Siddeed marxaladood oo muhiim ah oo uu soo maray muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya

.

Xigashada Sawirka, Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Itoobiya

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru ayaa horay kulamo ugu yeeshay magaalada Nairobi, waxaana markaas isku keenay Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada New York oo uu ka socdo shirka Qaramada Midoobey ayaa la kulmay dhiggiisa Kenya.

Labada hoggaamiye waxaa isu keenay madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-sisi. Arrimaha ay ka wada hadleenna waxaa ka mid ahaa muranka xuduudda badda iyo xiriirka diblumaasiyadeed.

1-Dhexdhexaadinta Masar

Madaxweyne Cabdifitaax Al-Sisi oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa kullan sadex geesood ah oo uu goob joog ka yahay u qabtay Soomaaliya iyo Kenya.

Afhayeenka madaxweyne Farmaajo, Cabdinuur Maxamed ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray "Waxaan isku afgarannay soo celinta xiriirka iyadoo caqabad aysan ku yeelan kiiska maxakamadda ICJ ee badda".

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Balse dowladda Kenya ma aysan bixin faafaahin dheeraad ah oo la xiriirta kullanka labada dhinac iyo waxa la iskula soo qaaday.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya, Monica Juma ayaa barteeda Twitterka waxay ku xaqiijisay kullanka oo keli ah.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Waxay intaa ku dartay: "Kenya waxay soo dhoweyneysaa kullankii ugu horreeyay ee dhanka saxda ah loo qaaday. Kenya markasta way aaminsan tahay wayna sii wadeysaa in ay ku baaqdo in loo wadahadlo qaabka ugu wanaagsan oo xal Afrikaannimo ah loogu dhameynayo dhibaatada Afrika".

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 3

In kastoo labada madaxweyne horey u wadahadleeen, haddana waxaa muuqata in lagu kala aragti duwan yahay habka loo xallinayo muranka xuduudda badda.

Waxaa jiray kulamo hore oo la sheegay in lagu heshiiyay, haddana khilaafka halkii ayuu ka sii socday

Waxaana ka mid ahaa:

2-Isku daygii dhexdhaxaadinta Itooobiya

.

Xigashada Sawirka, Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Itoobiya

Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa horay u kulansiiyay madaxda Soomaaliya iyo Kenya, Farmaajo iyo Uhuru

Dowladda Itoobiya ayaa billowday in labada madaxweyne ay dhexdhexaadiso, lana dhammeeyo khilaafka.

Qoraal uu bishii March ee sannadka bartiisa Tweeter-ka soo dhigay rai'sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayuu ku sheegay in uu dhexdhexaadin doono Kenya iyo Soomaaliya si loo dajiyo xiisadda labada dhinac.

5-tii bishii March ee sannadkan, waxa booqasho rami ah ku yimid Nairobi raisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

6-dii bishii March ayay madaxwayne Farmaajo iyo madaxwayne Kenyatta yeesheen kulan.

Ra'isulwasaaraha Itoobiya oo goobjoog ka ahaa shirka labada madaxweyne, islamarkaasna u kala dab qaadayay, ayaa soo saaray qoraal ku saabsan heshiiska, wuxuuna sheegay in laga wada hadlay wax uu ku tilmaamay 'Isha Khilaafka', taas oo siyaabo kala duwan loo fasirtay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in arrinta laga hadlay ay tahay kaliya xiriirka dublamaasiyadeed ee madmadoowga soo galay ee labada dal.

Intaas kagama harin, "Madaxweynayaashu kama wada hadal, lamana soo hadal qaadin kiiska Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, Dowladda Soomaaliyana mawqifkeeda waa mid cad oo aan mugdi ku jirin," ayaa lagu yiri qoraal lasoo saaray.

Inkasta oo uu ahaa shir heer sare ah oo ay isugu yimaadeen madaxda saddexda dal ee dariska ah, haddana waxaa qeyrul-caadi ahayd in uusan jirin war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen, taas oo ah wax aanan looga baranin kulamada madaxda heerkan ah.

3-Dib u dhigidda kiiska ICJ

Waxaa loo ballansanaa in 9-kii illaa 13-kii bishan September ay maxkamadda ICJ dhageysato doodda labada dhinac si ay go'aankeeda ugu saleyso.

Balse isbuuc ka hore, oo ah bilowgii bishan, ayey Kenya dalbatay in dib loogu dhigo halsano, balse dowladda Soomaaliya ayaa arrintaas diiday.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Khayr ayaa kulanka guddiga amniga ee Midowga Afrika ka sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay in dacwaddan lagu dhammeeyo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ay hor taallo.

"Kenya inay tiraahdo dacwaddii aan wadnay waxaan dooneynaa in dib loo dhigo oo ay ka codsato maxkamadda waxay ka dhigantahay inay dooneyso in qaabab kale wax lagu xalliyo", sidaas waxaa BBC u sheegay qareen Cabdiqaadir Axmed Nuur.

Balse inkastoo dowladda Kenya aysan sitoos ah uga hadlin, haddana warbaahinta dalkaas waxay arrinta u sababeeyeen in Kenya ay u "baahantahay sidii fursad loogu siin lahaa inay qorato qareenno dheeraad ah oo difaaca kiiskeeda".

Maxkamadda ICJ oo ka jawaabeysay codsiga Kenya, ma aysan aqbalin in sannad dib loo dhigo, balse waxay siisay laba bilood oo ah illaa 4-ta bisha November, sida lagu xusay qoraal ka soo baxay ICJ.

