Daraasad: dhalinyarada aan qaan gaarka ahayn oo la sheegay iney hurdo yari la kulmaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daraasad muddo 10 sana ah dhalinyarada aan qaan gaarka ahayn iyo dabeecadahooda lagu sameeyey ayaa sheegtay niyad jabka iyo iswaxyeeleynta dhalinta inay korodhay, balse ay aad u yartahay hurdo ku filan iney habeenki seexdaan.
Cabbidda sigaarka iyo Khamriga oo lid ku ah dabeecadaha la dhaqanka bulshada ayey daraasaddu la xiriirisay in laga dhaxlo caafimaad darro ku yimaadda maskaxada qofka, taasoo aad ugu badan dhallinta aan qaan gaarka ahayn ee 14 jirka ah, sanaddii 2015-kii marka la barbar dhigo 2005-tii.
Khubarada Jaamacadda London oo daraasadda sameeyey waxay sheegeen saameynta caafimaadka maskaxda ay arrimahaasi u geystaan iney dadku ku kala duwananaan karaan.
Waxaana sii kordhaya ayey yidhahdeen khubaradu "astaamaha niyad jabka ka yimaadda ee ay dhalinyarada aan qaan gaarka ahayn taasoo aad u murjisay."
Khubarada daraasadda Sameyneysay ee ka kala socotay London iyo Liverpool waxay daraasaddoodu ku sheegeen dhalinyaro aan qaan gaar ahayn oo laba kooxood ka kooban da'dooduna tahay 14 jir, Kooxda hore waxaa laga soo xulay Bristol waxayna dhasheen 1991-92, halka kooxda labaadna dalka Britain oo dhan laga soo xulay waxayna dhasheen inta u dhaxeysay 2000-01.
Dhallinta aan qaan gaarka ahayn ee daraasadda lagu sameeyey kooxda hore waxay ka koobneyd 5,600 halka kooxda labaadna ay ahaayeen 11,000.
Daraasadda oo muddo 10 sana ah socotay oo dhalinyarada su'aalo daraasadda ku aaddan laga weydiinayey waxaa lagu ogaaday niyad jabka dhallinta oo daraasaddan ka hor 9% ahayd iney gaadhay 15% oo ay kor u kacday.

Daraasaddu waxay dhallintu ku sheegtay iney ku dhaqaaqeen nooc ay isku waxyeelleynayaan 12% ahayd waxay hadda gaartay 14%. Kororka tiradaasi oo ay ka wada mideysan yihiin wiilasha iyo gabdhaha , weliba ay gabdhaha u sii daran yihiin.
Sida oo kale waxaa aad sare ugu kacay dhalllita aan qaarka ahayn uu hilibka badan fuulo marka la eego 2005-tii halka ay taagnaayeen, waxayna intooda badan dhallintaasi yihiin kuwa khamriga iyo sigaarka cabbo.
Halka isticmaalka noocyada daroogada ka midka ah sida Kaanabiis oo horay u ahaa 5% hadda wuxuu marayaa 4.35% taasoo ka dhigan in xoogaha hoos u dhac ay ka muuqato.
Natiijada daraasadda ee hurdada la xiriirta haddi aan u soo noqonno, 2015-ka wixi ka horreeyey dhallinta aan qaan gaarka ahayn horay ayey u seexan jireen xilli horana wey soo toosi jireen, halka dhallinta hadda daraasadda lagu sameeyey ay xilli dambe seexdaan isla-markaana ay helin hurdadi sideedda saac ahayd ee ay dhakhaatiirta caafimaadka ku taliyeen 24-ki saac ama maalinti inuu seexdo qofka caafimaadka qabo 24-ki saac ama maalinti.
Dr Praveetha Patalay, oo ah barafasoor ku takhasustay arrimaha caafimaadka dhalinyarta isla-markaana ah guddoomiyaha khubarada daraasaddan soo saartay ayaa sheegtay Natiijada daraasadda inuu ka soo baxay sawir ku saabsan caafimaadka dhalinyarada da'yarta, iyada oo ay daraasaddu ku ekeyn oo keli ah in caafimaadka maskaxda lagu ogaado.
"Waxaana loo baahan yahay inaan xusuusanno wakhtiyadan aan hadda joogno iney jiraan wax badan oo iska beddelay caafimaadka da'yarta, weliba si la yaab leh ay isku beddelayaan.
"Baraha bulshada iyo warbaahinta kalaba waxaad ku arkeysaa takoor loo geysanayo da'yarta, sida dadka majaajillada sameeya, kuwa wax ka qosliya iwm"

Xigashada Sawirka, Lauren Nicole Coppin Campbell
Inta ay 16 jirsan Lauren Nicole, waxay baraha bulshada ku soo bandhigi jirtay sawirro noocya badan leh oo ay ku sheegtay iney isku soo bandhigeysay.
Balse muddo kaddib waxay ogaatay waxaas oo dhan iney ahaayeen khiyaali waxa ay dadnimadeedana ku soo kordhineyso jirin, hadda waxay Laura la shaqeysaa koox looga magac daray The Be Real Campaign oo u ololeeysa qofka inuu soo bandhigo oo keli dadnimadiisa oo uu iska ilaaliyo buunbuunin.
Emma Thomas, oo ah madaxa hay'adda lagu magacaabo maskaxda dhallinta, waxay sheegtay iney aad uga welweleyso niyad jabka iyo waxyeellada kale ee ku imaneyso dhalinta aan qaan gaarka ahayn mustaqbalkana ay ka dhaxlayaan caafimaad darro dhinaca maskaxda ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dr Bernadka Dubicka, oo madaxa dhallinta da'yarta ee Kulliyadda Royaal u qaabilsan caafimaadka maskaxda waxay sheegtay: "Daraasaddu weli in looga baahan iney si cad u qeexdo dhallinta maanta halganka ay kula jiraan dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda, marka la barbar dhigo dhallinta 90-aadki joogtay. "












