Maalinta Haweenka Adduunka: Haweenka dunida isugu soo baxay oo sinnaan ku baaqay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isu soo baxyada wacyigelinta takoorka ka dhanka ah haweenka ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaalla dunida si loo xuso Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka.
Dibadbaxyadan ayaa aad looga soo qeyb galay iyadoo ay jirto cabsi laga qabo caabuqa coronavirus.
Dadka dunida ku sugan ayaa in ka badan qarni xusayay 8 March oo ah maalin haweenka u gaar ah.
Waxay ku bilaabatay dhaqdhaqaaqa shaqaalaha kaddibna waxay isku beddeshay xus sanadle ah oo QM ay aqoonsan tahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haween ku sugan xadka Turkiga iyo Giriigga ayaa qabtay dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in maalintan caalamiga ah ay galaan dalka Giriigga. Waxaa halkaasi ka jiray isku dhacyo u dhaxeeya muhaajiriinta iyo ciidamada ammaanka xadka Giriigga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haween Bangladesh u dhashay ayaa kubadda gacanta ku dheelayay bannaanka magaalada caasimadda ah ee Dhaka, wuxuuna ahaa tartan lagu xisayo Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka

Xigashada Sawirka, Reuters
Dalka Pakistan tartanno ayaa ka dhacay dhowr magaalo, iyadoo ay jiraan tacaddiyo. Halkan, taageerayaasha xisbiga siyaasadeed ee Islaamiga ah ee Jamaat-e-Islami ayaa isugu soo baxay Karachi.

Xigashada Sawirka, EPA

Xigashada Sawirka, Reuters
Caasimadda Kyrgyzstan ee Bishkek, booliiska ayaa xirxiray dhowr haween ah oo u dooda xuquuqda aadanaha waxyar kaddib markii rag wejiga maaskaro ku soo xirtay ay weerareen haweenkaas. Haweenka ayaa sheegay in xaaladda xuquuqda haweenka ee dalkaasi ay ka sii dareyso.

Xigashada Sawirka, Reuters
Belarus, haweenka ayaa ka qeyb qaatay "oroddada quruxda" si ay maanta u xusaan. Halkan, haweenka ayaa qoob ka cayaar dheelaya kahor tartanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images










