Lix xaqiiqo oo ku saabsan ayaxa iyo sida uu u tarmo

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Cabdishakuur Casoowe
    • Role, Nairobi

Dalalka ku yaalla bariga Afrika, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, ayaa la dhibaatoonaya Ayax ay tiradiisu aad u badan tahay oo bilihii lasoo dhaafay waxyeello badan u geystay dalagyo beero ah iyo dhul-daaq aad u baaxad weyn.

In ka badan 10 waddan oo labada dhinac ka jira Badda Cas ayuu ayaxan weerar ku ekeeyay, waxaana marba marka ka dambeysa soo badanayay walaaca laga muujinayo iyo saameyntiisa oo sii ballaaraneysay.

Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay(FAO) ayaa sheegtay koronkorta ayaxa saxaraha ah ee ku duulay bariga Africa uu sababay xasarad caalami ah oo sababi karta in raashin la'aan baaxad weyn ay soo wajahdo guud ahaan gobolka.

Wali looma arkin ayaxan mid horseedi karo caafimaad darro soo wajahda bani'aadanka, balse FAO waxay digniin culus ka soo saartay in tirada ayaxan ay 500 oo jeer labanlaabmi karto ilaa sanadka bartamihiisa, haddii aan wax laga qabanin.

Ayaxa oo ku guura dabeysha, wuxuu hal maalin gudaheed ku habsan karaa dhul gaaraya ilaa 150 kiiloo mitir. Wuxuu hadda kusii wajahan yahay dalalka Uganda iyo Suudaanta Koonfyreed, halkaasoo ku dhawaad kala bar ka mid ah waddanka ay ka jirto baahi, maadaama mar dhow uun uu dagaal sokeeye kasoo baxay.

Uganada ayax tiradan la eg ma uusan gaarin ilaa sanadihii 1960-meeyadii, waxayna hadda ku jirtaa heegan culus.

Qormadan waxaan ku eegaynaa lix arrimood oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato ayaxa.

1- Muddo intee la eg ayuu noolaan karaa Ayaxa?

.
Qoraalka sawirka, Ayaxa ayaa badanaa xoogeysta xilli roobaadka

Ayaxa Saxaraha midkiiba wuxuu noolaan karaa muddo u dhaxeysa qiyaastii saddex ilaa shan bilood, inkastoo ay xaaladuhu aad u kala duwan yihiin ayna mar walba noloshiisu ku xiran tahay hadba sida uu jawigu yahay.

Wakhtiga uu noolaanayo wuxuu u kala qeybsamaa saddex marxaladood: Mar uu yahay ukumo, mar uu curdun yahay iyo mar uu weynaaday.

Ukumada ayaxa waxay ku dillaacaan ilaa labo isbuuc(Laakiin mararka qaar wuxuu u dhaxeeyaa 10 ilaa 65 maalmood).

Marka uu curdunka yahay wuxuu sii maraa shan ilaa lix marxaladood oo kale, kuwaasoo qaata muddo u dhaxeysa 30 ilaa 40 maalmood.

Marka uu weynaadana wuxuu noolaan karaa qiyaastii saddex isbuuc ilaa sagaal bilood, laakiin wuxuu u badan yahay ila u dhaxeysa labo ilaa afar bilood.

2- Imisa ukumood ayuu Ayaxa ee dhaddigga ah halkii marba dhalaa?

.

Xigashada Sawirka, Bristol Archives

Qoraalka sawirka, Ayaxa Saxaraha ayaa ka taran badan midka aan saxaraha ahayn ee caadiga ah

Ayaxa Saxaraha ee dhaddigga ah wuxuu midkiiba hal mar dhalaa ukumo kusii dhex jira ukun weyn, taasoo ay ku aasaan meel dhulka ka hooseysa 10-15 sintimitir.

Halkii Ayax ee dhaddig ah waxay mar qura dhali kartaa inta u dhaxeysa 95 ilaa 158 ukumood, halka ayaxa caadiga ah ee aan kan saxaraha ahayn ay dhalaan wax ka yar 80 ukumood.

