Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay ciidamo u diro Liibiya

Liibiya ayaa waxaa ka taagnaa dagaal sokeeye tan iyo intii la riday Mucamar Al Qadaafi

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Liibiya ayaa waxaa ka taagnaa dagaal sokeeye tan iyo intii la riday Mucamar Al Qadaafi

BaarlamaankaTurkiga ayaa waxay ansixiyeen hindisa sharciyeed u ogolaanaya dowladda Turkiga inay ciidamo u dirto Liibiya.

325 xildhibaan ayaa u codeeyay in ciidamo loo diroLiibiya halka 184 ay ka soo horjeedsadeen.

Xukuumadda Turkiga ayaa saaxib dhaw la ah dowladda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay caasimadda, Tripoli.

Dowladda Liibiya ayaa dagaal kula jirta ciidamo uu hogaamiyo Janaraal Khalifa Xaftar, oo fadhigoodu yahay bariga Liibiya.

Dowladda Masar , oo taageerta Janaraak Xaftar, ayaa cambareysay go'aanka baarlamaanka Turkiga waxayna saraakiisha Masar sheegeen in arrintan "ay si xun u saamaynayso xasiloonida Liibiya ".

Toddobaadkii aanu soo dhaafnay, madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ansixinta baarlamaanka uu dalban doono islamarkana uu ciidamo u diri doono Liibiya.

Ciidamada Turkiga uu u diri doono Liibiya ayaa waxaa ka mid ah khubaro tababaro u fidin doona ciidamada dowladda Liibiya iyo la taliyayaal.

Ciidamada Xafdar ayaa isku dayayay in ay la wareegaan caasmida Liibiya ee Tripoli.