Rwanda oo hoggaamineysa dagaalka lagula jiro kansarka minka ee Afrika

Angeline Usanase, oo ka badbaadday cudurka kansarka
Qoraalka sawirka, Daweyntii xilliga hore loo sameeyay Angeline Usanase ayaa badbaadisay nolosheeda

Kansarka noociisa ku dhaca minka ama makaanka dumarka waa kan afaraad ee saameynta ugu weyn ku yeesha haweenka guud ahaan caalamka. Laakiin Afrika wuxuu u geystaa dhimashada ugu badan marka meelaha kale la barbar dhigo, iyadoo xitaa uu yahay cudur laga hortagi karo. Hase ahaatee ol'ole caafimaad oo rajo fiican leh ayey Rwanda tusaale ugu noqotay waddamada kale ee qaaradda Afrika, waana mid ku dayasho mudan.

Angeline Usanase, oo ku nool magaalada Kigali ee caasimadda u ah dalka Rwanda ayaa soo xasuusaneysa maalintii ay nolosheeda caafimaad gashay isbaddalka weyn.

Waxay ahayd bishii November ee sanadkii 2017-kii markii ay dhiig ku aragtay surwaalkeeda. Maadaama ay da'deedu ahayd 67 sano, Ms Usanase ma aysan fileynin inay ku dhacdo caado, mana jirin sabab kale oo ay dhiig ugu arki karto xagga hoose.

"Waxaan aaday xaruntii caafimaad ee iigu dhaweyd, dhakhaatiirtii halkaas joogtay ayaana igula taliyay in la iga baaro kansarka ku dhaca minka", ayey tiri.

"Natiijadii waxay noqotay in la iga helay cudurkaas. Aad baan u jahwareeray. Ma aamini karin arrintaas - waxaan u maleynayay inaan dhimanayo", ayey sii raacisay hadalkeeda

📝
Frequently asked questions
Maxaad u baahantahay in aad ka ogaato HPV
Halkan dhag ka sii si aad wax badan uga barato
1.waa maxay caabuqa HPV?
2. Suurtogal ma tahay in uu igu dhoco?
There is an Infographic showing the risk factors that are related to HPV such as sex, substance abuse, reproductive health, body composition, infections and puberty
3. Ma wax halis ahbaa?
There is an infographic showing how HPV causes cancer. When HPV infection occurs, the virus may remain dormant or cause warts or damage DNA hence causing cancer
4. Illaa heerkee looga dhintaa deegaanka aan ku noolahay kansarka cunaha?
There is a map showing incidence and mortality rates in women around the world. It is noted that death rates of women in Africa are higher than anywhere else
5. Yaa ugu daran oo uu saameeyaa?
Dumarka Afrika ayaa ah kuwa ugu daran ee uu ku dhoco.

Sanad kasta kansarka cunaha wuxuu ku dhacaa wax ka badan 100,000 oo ku nool dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseea, 10-kii dumar ahba ee uu ku dhoco, 6 ka mid ah ayaa u dhinta haddii aanan si habboon looga daweynin.

Wacyigalinta oo yar iyo la'aanta daryeel caafimaad ayaa Afrikada saxafaraha ka hooseysa ka dhigay meelaha ugu daran ee Kansarka cunaha. Dumarka ayaa galaangal aad u yar u leh helitaaka talaalka HPV , iyo xarumaha lagu daweeyo xanuunkan oo yar marka la barbardhigo dumarka ku nool dalalka horumaray.
6. Maxaan samayn karaa si aan isaga difaaco PHV?
Xuquuqda
Development: Purity Birir, Design: Millie Wachira, Animation: George Wafula, Research & Writing: Sheila Kimani, Anthony Makokha, Producer: Hugo Williams, Muthoni Muchiri & Millie Wachira.

Guul ku dayasho mudan

Ms Usanase waxay ku adkeysaneysaa in xilliga hore ee la ogaaday xanuunkeeda iyo daweynta deg-degga ah ee loo sameeyay ay nolosheeda badbaadisay.

.

Xigashada Sawirka, Unicef

Qoraalka sawirka, Ethiopia ayaa hadda ka mid ah 10-ka waddan ee Afrika ku bixiya tallaalka looga hortago xanuunkaas

Laakiin maanta gudaha Rwanda, waxaa laga yaabaa inuusan cudurkaas ku dhici lahayn, waxaana taas looga mahadcelinayaa tallaal laga hirgaliyay guud ahaan waddankaas iyo ol'ole baaritaan ah oo lagu sameeyo kansarka minka.

Kansarka ku dhaca makaanka dumarka ayaa ah nooca labaad ee aadka ugu badan haweenka qaaradda Afrika, balse waa midka sababa dhimashada ugu badan, sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO.

Cudur-sidaha galmada lagu kala qaado ee loo yaqaanno HPV ayaa sabab u ah inta badan kansarka ku dhaca minka.

Iyadoo heerka dhimashada ee xanuunkaas ka dhalata ay aad u badan tahay, islamarkaana uu jiro tallaal wax tar u leh ka hortagistiisa, haddana 10 waddan oo Afrikaan ah kaliya ayaa isticmaala tallaalkaas.

