Wax ka ogoow dhagaysiga dacwadda ICJ ee Soomaaliya iyo Kenya

Xigashada Sawirka, ICJ
Maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ ayaa shaacisay xiliga ay dhageysaneyso muranka badda ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Maxkamadda ICJ oo horay u go'aamisay inay dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa labada dal ayaa waxaa ka soo horjeeday Dowladda Kenya oo iyadu dooneysay in khilaafka lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda.
Maxay tahay waxa maxkamadda ay dhageysan doonto?
War qoraal ah oo xalay ka soo baxay ICJ ayaa lagu muddeeyay in 9-ka illaa 13-ka bisha Sabtembar ay dhageysan doonto dooda labada dhninac ee xuduudda badda.
Dhageysiga ayay maxkamadda u qeybisay laba wareeg oo afar maalmood gudahood ku dhici doonta.
Inkstoo maxkamadda aysan si rasmi ah uga hadlin xiliga ka go'aan gaarista iyo waxa laga hadlayo ayaa dadka darsa arrimahaas waxay qabaan in la dhageysan doono waxa dhinacyada ay ku doodayaan.
"Maxkamadda waxa looga hadlayaa khilaaf bada ee u dhaxeeyay labada wadan. Dacwadii ayaa furmaysa, Dowlad kastana waxay la shirtageysaa mowqafkeeda cadaynaya in dhulkaas tahay dhul badeed ay leedahay", sidaas waxaa BBC-da u sheegay Ciid Bade loo arrimaha diblomaasiyadda darsa.
Wuxuu intaa raaciyay in kullamdadaas kadib ay maxkamdda go'aan ka gaari doonta muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
"Waxay u badan tahay inay ku eegtahay kulankan, oo uu yahay kii ugu dambeeya. Kadibna Maxkamadu ay si gooni u fariisato go'aankii ugu dambeeyay soo saarti doonto", ayuu raaciyay.
Khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal

Arrintan la xiriirta xuduudda badda ayaa dhalisay khilaaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku "xaraashtay" ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay.
Kenya ayaa qaaday tallaabooyiin ka dhan ahaa dowladda Soomaaliya. Waxaa ka mid ahaa in safiirka Soomaaliya ee Nairobi loo sheegay inuu dalkiisa ku noqdo, taas oo markii dambe laga heshiiyay.
Kenya ayaa qaaday tallaabooyiin ka dhan ahaa dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin Nairobi in safiirka Soomaaliya ee Nairobi loo sheegay inuu dalkiisa ku noqdo, taas oo markii dambe laga heshiiyay iyo hakinta duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho
"Dowladda Soomaaliya waxay ka qoomameyneysaa hadalkii kasoo baxay dowladda Kenya ee ku saabsanaa eedeynta ah "in Soomaaliya ay iib geysay saliid ku jirta dhul ay Kenya leedahay". Soomaaliya waxay sidoo kale ka qoomameyneysaa go'aankii ay Kenya ku dalbatay inuu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya, iyadoo aan wax wadatashi ah la yeelanin dowladda Soomaaliya". Waxaa sidaas horay u tiri Dowladda Kenya.
Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2019-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.
Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.
Markii hore kiiska wuxuu ku saabsanaa in ICJ ay dhagesan karto muranka laba dal ayna go'aan ka gaari karto.










