Tahriibe loo ganaaxay inuu Taliyaaniga nadiifiyo oo la cafiyay

A street sweeper with a broom

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, booliska ayaa la noqday ganaaxa ka dib markii lagu dhalleeceeyay

Gole deegaan oo ka howlgala Waqooyiga Taliyaaniga ayaa joojiyay ganaax la saaray tahriibe u dhashay Nigeria kaas oo jidadka xaaqi jiray fasax la'aan.

Ninka oo 29 sano jir ah, oo shaqo la'aan ah, waxaa lagu magacaabaa Monday, wuxuu go'aansaday in uu nadiifiyo jidadka deegaanka Mestre ee Venice, halkii uu lacag ka tuugsan lahaa dadka.

Waxaa lagu ganaaxay in uu bixiyo $383 dollar. Balse dibadbaxyo ayaa sababay in maamulka ay ganaaxaas dib uga noqdaan.

Sidoo kale, waxaa la billaabay olole dhanka internet-ka ah oo dadka ay isaga aruuriyeen lacagtaas lagu ganaaxay, si ay uga bixiyaan.

"Waxaan jeclahay in nafsad ahaanteyda aan idiinku dhex noolaado anigoo lacag aan idiinka tuugsan," ayuu ku qoray sabuurad uu sito oo uu dhigo meelaha uu xaaqayo.

"Waxaan nadiifinayaan jidadkiina, waxaanna idiin waydiisanayaan lacagta shaqada aan qabtay oo keli ah".

Farriin Facebook-ga uu dhigay Matteo D'Angelo - oo ah qofka billaabay codsiga internet-ka - wuxuu sheegay in tahriibahan uu nadiifiyo jidadka markasta oo roob uu da'o. Wuxuu xaaqaa waxa ka hara sigaarka iyo qashin kasta oo aan ku tuurno jidadka, inagoo ah dadka horumaray.

"Waa nagu ceeb, waa miskiin isku deyaya in uu nagu dhex noolaado," ayuu ku siidaray farriinta.

Ficilka uu sameeyay Monday wuxuu sababay in booliska ay soo farageliyaan ka dib markii dadka qaar ee deegaanka ay dacwoodeen.

Balse, ganaaxa ayaa meesha laga saaray ka dib markii afar qof oo dadka deegaanka ah ay weceen booliska, ayna difaaceen ninka.

Maamulka deegaanka waxay sheegeen in xukunka ganaaxa ay gaareen shaqaale cusub oo aan khibrad lahayn.

Soo-galootiga weli waa arrin khilaaf iyo buuq badan ka dhex dhalisa Taliyaaniga, halkaas oo kumannaan tahriibayaal ah ay gaareen sannadihii la soo dhaafay.

Isbuucii tagay, Taliyaaniga iyo Faransiiska waxay ku dhawaaqeen hannaan cusub oo si degdeg ah ay dalalka Midowga Yurub ugu qeybsanayaan tahriibayaasha.