Presentational grey line

Senegal waa waddanka kaliya ee galbeedka Afrika ku yaalla, oo tallaalkaas bixiya, halka dalalka kale, sida Nigeria ay marar dhif ah isticmaalaan, balse aysan heer qaran ka dhigin.

Waxay xaaladdu u fiican tahay dhinaca bariga Afrika, halkaasoo tallaalkan laga isticmaalo waddamada kala ah Kenya, Uganda, Tanzania, Ethiopia iyo Rwanda.

Cabsida laga qabo sixirka

Rwanda ayaa sanadkii 2011-kii billowday ol'olaha lagu fidinayo tallaalkan oo loo yaqaanno HPV, waxayna tan iyo xilligaas dumarka ku dhiirrigalineysay inay daweynta xilliga hore raadsadaan.

Qorshuhu wuxuu ahaa in haweenka la tallaallo, loona sharraxo faa'iidada uu leeyahay barnaamijka.

Sanadkii ugu horreeyay ee ol'olaha, waxaa Rwanda u suurtagashay in tallaalkaas uu diyaar u ahaado 9 ka mid ah 10-kii haween ah ee ku nool waddankaas, arrintaas ayaana loo arkay guul ku dayasho mudan.

.
Qoraalka sawirka, Malawi ayaa ka mid ah dalalka uu saameynta ba'an ku hayo kansarka minka

Hase yeeshee dadaalka ay Rwanda sameyneysay kuma suurtagalin si sahlan..

Waxaa soo food saaray dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah. Balse waxay markii dambe dowladdu wadashaqeyn la sameysay hay'ad caalami ah oo dawooyinka ka shaqeysa, taasoo si bilaash ah ol'olaha ugu sameysay saddexdii sano ee ugu horreysay.

Waxaa sidoo kale jirtay saameyn weyn oo ka imaaneysay dhinaca dhaqanka, taasoo u baahneyd in caqabaddeeda laga gudbo.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, HPV waa tallaalka looga hortago kansarka minka

"Waxaa jira haween wali aaminsan in kansarka minka uu sababu yahay sixir, waxayna u tagaan sixirooleyaal ay dawo u doontaan, iyagoo markaasna kasoo horjeesta daweynta saxda ah", ayey tiri Ms Usanase.

Waxay intaas ku dartay in haweenku ay xitaa ka cabsi qabaan in qalliin looga saaro minka.

Laakiin qalliinka waxaa lagu sameeyaa haweenka uu ku dhacay kansarka minka, mana aha hab looga hortago xanuunkaas.

.
Qoraalka sawirka, Tallaalka HPV ayaa si weyn hoos ugu dhigay xaddigii dhalinyarada uu ku dhici jiray kansarka minka

Waddanka Australia ayaa tallaalkan billaabay sanadkii 2007-dii, laakiin wuxuu dalkaas baaritaanka kansarka minka waday tan iyo sanadkii 1991-kii.

Hadda kiisaska cudurkaas ee waddankaas waxay marayaan 7 kiis oo laga helo boqolkii kun ee ruuxba.

Sanadka 2020-ka ayaa la filayaa inuu intaas kasii hoos maro oo uu gaaro 6 kiis boqolkii kun ee ruuxba.

'Sagaal haween ah oo dhinta maalin kasta'

Ka dib markii ay Rwanda gaartay guul, dalalka kale ee Afrika ayaa hadda ku socda raadkaas.

Bishii October ee sanadkan, dowladda Kenya ayaa waddankeeda si buuxda uga hirgalisay tallaalka HPV.

Waxay Kenya dooneysaa inay sanad walba tallaasho gabdho gaaraya 800,000, oo dhammaantood ay da'dooda tahay 10 sano.

"Sagaal haween ah ayaa maalin walba Kenya ugu dhinta cudurka kansarka minka. Tani waa tallaabo looga hortagayo cudurkaas, iyadoo la tallaalayo gabdhaha, dumarkana la baarayo", sidaas waxaa tiri Marleen Temmerman, oo ah barfasoorad ka tirsan isbitaalka Aga Khan University ee magaalada Nairobi.

.

Xigashada Sawirka, PSCU

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo daawanaya gabdho la siinayo tallaalka HPV

Haddii aan dib ugu laabanno Rwanda, wali waxaa socda qorshe sare loogu sii qaadayo dagaalka ka dhanka ah kansarka minka.

"Gabdho badan oo aan da' yareyn iyo haween ayaan fursad u helin tallaalka, waxaana ugu badan dumarka ay da'doodu u dhaxeyso 30 ilaa 49 sano", ayey tiri Dr Uwinkwindi.

Ms Usanase ayaa hadda sheekadeeda la wadaagtay warbaahinta, iyadoo ujeeddadeedu ay tahay inay sameyso wacyigalin ku aaddan ka hortagista iyo daweynta xilliga hore ah ee cudurkaas dilaaga ah.