Soomaalida iyo sida ay uga falcelisay geerida Maxamed Morsi

Sawir laga qaaday Morsi sannadkii 2016-kii xilli uu ku jiray xabsiga

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Sawir laga qaaday Morsi sannadkii 2016-kii xilli uu ku jiray xabsiga

Dadweynaha Soomaalida ee adeegsada baraha bulshada ayaa si weyn uga hadlay geerida ku timid madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi, qaar kamid ah dadkaas ayaa waxay tacsi u direen qoyska madaxweynaha geeriyooday halka qaar kalena ay ka hadleen fikirkooda ku aadan dhimashadiisa.

Maxamed Morsi ayaa ku geeriyooday gudaha maxkamadda xilli la dhageysanayay dacwaddiisa.

Qof magaciisa ku sheegay Raxmo Tahliil ayaa waxay sheegtay in dhimashada ku timid Morsi ay ka dambeysay sabab isla markaasna uu ahaa nin halyeey ah oo ka baxay muslimiinta.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Dhanka kale, Nin magaciisa ku sheegay Saciid Jaamac Idaajaa waxaa uu qabaa in Maxamed Morsi in la dulmiyay oo ay dishay gacan ka xaq daran.

.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Sidoo kale qaar kamid ah dadka ku xiran bogga BBC-da ayaa ka hadlay arrintani, Waxay sheegeen inay ka xun yihiin geerida ku timid Morsi.

.

Maxamed Morsi ayaa ku geeriytay da'da 67 jir, sannadkii 2012-kii ayaa loo doortay madaxweyanaha Masar kaddib markii xukunka laga tuuray Maxamed Xusni Mubaraak.

Morsi ayaa xukunka lagu tuuray sannadkii 2013-kii, waxaana markaas maamulka la wareegay miliatriga dalkaas.