Kornayl Tuke: Dembiyada lagu waayey iyo kuwa lagu helay

Farxaan Maxamuud

Xigashada Sawirka, Center for Justice and Accountability

Waxa la soo gabagabeeyay dacwaddii loo haystay Yuusuf Cabdi Cali oo ku magac dheer Kornayl Tuke, maxkamada ayaa ku xukuntay in uu siiyo magdhow gaaraysa 500,000 oo dollor Farxan Maxamuud oo ah ninka dacweynayay Kornayl Tuke.

Kornaylkan wuxu kamid ahaa saraakiil ay dawladdii kacaanku u dirtay in ay tababar milatari dalkaasi Mareykanka, burburkii kadib ayuu u wareegay dalka Canada.

Danbiyada loo haystay Kornayl Tuke

Farxaan Maxamuud Taani Warfaa ayaa ah qofka sida tooska ah u dacawaynayay Kornaly Tuke,wuxu sheegay in uu ahaa 17 jir waqtigii uu gabood falka uu u gaystay Tuke, kadib markii ay soo qabteen ciidamo uu xukumay, wuxu sheegay in uu kala kulmay ciqaab daran oo isugu jirtay jir dil iyo ciqaab loo adeegsdaday carada soodhka qoriga, Bilooyin kadib Warfaa wuxu sheegay in uu Tuke uu dhowr xabadood ku dhuftay ugana tagay mayd ahaan.

Dhamaan eedaymaha la xariira dilka Warfaa ayaa lagu waayay Kornayl Tuke, halka lagu ganaaxay falalka jir dilka ah ee loo gaystay Warfaa in la siiyo lacag dhan 500,000 oo isugu hirta magdhow iyo ciqaab, arrinkan oo loo cuskaday maadaama uu ahaa sarkaal ciidan waqtigaas.

Eedaymaha loo haystay Kornayl Tuke, marki u horeysay waxaa lagu soo oogay dacwad sannadkii 2005, dacwadas oo la hakiyay.

Saamaynta uu kiiskan ku yeeshay Kornayl Tuke

Kornayl Tuke wuxu u wareegay dalka Canada, markii ay burburtay dawladii Kacaanku si uu noloshiisa u sii wato ,mudo yar kadib markii warbaahinta CBC ay samaysay barnaamij lagaga hadlayay tacadiyada lala xariiriyay ee loo haystay arinkan ayaa sababay in Tuke u waareego dalka Maraykanka.

Tuke wuxu la midoobay xaaskiisa oo ahayd muwaadin Soomaali Maraykan ah, Tuke oo lagu tilmaamo dadka dadaalka ka muujiyay suuqyada shaqada Mareykanka.

Tuke wuxu muddo u shaqeeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dulles, wuxu kamid ahaa ilaalada garoonka, mudo kadib markii warbaahinta CNN ay ka diyaarisay barnaamij ayaa shaqadaas laga fariisay.

Tuke si uu noloshiisa u maareeyo wuxu bilaabay in uu kamid noqdo shaqaalaha ku shaqaysta xirfada wadista Tagaasida loo yaqaan UBER, dacwadan ayaa markale galaafatay shaqadiisii.

Kornayl Tuke waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee Soomaaliya xilligii Maxamad Siyaad Barre

Xigashada Sawirka, KORNAYL TUKE

Qoraalka sawirka, Cornayl Tuke waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee Soomaaliya xilligii Maxamad Siyaad Barre

Aragtida ehelada Kornayl Tuke

Kornayl Tuke ayaa deegan ahaan ka soo jeeda gobolada waqooti, qaar kamid ah qaraabadiisa ayaa ku tilmaamay xukunkan mid aan loo baahnayn waqatiga.

'Anigu waxan u arkaa wixii ka dhex dhacay Soomaali waa waxan la qiyaasi Karin,gaar ahaan saraakiishii xooga dalka hadii dil lasyku dacwaynayo qof aan dil gaysan ma jiro,laba kooxood ayay ahaayeen kuwo dawladaas la dagaalayay iyo kuwo difaacayay labaduba waxay wax yeelo u gaysanayeen shacabka,labada nin ee dacwadu dhex taalo waa laba nin oo reer waqooyi ah,markii dawladii burburtay reer waqooyi wuu ka heshiisay wixii dhacay,markaa arintani waxay saamayn ku y eelanaysa heshiishkaas'' sidaas waxa BBC-da u sheegay Caaqil Axmed Maxamuud oo kamid ah qaalida kornayl Tuke.

Maraykanka waxa ka dhacay dacwado loo haysto xubno ka mid ahaa dawladii milatariga uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, waxa ka mid ahaa Maxamed Cali Samater oo inta aanu geeryoon lagu xukumay lacago malaayiin dolor ah.