Ayaxa dhaddigga ah middiiba waxay dhali kartaa saddex jeer inta ay nooshahay, waxaana halkii dhalmo u kala dhaxeyn karta 6 ilaa 11 maalmood.

Ilaa 1,000 ukumood ayaa mar laga helay hal mitir oo labajibbaaran gudihiis.

3-Masaafe intee la eg ayuu Ayaxa socdaa, xawaarihiisuna muxuu yahay?

.

Xigashada Sawirka, TONY KARUMBA

Qoraalka sawirka, Ayaxa Saxaraha wuxuu hawada ku jiri karaa muddo dheer

Ayaxa Saxaraha wuxuu badanaa duulaa isagoo kaashanaya dabeysha, wuxuuna saacaddiiba ku jari karaa 16 ilaa 19 kiiloo mitir, kaasoo ku xiran hadba awoodda ay leedahay dabeysha.

Koronkorta Ayaxa ah ee faraha badan waxay hal maalin gudaheed ku safri kartaa qiyaastii 5 ilaa 130 kiiloo mitir, ama kasii badan.

Ayaxa wuxuu hawada joogi karaa muddo dheer. Tusaale ahaan, ayaxa wuxuu si joogto ah u dul maraa Badda Cas, taasoo ku fadhisa masaafe dhan 300 oo kiiloo mitir.

Waagii hore, masaafe aad u dheer ayuu goyn jiray ayaxa, tusaale ahaan inuu mar qura isaga kala gudbo Waqooyiga Afrika ilaa jasiiradaha Britain, sanadku markuu ahaa 1954-kii. Mararka qaarna wuxuu isaga kala gooshi jiray Galbeedka Afrika iyo waddamada Caribbean-ka, waana dhul ay baaxaddiisu la egtahay 5,000 oo kiiloo kitir, wakhtiga ay ku socon jireenna wuxuu ahaa toban maalmood, sanadkii 1988-kii.

Ayaxa Saxaraha wuxuu inta badan safraa xilliga habeenkii ah, halka Ayaxa caadiga ahna uu safro maalintii.

4- Intey tiro ahaan la egtahay koronkorta Ayaxa, imisa ayaase halkaas joogta?

.
Qoraalka sawirka, Ayaxan wuxuu faro ba'an ku hayaa in ka badan 10 waddan

Koronkorta ayaxa waxay dabooli kartaa wax ka yar hal mitir oo labajibbaaran ilaa boqollaal kiiloo mitir oo labajibbaaran. Halkii kiiloo mitir mararka qaar waxaa ku sugan ayax tiro ahaan gaaraan 40 malyan ama xitaa ilaa 80 malyan oo midka koray ah.

5- Ayaxa ma waxyeelleyn karaa bani'aadanka?

Ayaxu ma weeraro dadka iyo xayawaanka toona. Dhanka kale, wax caddeymo ah looma hayo in Ayaxa uu xambaari karo cudur waxyeelleynaya bani'aadanka.

.

Xigashada Sawirka, TONY KARUMBA

Qoraalka sawirka, Koronkorta ayaxa ayaa bilihii lasoo dhaafay baabi'isay dalag baaxad leh

6- Dadku miyey cuni karaan Ayaxa?

Dad ku nool dalal badan ayaa ayaxa dadbta iyagoo u adeegsanaya shabaqyo ama qalab kale oo ay ku qabsan karaan.

Ayaxa waxay bulshooyinka qaarkood cunto uga dhigtaan siyaabo kala duwan, iyagoo dubaya ama shiilaya ama xitaa qallajinaya, si deg deg loogu cuno ama keyd looga dhigto.

Waxaa la xaqiijiyay in Ayaxa ay ka buuxdo nafaqo. Marka lagu guda jiro xilliga uu kacsan yahay Ayaxa, dalalka qaar ee uu saameeyo waxaa suuqyadooda lagu arkaa isagoo raashin ahaan loo diyaariyay oo la iibinayo.