Maxkamadda sare ee Talyaaniga oo taageertay in la caawiyo qofkii dhimasho doonaya

.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Maxkamadda dastuuriga ah ayaa oggolaatay in dadku ay yeeshaan 'xuquuqda dhimashada'

Maxkamadda sare ee dalka Talyaaniga ayaa soo saartay xukun ay ku sheegtay inaysan dambi ahayn caawinta qofka doonaya inuu dhinto, haddii uu ku jiro "xaalad aan loo dulqaadan karon".

Xukunkan taariikhiga ah ayaa la xiriira kiiska nin u dhashay talyaaniga oo lagu magacaabi jiray DJ Fabo, kaasoo doortay inuu dhinto xilli uu sanadkii 2017-kii ku sugnaa xarun caafimaad oo ku taalla waddanka Switzerland.

Fabo ayaa indhaha ku beelay, dhaawacyo kalena ka dhaxlay shil gaari oo dhacay sanadkii 2014-kii.

Dhimashadiisa la khasbay ayaa dood weyn la abuurtay waddanka Talyaaniga, oo saldhig u ah kaniisadda madhabta Roman Catholic-ga, taasoo kasoo horjeedda in qof dhimasho lagu caawiyo.

Kaniisaddan, oo saameyn weyn ku leh Talyaaniga ayaa in qof dhimasho loo fududeeyo u aragta fal diin ahaan u khaldan, oo aan marnaba la aqbali karin.

Maanta oo Kahmiis ah, waxay Kaniisaddu sheegtay "inay iska fogeysay" go'aanka ay gaartay maxkamadda dastuuriga ah ee ugu sarreysa waddankaas, taasoo ay u aragto inay "xadgudub sameysay"

Xukunka maxkamadda ayaa yimid hal isbuuc wax ka yar ka dib markii uu baadariga ugu weyn masiixiyiinta Pope Francis uu boqollaal dhakhaatiir ah oo uu u khudbeynayay u sheegay "inaysan aqbalin isku kasta oo la xiriira in dawooyin loo isticmaalo qof doonaya in lagu caawiyo dhimasho".

"Dawooyinka micnahoodu waa in lagu caawiyo nolosha bani'aadanka", ayuu yiri, wuxuuna soo xigtay hadal uu horay u yiri baadarigii isaga ka horreeyay ee Pope Saint John Paul II, oo ahaa: "Dhakhtar walba waxaa laga codsanayaa inuu ku dadaalo sidii uu u qaddarin lahaa nolosha bani'aadanka, una ilaalin lahaa".

Muxuu ka dhigan yahay xukunka?

Maxkamadda ugu sarreysa dhinaca Dastuurka ee dalka Talyaaniga waxay amar ku bixisay in sharciga waddanka dhimashada dadka lagu caawiyo, marka ay xaalado khaas ah jiraan, sida in qof bukaan ah "uu la dhibaatoonayo xanuun aan waxba laga qaban karin oo gudaha ah ama mid jirka kore ah, kaasoo aan loo dulqaadan karin, uuna qofku doonayo in noloshiisa lasoo afjaro".

Garsoorka maxkamadda ayaa dib u eegayay kiiska muranka dhaliyay ee ku saabsanaa ninka u dashay Talyaaniga ee lagu caawiyay dhimashada uu doonayay.

Maxkamadda darajada hoose ee uu fadhigeedu yahay magaalada Milan ayaa horay u codsatay in la kala caddeeyo arrintan, si loo ogaado in kiis dacwadeed lagu soo oogi karo Marco Cappato, oo u ol'oleeya xuquuqda dalabka dhimashada, isla markaana Mr Antoniani ku wehlinayay safarkii uu ku tagay waddanka Switzerland.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Presentational white space

Mr Cappato, oo goob joog ka ahaa dhammaan kulamadii ay garsooreyaasha maxkamadda sare ku dhageysaneysay kiiskan ayaa sheegay in go'aankan uu ka dhigan yahay in "laga billaabo maanta qof walba loo sameyn doono waxa uu doonayo, xitaa haddii ay jiraan dad arrintaas kasoo horjeeda".

"Garsooreyaasha maxkamaddu waxay go'aamiyeen in dadka ku jira xaaladdii uu ku sugnaa Fabo oo kale ay xaq u leeyihiin in la caawiyo", ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Mr Cappato ayaa wajahayay xukun ilaa 12 sano oo xarig ah, kaasoo uu ku muteysanayay gacanta uu ka geystay inuu qof isdilo.

Hase ahaatee sida ay u badan tahay dacwdadaas ayaa la iska laali doonaa, xukunkan maxkamadda ugu sarreysa kasoo baxay awgiis.

Maxaa ku dhacay DJ Fabo?

Taariikhdu markii ay ahayd 13 June 2014, ninka sida weyn looga jeclaa dalka Talyaaniga ee soo saari jiray muusiga iyo heesaha ayaa gaarigiisa shil la galay xilli uu habeenimo ku sii jeeday gurigiisa, isagoo markaas ka yimid kalaab ku yaalla magaalada Milan.

Gaarigii uu watay ayaa ku dhacay gaari kale oo ka hor yimid, waxaana halkaas kasoo gaaray dhaawac aad iyo aad u culus.

Shilkaas ayaa sababay in Antoniani uu indhaha beelo isla markaana uu dhaqaajin waayo dhammaan xubnihiisa, dhaawaca ka gaaray laf dhabarta awgiis.

Wuxuu xitaa u baahnaa in lagu caawiyo sidii uu u neefsan lahaa iyo waliba sidii uu wac u cuni lahaa.

Antoniani wuxuu sheegay in shilkaas uu u keenay "xanuun jir ahaan iyo maskax ahaanba ah".

Wuxuu in muddo ah u dagaallamayay in dhimasho lagu caawiyo, laakiin xuquuqdaas kuma uusan heli karin gudaha waddanka Talyaaniga.

Laakiin ugu dambeyn wuxuu go'aansaday in lagu dilo xarun caafimaad oo ku taalla waddanka Switzerland.

"Ugu dambeyn waxaan ku suganahay Switzerland, nasiib darro halkan waxaan ku imid go'aan aniga iga yimid, wax caawinaad ahna kama helin dalkeyga", sidaas ayuu Antoniani ku yiri cod laga duubay oo baraha bulshada lasoo galiyay wax yar ka hor geeridiisa.

.
Qoraalka sawirka, "Waxaan ka baxayaa xanuun cadaab ah", DJ Fabo ayaa sidaas ku yiri farriintiisii ugu dambeysay

Antoniani wuxuu xarunta caafimaad ee ku taalla dalka Switzerland ku dhintay taariikhdu markii ay ahayd 27 February 2017, markaasna da'diisu waxay ahayd 40 sano.

Markii ay Arbacadii maxkamadda soo saartay xukunka, haweeneydii horay saaxiibaddiis u ahayd, oo lagu magacaabo Valeria Imbrogno ayaa sheegtay in xanuunkiisii "aan laga hadli karin" uu ahaa mid aan loo dulqaadan karin.

"Fabo jirkiisu wuxuu ahaa mid aan nuuxsaneynin, xabsiga noocaas ahna wuxuu ku noolaa muddo 2 sano iyo 9 bilood ah" ayey tiri, waxayna intaas ku dartay: "Haddii qof xaaladdaas oo kale ku sugan ay riyadiisu tahay inuu gurigiisa ku dhinto, caddaalad darro weyn ayaan u arkaa inuu qof kale ka hor istaago".

Presentational grey line