Maxaad ka taqaannaa ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee uu Maxamad Morsi ka tirsanaan jiray?

Xilli ay taageerayaasha Morsi u dabbaal dagayeen guusha doorashada

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Xilli ay taageerayaasha Morsi u dabbaal dagayeen guusha doorashada

Jameecada Ikhwaanul Muslimiin waa urur diin, siyaasad iyo arrima bulshaba mideystay oo si weyn uga dhaqdhaqaaqa dalka Masar iyo waddama kale oo caalamka islaamka ka mid ah.

Ikhwaanul muslimiin ayaa loo arkaa inuu yahay ururka siyaasadeed ee ugu weyn uguna ballaadhan dalka Masar.

Taageerayaasha rasmiga ee Ikwaanul muslmiinka Yemen ayaa lagu qayasaa 2.5 milyan oo qof.

Jameecada Ikhwaanul Muslimiin waxaa marki ugu horreysay la aassay bisha March 1928-kii, waxaana aasaasay Hassan al-Banna.

Ururka oo isku sii baahiyey waddama badan haddan haddana wuxuu awood aad u weyn uu ku leeyahay dalka Masar.

Wuxuuna ururka uu si weyn uu uga qayb qaatay kacdoonnadi Masar ka dhacay 1948, 1954, 1965 iyo 2013-kii.

Kacdoonki 2011-kii ka dhacay dalka Masar oo uu ururka hoggaaminayey wuxuu ururku la baxay magaca ah Xisbiga Caddaaladda iyo Sinnaanta, dioorashadi dalka Masar ka dhacday 2011-2012-kina ururka wuxuu ku guuleystay kala badh kuraasta baarlamaanka dalka Maar.

Doorashadi madaxweynanimada 2012-kina waxaa si la yaab leh ugu guuleystay Maxamed Morsi oo musharrax u ahaa Ikhwaanul Muslimiin (Xisbiga Caddaaladda iyo Sinnaanta).

Hase yeeshee, mudda sanad ah oo uu xilka hayey wuxuu Madaxweyne Mursi la kulmay mudaharaadyo aad u weyn oo sababay iney dad badan ku dhintaan.

2013-kii Madaxweynihi codka shacabka lagu soo doortay ee Maxammed Mursi waxaa afgambiyey Militariga Masar kaddibna isaga iyo xubnihi ugu sarreeyey (Xisbiga Caddaaladda iyo Sinnaanta) ee ikhwaanal muslimiin xabsiga ayaa loo taxaabay.

Maxkamadda la soo taago xubnaha Ikhwaanul Muslimiinta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maxkamadda la soo taago xubnaha Ikhwaanul Muslimiinta

Maxkamadda sare ee dalka Masarna waxay bishi September 2013-kii ay iclaamisay iney dalka Masar ka mamnuuceen inuu wax dhaqdhaqaaq ah ka sameeyo dalka Masar.

Militariga afgambiga talada dalka ku qabsaday waxay bishi December 2013-kii ay iyaguna ku dhawaaqeen ururka Ikhwaanul Muslimiin inuu yahay urur argagixiso ah.

Mas'uuliyiinti isaga dambeeyey xilalka hoggaamiyanimada ururka ikhwaanul muslimiinka Masar:

1aad- Aasaasaha ahna Guddoomiyihi ugu horreeyey- Hassan al-Banna

2aad- Hasan al-Hudaybi

3aad- Umar al-Timisani

4aad- Muhammad Hamid Abul al-Nasar

5aad- Mustafa Mashhur

6aad- Ma'mun al-Hudaybi

7aad- Mohammed Amahdi Akef

8aad- Mohammed Badle

9aad- Mohamed Taha Wahdan

Taageerayaasha Ikhwaanal Muslimiin waxay ka kooban yihiin 5 qaybood:

1.Muhib

2.Muayyad

3.Muntasib

4.Muntazim iyo

5.Achmal

Qaab dhismeedka Ikhwaanal Muslimiinka

1.Murshid

2.Maktab al-Irshad iyo

3.Majlis al-Shura

Madaxweynihi hore ee Masar oo geeriyooday Maxamed Morsi

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweynihi hore ee Masar oo geeriyooday Maxamed Morsi

Madaxweynihii ugu horreeyey oo uu yeesho ururka Ikhwaanal Muslimiin Maxamed Morsi ayaa maanta ku geeriyooday gudaha maxkamad dhagaysanaysay dacwadiisa.

Maxamed Morsi ayaa 67 sano jir ahaa markii uu geeriyooday sida ay sheegtay warbaahinta qaranka dalkaas.

Sannadkii 2012-kii ayaa loo doortay madaxweynaha Masar, ka dib markii xukunka laga tuuray Maxamed Xusni Mubaarak.

Waxaana Madaxweynihi hore Maxamed Morsi oo xilka laga tuuray sannadkii 2013-kii oo militariga ay markale maamulka la wareegeen.