Magaaladii ay qasriga ku lahayd Balqiis oo dagaalka awgiis horumar ku sameyneysa

Jaamacadda magaalada ayaa lagu darayaa fasallo dheeri ah
Qoraalka sawirka, Jaamacadda magaalada ayaa lagu darayaa fasallo dheeri ah

Afar sano ayaa laga joogaa markii ay Isbahaysiga carabta ee uu horkacayo Sacuudiga faragalin ku sameeyeen dagaalka sokeeye ee dalka Yemen. Tobannaan kun oo qof ayaa lagu dilay dagaalka, balse dhinaca kale, waxaa jirta hal meel oo horumar ku gaartay colaadda, waana magaalada Marib. Wariyaha BBC-da, Paul Adams ayaa soo ogaaday sida ay arrintan suurtagalka ku noqotay.

Kumannaan sano ka hor, magaalada Marib waxay udub dhexaad u ahayd horumarkii ay sameynayeen dadkii hore.

Waxaa halkan ku yaalla dhismeyaashii maamulkii boqorad balqiis, iyadoo hadda la arki karo haraadiga qasrigeeda oo ciidda kasii hoos maraya.

Waxaa wali muuqda qeybo ka mid ah dhismaha macbadkii cawaam oo ahaa meel loo xajin jiray kumannaan sano islaamka ka hor.

Macbadkan waxaa loo xajin jiray kumannaan sano islaamka ka hor
Qoraalka sawirka, Macbadkan waxaa loo xajin jiray kumannaan sano islaamka ka hor

Hase yeeshee, marba marka kasii dambeysa waxay noqoneysay meel ay dadka isaga tagaan oo aysan jirin cid daneysa.

Laakiin hadda Marib dib ayey usoo laabatay waxayna si xowli ah u sameyneysaa horumar ballaaran.

Sidey arrintaasi macquul ku noqotay?

Marka aad booqato suuqa hadda mashquulka ah, waxaad ogaaneysaa in qof walba uu meel gaar ah ka yimid.

Muddo 4 sano ah ayey dadku halkan imaanayeen, iyagoo kasoo tagaya deegaan kasta oo ku yaalla dalkan ay dagaallada sokeeye la hareen.

Qaarkood waxay kasoo qaxeen colaadda, qaar kalena waxay u dulqaadan waayeen nolosha ku hoos jirta maamulka fallaagada Xuutiyiinta, ee qeybta ka ah dagaalka socda, waxayna kusoo qulquleen Marib, si ay uga baxsadaan kooxdaas.

Ganacsi xoog leh ayaa ka socda suuqa
Qoraalka sawirka, Ganacsi xoog leh ayaa ka socda suuqa

Munir oo ah nin dhallinyaro ah oo ka mid ah dadka barakaca ku yimid halkan ayaa sheegay in ay dan kasoo kaxeysay meeshii uu dagganaa, halkanna uu gabaad ka dhiganayo.

"Magaaladeyda waxay ku jirtaa xaalad qallafsan, nabad ma aha mana lagu badbaadi karo gudaheeda, xitaa waxay jareen korontadii, biyihii iyo gaaskiiba, laakiin hadda halkaan wax walba ayaan ku heysannaa, Alle ayaa mahad leh", ayuu yidhi.

Inta badan xaaladda deegaannada kala duwan ee dalku waa mid aan la isku halleyn karin, balse magaaladan Marib waxay ka mid tahay meelaha kooban ee ay dadku usoo baxsan karaan.

Maciishaddu ma aha mid qaali ah, qiimaha cuntadu waa mid macquul ah, amaan ayaa ka jira, dadkuna waxay u muuqdaan inay nasiino dareemayaan.

"Dagaallada awgood ayaa halkan loo soo aaday, dadku waxay kasoo barakaceen magaalooyinka Tacis, Sanca, Cibb iyo kuwo kale, sidaas darteed qof walba wuxuu doonayaa inuu halkan dhiso", ayuu yidhi Maxamed Cadul Ladiif oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dad kasoo barakacay deegaanno kala duwan ayaa yimid halkan
Qoraalka sawirka, Dad kasoo barakacay deegaanno kala duwan ayaa yimid halkan

Dagaalka Yemen ka hor, Magaalada Marib waxaa ku noolaan jiray dad ay tiradoodu ka yartahay 40,000 oo ruux.

Laakiin hadda waxay magaaladan hoy u tahay in ka badan 1,500,000(Hal malyan iyo bar) oo qof, kuwaasoo nolol fiican ku heysta.

Keyd biyo oo ay dowladdu tobannaan sano iska indha tireysay ayaa hadda si wanaagsan u shaqeynaya, ganacsiga magaaladuna wuxuu marayaa heerkiisii ugu fiicnaa.

Dadka magaaladan horay u daganaa waxay sheegeen in markii hore meeshan ay ahayd sida saxare, guryo bandanna aysan ku oollin.

Waxay aaminsan yihiin haddii uu dagaalku dhamaado in magaaladooda ay kusoo noqon karto horumarkii ay lahayd iyo heerkii ay taagneyd 4,000 oo sano ka hor.

Sheekh Sultan al-Arada, oo ah Barasaabka magaalada Marib wuxuu ku faraxsan yahay sida degdegga ah ee ay horumarka u sameyneyso magaalada, oo hadda laga sameynayo dhismaha guryo faro badan iyo waddooyin.

"Dabcan ma aha wax aan annagu dooranay, hadda waxaan ku khasbannahay inaan ballaarinno magaalada si aan dadka ugu soo dhaweyno, inkastoo aannaan heysanin kaabeyaal nagu filan", ayuu yidhi.

Dowladda ay beesha caalamka taageerto ee dalka Yemen, inta badan mas'uuliyiinteedu waxay ku nool yihiin dibadda, colaadda ba'an ee waddanka ka aloosan awgeed.