa caabuq aan kala aqoonin xuduud iyo xuduud la'aan", ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka ee Talyaaniga Roberto Speranza.
Dhiggiisa dalka Jarmalka Jens Spahn ayaa isagana sheegay in dalalka dariska la ah ay arrintan u wajaheen "si aad iyo aad dhab u ah" laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay "in xaaladdu ay meesha ugu xun gaari karto ka hor inta aan laga soo kabsanin".

Waddanka UK, carruurta iskuullada ee xilligii fasaxa ku maqnaa waqooyiga Talyaaniga ayaa loo diray guryahooda, iyadoo dowladduna ay shuruuc cusub u sameysay dadka safarrada aadaya ama kasoo laabanaya.
Laakiin wasiirka caafimaadka Matt Hancock ayaa sheegay inuusan jirin qorshe lagu mamnuucayo duullimaadyada ka imaada dalka Talyaaniga.
Qiyaastii 3 malyan oo reer Britain ah ayaa sanad kasta isaga kala goosha Ingiriiska iyo Talyaaniga.
"Haddii aad eegto Talyaaniga, way joojiyeen dhammaan duullimaadyadii uga imaanayay dhinaca Shiinaha, hadda waa dalka uu saameynta ugu xun ku yeeshay caabuqa Corona ee guud ahaan qaaradda Yurub", ayuu yiri wasiirka.
Maxaa ugu dambeeyay Qaaradda Yurub?
- Dalka Austria, lamaane da' yar oo reer Talyaani ah ayaa la xaqiijiyay inay caabuqa qabaan. Saraakiisha ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay in sagaal qof oo kale la galiyay karantiil kaddib markii laga helay cudurka.
- Switzerland mas'uuliyiinteeda waxay sheegeen in cudurka laga helay nin 70 iyo dhowr jir ah oo ku sugan magaalada Ticino ee xadka la wadaagta Talyaaniga. Ninkan ayaa 15-kii bishan February cudurka kasoo qaaday magaalada Milan ee dalka Talyaaniga. said a man in his seventies living in Ticino, bordering Italy, had
- Nin ku sugan dalka Croatia oo dhawan kasoo laabtay Talyaaniga ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee lagu xaqiijiyay inuu cudurka ku dhacay dalkaas.
- Jasiiradda ku taalla Spain ee lagu magacaabo Tenerife, ilaa 1,000 ruux ayaa lagu xiray hotel ay ku sugnaayeen, kaddib markii dhakhtar Talyaani ah iyo xaaskiisa laga helay cudurka.
- Spain ayaa sidoo kale kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Corona kasoo tabisay gudaha waddanka, qofka cudurka laga helayna waa haweeney ku sugan magaalada Barcelona, oo dhawaan kasoo laabatay Waqooyiga Talyaaniga.
- Giriigga ayaa xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee caabuqan ah, waxaana laga helay haweeney 38 jir ah oo kasoo noqotay safar ay dhawaan ku tagtay Waqooyiga Talyaaniga, sida ay wararku sheegeen.
- Faransiiska iyo Jarmalka ayaa soo tabiyay kiisas cusub oo caabuqa Corona ah, waxaana laga helay dad kasoo laabtay safarro ay ku tageen Waqooyiga Talyaaniga.
- Faransiiska ayaa sidoo kale shaaciyay dhimashadii ugu horreyay ee ka dhalatay caabuqan, kaddib markii nin 80 jir ah oo dalxiishe Shiineys ah uu horaantii bishan ku dhintay gudaha dalkaas.
Muxuu yahay sawirka guud ee Caalamka?
Maanta oo Arbaco ah, hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ilaa hadda uu dad gaaraya 80,980 oo ruux ku dhacay caabuqan kasoo billowday waddanka Shiinaha.
Saraakiisha dalka Iiraan ayaa sheegay in 19 qof ay dalkaas ugu dhinteen Caabuqa Corona, halka 139 qof oo kalena uu ku dhacay.
Waxaa si weyn loo rumeysan yahay in saameynta uu cudurkan ku yeeshay dalka Iiraan ay intaas aad uga badan tahay.
Walaaca ayaa kii xoogeystay kaddib markii uu caabuqa ku dhacay wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka ee dalka Iiraan.
Madaxweynaha Iiraan Xasan Rowxaani ayaa sheegay inuusan jirin qorshe shuruuc karantiil ah loogu soo rogayo magaalooyin iyo gobollo ka tirsan dalkaas.
Laakiin wuxuu sheegay in "qofkii lagu arko calaamado muujinaya cudurka si gaar ah loo karabtiili doono".
Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta oo Arbaco ah tabisay in 115 kiis oo cusub laga helay dalkeeda. Tirada guud ee dadka laga helay Caabuqa Corona ayaa hadda dalkaas ka mareysa 1,261 ruux. 11 ruux oo kale ayaa u dhimatay, waana dalka uu saameynta ugu weyn u geystay marka laga soo tago Shiinaha.
Milatariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah askartooda ku sugan Kuuriyada Koonfureed uu ku dhacay cudurka.
Qiyaastii 28,500 askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan dalkaas.
Dalka Brazil, warbaahinta maxalliga ah ayaa Talaadadii tabisay in nin 61 jir ah uu ku dhacay cudurka.
Dalka Japan, Ra'iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa ugu baaqay qaban qaabiyeyaasha kulamada ciyaaraha iyo dhaqanka inay baajiyaan qorsheyaashooda muddo labo isbuuc ah, si loo yareeyo faafidda cudurkan.
Waxaa laga cabsi qabaa in Caabuqa Corona uu halis galiyo tartanka ciyaaraha caalamiga ah ee Olombikada 2020-ka, kaasoo lagu wado in sanadkan gudihiisa uu ka dhaco magaalada Tokyo ee caasimadda u ah dalka Japan.











