Waddan korantadiisa la xado si naf loogu badbaadiyo

Xigashada Sawirka, .
6-da maqribnnimo ayaa mar qur ah guriga Maxammed Masri waxaa ka go'a korantada.
Waa waqtiga maalin waliba ay qof kasta ka go'do korantada waxaana dama leerarka,muraaxadaha,TV-yada iyo Talaajadaha.
Maalinka xigta isla waqtigii ayay korantada dib u soo laabataa,waxa ayna arrintan taagneyd in ka badan 10 sano ee ugu dambeeyay oo ay korantada marna dantaa marna timaadaa.
Shirkadda korantada ee dalkaasi Lubnaan ayaa waxay awoodaan oo kali ah in ay bixiyaan adeega kala bar inta loo baahan yahay.
Waxay arrintan murugo ku tahay Maxammed, oo ah 73 jir howlgab ah islamarkana qaba mid ka mid ah cudurada sambabada ku dhaca.
Waxa uu ku nool yahay caasimada labaad ee Lubnaan ee Tripoli isaga,xaaskiisa iyo 5 gabadh oo uu dhalay.
"Ma daaran karo qaboojiyaha,biyo ma kululaysan karo,xitaa gurigayga biyo uma soo jiidan karo," ayuu yiri.
"Waa in aan qorshaynaa howl maalmeedkeenna anaga oo ku saleynayna koranto xumadda jirta",ayuu intaa ku daray.
"Ma qubeysano,dharkeena ma dhaqanno,cunnooyiinka wan daadinaa sababtoo ah ma laha Talaajad,ayuu intaa ku daray."
Balse dadka reer Lubnaan oo dhan 6 milyan ayaa waxa ay qaati ka taagan yihiin koranta la'aantaasi jirta.
Koronto joogta ah oo ay dadka helaan waa mid ka mid waxyaabaha ay dalbanayaan mowjadaha dibadbaxyaasha ee dalkaasi ka socday labadii bilood ee ugu dambeeyay.
Waxay arrintani waddooyinka keentay boqolaal kun oo qof waxayna ku qasbeen in dowladda ay is casisho.
Shirakadda korantada ee dalka Lubnaan ee loo soo gaabiyo, EDL, ayaa ahayd mid ka mid ah bartilmaamedka dibadbaxayaasha.

Xigashada Sawirka, .
Dhalinyarada dibadbaxyada dhigayay ayaa waxay isugu soo baxeen afaafka hore ee xarunta shirkadda oo ku taalla bartamaha magaalada Beyruud.
"Wa waali ayaan u malaynayaa in anaga oo mareyna 2019 aan maalinkii saddex saacadood koranto helno ," ayay tiri Lara Kais, oo 33 jir ah,islamarkana gacan ka geysatay qabanqaabinta dibadbaxyada.
Goobaha ay ku nool yihiin dadka saboolka ah sida xerada qaxootiga Shatila oo ay ku jiraan qaxooti Falastiiniyiin ah ayaa waxaa uu qof waliba ku nool yahay koranto la soo xaday.
Dhisma walba waxaa ku xiran fiilooyiin la isku xirxiray oo ah koranto ay si xatooya ah dadku kus oo jiiteen.
Balse la'aanta fiilooyiinkaasi la soo xaday maanta ma uusan noolaadeen Aissa Rashid .

Xigashada Sawirka, .
Waxuu qabaa cudur dhanka Sambabka ah waxa uuna neefsan karaa oo kali ah isaga oo ay caawinayso mashiinta lagu neefsado oo koranto ku shaqeysa .
Marka korantada caadiga ah ay tagto ayaa qoyska waxay daaraan korantada sharci darada ah,haddii ay u shaqeyn waydo waxay miciin bidaan Matoor.
Aissa,ayaa ku jiifa kursi u yaalla qolka jiifka,marka ay korantada tagtana waxa uu la daalaa dhacaa sidii uu u neefsan lahaa.










