'2 sano ayaan darbi jiif ahaa haddana waxaan hayaa xil'

Sabrina Cohen-Hatton ayaa laga dhigay madaxa kooxda dabdamiska iyo gurmadka deg degga ah ee ismaamulka West Sussex, oo ka tirsan UK.
Heerkan waxay kusoo gaartay waddo dheer oo ay usoo gashay nolosha xilligii ay dhowr iyo toban jirka ahayd, waxayna muddo 2 sano ah ahayd darbi jiirf ka dib markii ay xaalado adag soo wajaheen iyada iyo qoyskeeda.
Ms Cohen-Hatton ayaa xilal kala duwan ooh oose soo qabatay ka hor inta aysan noqonin madaxa ugu sarreeya ee waaxda ay ka shaqeyso.
Intii ay howshan ku guda jirtay waxaa u suurtagashay inay dhammeyso waxbarashada jaamacadda ee shahaadada PhD-da.
BBC-da ayey uga warrantay noloshii ay kusoo dulqaadatay.
"Maalin kasta oo ka mid ah muddo sannado ah waxaan ku noolaa xaalad nololeed oo u muuqatay inay tahay tii iigu darneyd ee abid isoo marta. Laakiin intii aan ku guda jiray shaqada dab damiska, waxaan heystay dad i aaminsan oo iyaga qudhooda qaadanayay waqtigooda ugu xun ee nolosha. Marka haddii si loo eego arrinteyda, waxaan doonayay inaan badbaadiyo dadka kale, iyadoo aysan jirin cid ku howlaneyd inay aniga I badbaadiso", ayey tidhi.

Waxay sheegtay inay si daggan uga fikirtay ka hor inta aysan taariikhdeeda uga warramin warbaahinta.
"Inaad muujisid inaad tahay qof la waxyeelleyn karo waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu adage e aad sameyn kartid, laakiin sidoo kale waa mid kamid ah waxyaabaha ugu awoodda badan ee aad sameyn kartid, sababtoo ah waa daacadnimo. Waxan ogahay inay jiraan kumannaan ruux oo wali ku jira xaalad taas la mid ah tii aan anigu horay ugu jiray waagaas, waxaana rabay inaan awood u yeesho sidii aan dadkaas ugu dhihi lahaa ' kaliya eega culeyska aad wajaheysaan laakiin ha eegina shakhsiyaddiinna, xaaladaha adage e aad ku jirtaan ma go'aamin karaan waxa aad ku dambeyn doontaa, waxa kaliya ee ay go'aamiyeen waa meesha aad ka billowdeen',".
Cohen-Hatton waxay sheegtay inay aad ugu qanacsan tahay nolosheeda, waxayna farxad ka muujineysaa heerka wanaagsan ee ay ugu dambeyn gaartay.
Jaamacaddeeda darajada ugu sarreysa waxay ku baratay Cilmi nafsiga, iyadoo dhinaca kalena ka wadday shaqadeeda dab damiska ee ay shacabka u heysay.
"Arrinta aadka u wanaagsan eek u saabsan adeegga dab damiska waa in wixii horay kuusoo maray aadan ka qoomameyneyn, shaqadan waxaan soo galay anigoo aan aqoon dheeraad ah lahayn, waxayna igu tix galinayeen hadba inta ay awooddeyda iyo kartideyda la egtahay".










