Shirka wadatashiga Puntland oo Garowe ka furmay

PUNTLAND

Magaalada Garowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland waxaa maanta ka furmay shirka wadatashiga Puntland ee uu horey u iclaamiyay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Shirkan oo ujeeddadiisu tahay in lagu falanqeyo doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya ee mustaqbalka ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubnaha Puntland ku matala Dowladda Federaalka ee Soomalaiy.

Xubnahaasi waxaa ka mid ah mas'uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka. Wxaana haatan socota khudbadda madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulankan ayaa imaanaya xilli bilihii la soo dhaafay uu khilaaf xooggan u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamullada xubinta ka ah.

Wixii ka soo kordha kulankaasi oo goordhow furmay gadaal ayaan idinkala soo socodsiin doonaa haseyeeshee halkan hoose ka daawo sawirradii ugu dambeeyay ee shirkaasi.

PUNTLAND
PUNTLAND
Qoraalka sawirka, Mas'uuliyiinta shirkan ka qaybgalaya waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad
PUNTLAND
PUNTLAND
PUNTLAND
PUNTLAND
PUNTLAND
PUNTLAND
PUNTLAND