Muxuu yahay Jimicsiga Yoga ee muranka ka dhaliyey Puntland?

Xigashada Sawirka, Nimco Bakaal
Garoowe ayaa waxa lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ee ciyaarta Yoga, waxaana ka qaybgalay safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya iyo qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.
Jimicsiga Yoga ayaa caan ka ah wadamada Aasiya, gaar ahaan dalka Hindiya, waxana xuskan soo qabanqaabiyay wasaaradda Haweenka Puntlnd oo gacan ka helaysa safaaradda Hindiya ee Soomaaliya.
Masuuliyiin xilala ka haya Puntland iyo siyaasiyiin ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay ciyaar-jimicsiyeedka Yoga ee Garoowe lagu qabtay.
Masuuliyiintaasi waxaa ka mid ah duqa caasimadda Garoowe Axmed Barre oo si adag uga horyimid ciyaarta Yoga.
Muxuu yahay jimicsiga Yoga?
Malaayiin qof oo ku kala nool daafaha adduunka ayaa u dabaaldaga jimicsiga Yoga oo horay la aaminsanaa inay Hindidu gaar u tahay, balse hadda noqday mid adduunka oo dhan laga isticmaalo.
Baarayaal u dhashay dalka Hindiya ayaa sheegay in jimisigaan si kala duwan loo adeegsado.
"Muhiimad gaar ah ayuu jimicsigaan u leeyahay, jirka, maskaxda iyo arrimaha bulshada," ayuu yiri Mukti Jain oo jimicsiga Yoga aad ula socdo.
Jimicsiga dhanka jirka ayaa qofka ka caawinaya arrimo ay ka mid yihiin kuwa hoos ku xusan.
Awoodaha murqaha
Jimicsiga Yoga ayaa la sheegay inuu kordhiyo awooda murqaha iyo qulqulka dhiiga ee murqaha, taasoo keenta in murqugu ay noqdaan kuwo aan caajisaneyn ama . Awooda ayaa u siyaada hadba inta lawado ama la joogteeyo jimicsiga noocaan ah. Yoga ayaa sidoo kale ka dhigta jirka mid ay sahlan tahay inuu iskala bixiyo si bilaa xanuun ama culeys ah
Caafimaadka Lafaha
Jimicsiga badan ayaa kor u qaada caafimaadka lafaha. Adkaynta lafaha ayaa badanaa ku yimaada jimicsayada la xiriirta in awood la saaro lafaha. Jimicsiga Yoga ayaa ah jimicsi aan la adeegsan wax qalab ah balse waxaa jirta habab kala duwan oo kamid ah jimicsiga, kuwaas oo qofku uu dareemo culeyska jirkiisa sida inuu gacma ku istaago luhiigsana ay kor jiraan iyo habab kale ee u baahan in la barto.

Xigashada Sawirka, AFP
Wadnaha
Yoogada ayaa kor u qaada shaqada wadnaha, taasoo ah inuu dhiigga gaarsiiyo dhamaan unugyada jirka. Sababtaan ayaa la aaminsan yahay inay ku timaado siyaadinta garaacada wadnaha. Gaaraacaan ayaan ahayn mid kadhasha xanuunada wadnaha saamaynta ku leh. Jimicsiga Yoga ayaa sidoo kale kordhiya dhumacda xididaha dhiigga taasoo la aaminsan yahay inay ka hortag iyo maareyn wanaagsan u tahay xanuunada ku dhaca xididada sida dhiigkarka ama kuwa wadnaha sida wadna istaagga.
"Marka ay maskaxda qofka dagantahay waxaa u suura galaayo inuu hormar sameeyo,iyada oo uu qofka dareemayo naxariis iyo nabad," Ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, EPA
Cilmi baarayaasha ayaa aaminsan in arrinkan markii ugu horreysay la xaqiijiyey qarnigii 18-aad.
Hase yeeshe jimicsiga Yoga ayaa aad u soo shaac baxday horaantii qarnigii 20-aad ka dib markii buugaagta lagu qoray.










