Dani: "Madaxda dowladda Federaalka waxay hareer mareen dastuurka dalka"

Xigashada Sawirka, PUNTLAND TV
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay faragelinta lagu hayo arrimaha gaarka ah ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iney halis ku tahay nidaamka dalka iyo dadka
Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Dani aya sheegay in shirweynaha wadatashiga ujeeddada la isugu yeeray ay tahay si ay uga soo baxaan aragti iyo jiheyn ku aaddan waddada ay qaadeyso Puntland mustaqbalka dhaw, dhexe iyo kan fog ee Puntland
"Hannaanka la isku doorto ee Puntland ma aha kii ugu habboonaa, qorshuhun wuxuu ahaa in seddexdi sano ee ugu horreysay lagu diyaariyo doorasha qof iyo cod ah oo dadweynuhu ku soo doortaan dadka u matalaya heer degmo iyo heer Puntland, taasoon qabsoomin sidi Puntland loo aasaasay."
"Xuduudaha Puntland oo maanta si buuxda gacanta dowladda ugu wada jirin, haysasada hubka sharci darrada oo baahsan, horumarka oo aan u dheellitirneen gobollada iyo deegaannada gaar ahaan kuwa ka fog laamiga, dagaal beeleedyo soo noqonoqda iyo abaaro marar badan ku dhuftay Puntland waxay ka mid yihiin caqabadaha gudaha Puntland ka jiro." ayuu yiri madaxweyne Dani.
"Kaalinta hormuudnimo ee ay ka qaadatay Puntland dhismaha dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah waa mid waajib nagu ahaa oo aanan dan gooni ah ku wadan wanaagga iyo sharafta Puntland waxay ku jirtaa wanaagga iyo sharafta Soomaali idilkeed shacabka iyo dowladba, waa hadaf ka mid ah ahdaafti loo aasaasay Puntland."

"Muddadi maamulka Puntland aan madaxda u oo aan talada u hayey waxaan xoogga saarnay inaan ku qancinno madaxda dowladda federaalka ah in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeyo dowladda Federalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, sidaa si le'eg waxaan wada xaajood gooni ah kala yeelannay madaxda dowladda Federaalka sidi xal loogu heli lahaa caqabadaha gooni u ah Puntland oo ugu imanayey dhinaca dowladda Federaalka" ayuu yiri.
"Dhammaan isku dayadaasi wax natiija ah ma dhalin intooda badan waxay ka socon waayeen dhinaca dowladda Fedraalka ah waxyaalaha ugu muhiimsan oo la isku khilaafsan yahay waxaa ka mid ah madaxda dowladda Federalka ah oo si bareer ah u hareermaray mabaadiidi lagu dhisay dowladda Federaalka oo ay ugu horreyso Federaaleynta dalka iyaga oo si ula kac ah u raba iney u maroorsadaan dhammaan awoodaha si aan waafaqsaneen dastuurka ku meelgaarka iyo shruucda dalka ee kale" ayuu yiri Madaxweyne Dani.
"Burburinta, faragelinta, afduubka iyo cabburinta sharci darrada lagu hayo arrimaha gaarka ah ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah taasoo halis ku ah nidaamka dalka iyo dadka."
"Waxaana ahmiyad la siinin arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreeyaan dhameystirka dastuurka, la dagaallanka aragagxisada, dhismaha ciidan leh sumcad qaran iyo diyaarinta doorasha qof iyo cod ah oo dalka ka qabsooma taasoo loo marayo wadda toosan oo heshiis lagu wada yahay, waxaana la sameystay sharciyo dana gaar ah laga leeyahay aanan waafaqsaneen dastuurka ku meelgaarka ah tashina aan lagala sameyn maamullada dalka."
Khudabadda madaxweynaha maamul goboleedka Puntlan uu ka jeediyey shirka wadatashiga Puntland oo Garowe maanta ka furmay waxaa kale uu kaga dhawaajiyey dowladda federaalka iney tahay dowladdeeni waana dowladdi aan naf, maal iyo maskax la soo garab istaagnay welina aan diyaar u nahay inaan la sii garab istaagno.











