Shaqaalaha ma loo oggol yahay iney goobta shaqada ku indha guduudsadaan?

Shaqaale ku qayluushanaya goobtooda shaqada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay amar ay ku mamnuuceyso shaqaalaha dowladda iney goobaha shaqada ay seexdaan, halka ay khubarada arrimahan u dhuun daloolana ay sheegayaan iney u baahan tahay in amarkaasi dib looga noqdo.

Dowladda Mareykanka waxaa ka go'an iney tallaabbo ka qaaddo shaqaalaha ku qayluushada goobahooda shaqada.

Goobaha shaqada iney shaqaalaha dowladda dhexe ee Mareykanka indhaha is yara- geliyan sharcigii u oggolaanayey, ilaa iyo hadda ma jiro wax sharci ah oo mamnuucaya oo la soo saaray.

"Dhammaan shaqaalaha waxaa laga mamnucay goobaha shaqada, marka laga reebo shaqaalaha ay sida gaarka ah Mas'uuliyiintooda fasaxa u siiyeen iyaga oo eegaya dabeecadaha shaqadooda," ayaa lagu sheggay amar horraanti bishan ka soo baxay maamulka guud ee adeegyada dowladda.

2018-kii xafiiska hantidhowrka gobolka California warbixin uu soo saaray wuxuu ku sheegay waaxda shaqaalaha mootooyinka wada ay maalinti seexdaan seddex saacadood.

Warbixintuna waxay intaa ku dartay saacadaha ay shaqaalahaasi afar sano marka lacag ahaan loo beddelo ay noqoneyso $40,000 oo doolar oo qasaaraha iney u keeneen xafiisyada ay u shaqeynayeen.

Warbixinta waxaa kale oo ay sheegtay shaqaalaha goobahooda shaqada seexda iney culeys ku noqdaan shaqaalaha kale ee la shaqeeya maadaamaa ay ku qasban yihiin tooda iyo tan qofka kalaba iney qabtaan.

Mid ka mid ah garsoorayaasha wasaaradda caddaaladda Mareykanka oo huruddau xilli uu khudbad soo jeedinayey Obama 2015-kii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dr Lawrence Epstein, oo horay madaxweyne uga soo ahaa Machadka Mareykanka ee caafimaadka hurdadadm ahaana agaasin caafimaadka hurdadad wuxuu sheegay 70 milyan oo qof oo ku nool dalka Mareykanka ay la kulmaan dhibaatooyin la xidhiidho hurda yari.

Daraasad cusub oo ay dhawaan shaacisay Jaamacadda Indiana Ball State, waxay daraasadda ka qayb geliyeen 150,000 oo qof dadkaasina 35.6% oo keli ah ay noqeen kuwa habeenki hela hurdo 7 saac, 2018-kina tiradaasi waxay ahayd 30.9%. Kala badh dadka sheegay iney hurda ku filan helinna ay yihiin ciidamada booliska.

Huradada oo qofka ku yaraato waxay daraasaduhu sheegeen in caafimaad darro laga qaado, dhibaatooyinkaasi oo ay ka mid yiihiin cayilka saa'idka ah, wadna xanuun, dhiig maskaxad ku furma iyo dhibaatooyin kale oo caafimaad oo ay ka mid yihiin walaac iyo xanuunka salcaanka iyo ka yimaadda qofka o isku buuqa cadaadiska maskaxdiisa ku timid awgeed.

Daraasad kale oo 2016-ki la sameeyeyna waxay sheegtay shaqaalaha hurdada loo diido saameynta ka dhalata iney dhaqaalaha Mareykanaka ay u geysato saameyn dhaqaale oo gaaraya $411 milyan oo doolar isla-markaana uu hoos udhaca waxsoosaarka dalka.

Epstein iyo khubarada kale waxay taageerayaan shaqaalaha in loo oggolaado iney ku qayluushadaan goobahooda shaqada.

"Shaqaalaha hurdada yar laga horsitaago si firfircooni leh uma shaqeynayaa, weliba waxay shaqaalahaasi aad ugu nugul yihiin iney soo food saaraan shilal shaqada la xiriira" ayuu yiri," Epstein.

Ben & Jerry waxay xafiiskooda ku leeyihiin qol yar oo ay ku qayluushadaan.

Xigashada Sawirka, BIM

"Dadka qayluushanaya waa iney kabaha iska bixiyaan hurdadoodana ay ka badan 20 daqiiqo wixi intaa ka badanna loo diro gurigiisa," ayuu sii raaciyey.

"Anigu waan yara seexdaa alamka taleefoonkeyga ayaana i kiciya si aan hurda dheer u gelin. Haa, waa nasasho yar oo aad u wanaagsan waxaanna dareemayaa firfircooni shaqa wanaagsanna waan qabanayaa."

Saxibbadeedna wey ku raacsan yihiin fikirkeedaasi.

Qalabka MetroNaps ee qofka ka caawinayo inuu qayluushado waxaa laga helaa Isbitaallada iyo Jaamacadaha

Xigashada Sawirka, MetroNaps

Canada ayaa marki ugu horreysay laga hirgeliyey goob lagu hurdo oo loogu magacdaray "Nap It Up". Aasaasaha goobtaasi Mehzabeen Rahman waxay sheegtay inuu fikirka ku dhashay maadaamaa ay saacado badan bangi ka soo shaqeyneysay.

Waxayna goobtaasi ku taallaa xaafadda ugu mashquulka badan Toronto, qofki doonaya inuu goobtaasi ka seexdana sariirta labada nafar ah 250-kii daqiiqo wuxuu qofku ku seexan karaa $10 doolar.

"Marki aan howshan billaabeynay dadku waxay noo arkayeen dad waalan oo goobaha shaqada iney dadku seexdaan ku dhiirragelinaya," ayey tiri Lindholm.