4-Sida uu khilaafka ku bilowday

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo billaabmay xilligii uu dalka Somaaliya madaxwaynaha ka ahaa Sh Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu khilaafka salka ku hayaa muran dhanka badda ah oo labada dhinac u dhaxeeya.

Sannadii 2014, markaas oo uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, ayay ahayd markii ugu horeysay oo ay dowladda Somaaliya kiiska muranka badda u gudbisay Maxkamada Cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ.

Soomaaliya ayaa horay ugu gacan seyrtay soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiskii Is-afgarad ahaa ee labada dhinac ay horey u gaareen uu yahay mid suurtagelin kara inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.

Kenya waxay ku cel-celisay in ujeedada heshiiskaasi uu ahaa in labada dal ay wadaxaajood ka yeeshaan muranka.

Qareennada Soomaaliya ayaa diiday doodaas waxayna xasuusiyeen qareennada Kenya in heshiiskaasi uusan meesha ka saari karin xaquuqda ay Soomaaliya u leedahay inay cadaalad ka raadsato maxkamadda.

Waxay sheegeen in hadii la raaco qaabka ay Kenya rabto ay qaadan karto ku dhawaad 20 sano, labada dalna ay dani ugu jirto in si degdeg ah loo soo afjaro murankan.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed badkiisu uu gaarayo 142 kun oo kilomitir, oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada waddan, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Khilaafkan wuxuu sababay tallaabooyiin ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya qaadeen sida:

5-Joojintii Jaadka Kenya

Markii uu muranka sii xoogaystay, oo Kenya ku dhawaaqday inay celineyso qaxootiga Soomaalida, waxaa 5-tii bishii September 2016, ay dowladda Soomaaliya soo saartay go'aan ay ku mamnuucayso Khaadka ay Kenya u dhoofiso Soomaaliya.

Balse maalmo ka dib markii Khaadka la mamnuucay waxay Kenya iyo Soomaaliya isku afgarteen in dib loo furo.

13 September 2016, waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shirkii madaxda urur goboleedka IGAD, waxaana shirkaasi madaxdii ka qaybgashay ka mid ahaa madaxwaynaha Kenya, Uhurru Kenyatta.

Markii uu shirkaasi soo dhamaaday waxaa isla maalinkaa shir yeeshay Uhuru Kenyatta iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyatta ayay madaxweyne Farmajo yeesheen kulamo badan

Kulankaasi ka dib waxay labada dhinac sheegeen in la gaaray heshiis dib loogu billaabayo Khaadkii loo dhoofin jiray soomaaliya.

6-Booqashadii Farmaajo ee Kenya

23 bishii March, waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya booqasho ku tagay madaxwayne Farmaajo.

Madaxwayne Farmaajo ayaa si wayn loogu so dhaweeyay aqalka madaxtooyada, waxaana loo riday 21 madfac oo lagu sharfay.

Waxyaabihii xilligaasi ay Soomaliya iyo Kenya ku heshiiyeen waxaa ka mid ahaa, in la sahlo isu socodka labada dhinac.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in lab isbuuc gudahood dib loo billaabi doono duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo meesha laga saaray in lagu sii hakado garoonka ku yaalla magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari Kenya.

Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Uhuru iyo Farmaajo

Xigashada Sawirka, OFFICE OF THE PRIME MINISTER-ETHIOPIA

"Waxaan amar ku siinay mas'uuliyiinta ammaanka ee labadeena dal inay si deg deg ah u kulmaan kuna heshiiyaan qaabkii ay dib ugu billaabi lahaayeen duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi iyadoo duulimaadka ugu horreeyana aan fileyno laba isbuuc gudahood", ayuu yiri xilligaas, Kenyatta.

Labada madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyaan in dib loo furo xadka labada dal oo ay dowladda Kenya xirtay 2007-dii, sababa dhinaca ammaanka ah.

Inkastoo xadka uu si rasmi ah u xirnaa, haddana saameyn weyn kuma yeelan isu socodka dadka iyo alaabta ganacsiga.

Waxaa toddobaadyo ka dib dhaqangalay qodobkii ahaa in duulimaadyada ka soo baxa muqdisho ay Nairobi toos u yimaadaan.

7-Taariikhda muranka badda

Khariidadda muranka badda Kenya iyo Soomaalia

Xigashada Sawirka, ICJ

Qoraalka sawirka, Khariidadda muranka badda Kenya iyo Soomaalia

April 7, 2009: Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hannaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.

August 1, 2009: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya.

Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad uu ku faahfaahiyo heshiiska.

July 13, 2015: Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda ICJ inay dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go'aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay gudbiso Maxkamadda.

December 18, 2017: Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda ICJ.

Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go'aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya, Axmed Cali Daahir, ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso.

Soomaaliya ayaa ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas.

Feb 02, 2018: Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go'aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Feb 07, 2019: Soomaaliya waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay aysan ku jirin qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin.

8-Sababta khilaafka sii xumeysay

Waxaa 7 bishii February ee sanadkan, magaalada London lagu soo bandhigay maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka biya diiday dowladda Kenya oo si wayn uga carootay.

Feb 16, 2019: Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto.

Qoraalka Muuqaalka, Ahmiyadda Dacwadda Badda Kenya iyo Soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in shirkii shidaalka Soomaaliya ee London lagu xaraashay "hantida shacabka Kenya," taas oo ay sheegeen inay tahay tallaabo aan loo dulqaadan karin.

10-bishii May 2019: Waxay dowladda Kenya joojisay duulimaadyadii tooska uga iman jiray Muqdisho ee tagi jiray Nairobi.

Waxaa ay dowladda Kenya amartay in duulimaadyada Muqdisho ay soo maraan magaalada Wajeer.