Ma ogyahay Maraykanku dadka aan waxba galabsan ee duqaymaha uu ku fuliyo Soomaaliya ay galaaftaan?

Xigashada Sawirka, Reuters
Ibrahim Hirsi wuxuu dib ugu laabtay Muqdisho isaga iyo laba saaxiibbadii ah 18-kii Maarso markaas oo ay gaadhigiisa haleeshay duqaynta xagga cirka ah ee Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya.ibraahim, oo markuu noolaa maalintiisa ku qaadan jirey tuulada oo ay beer ku leeyihiin qoyskoodu ayaa la dilay,isaga iyo nin kale oo gaadhiga kula jiray. Rakaabkii seddexaad ee la saarnaana muddo kaddib ayuu isna cisbitaalka ku geeryooday.
War saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidammada milateriga Mareykanka ee Afrika ayaa soo saaray maalintii xigtay in weerarkaasi uu ahaa mid looga golleeyahay in lagaga hortago "shabakadaha argagixisada iyo dedaalkooda shaqaalaynta ah ee ay gobolka ka wadaan" - iyagoo tixraacaya kooxda al-Shabaab, oo ah urur jihaad doon ah xidhiidh la leh al-Qaacida .
'Xilligaas duqayntu dhacdaynba, waxaa lagu dilay 3 qof oo argagaxiso ah' ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay.
Laakiin baadhitaan ay sameeyeen shabakadda Foriegn Policy waxay soo jeedinaysaa in Ibraahim xisrsi-iyo suurtagal ahaan labada rakaab ee kale aysan xidhiidh la lahayn argagaxisadaasi, asee laga yaabo in si khalad ah loo beegsaday.
Hadday tani run tahayna, dhimashadoodu waxay ku darsamaysaa dad badan oo rayid ah oo lagu dilay weerarro Maraykan ah oo laga geystay Soomaaliya, kuwaas oo kor u kacay tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Donald Trump.
Maalmihii iyo toddobaadkii ka danbeeyay weerarkaasi, Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa u muuqda in ay wax yar sameeyeen si ay u xaqiijiyaan faahfaahinta ku saabsan saddexda nin, taas oo kor u qaadaysa suurtagalnimada in dadka kale ee lagu dilo weerarrada Mareykanka oo lagu shaambadeeyo argagixisannimo ay sidoo kale ahaayeen dhibbanayaal aan waxba galabsan .
'walaalkaygii miskiinka ahaa waxaa galaafatay duqayntaasi, haddana waxaanu la daalaa dhacaynaa inaannu kafaalo qaadno nolosha qoyskii uu ka tegey' Ibraahim walaalkiisii ka weynaa, Axmed Xasan Xirsi ayaa sidaa u sheegay shabakadda Foreign Policy, farriin qoraal ah oo ay ka heleen. Wuxuuna intaa ku daray in walaalkii dhalay toddoba carruur ah uuna ku mashquulsan yahay wakhtigiisa oo dhan in ay wax kala soo baxaan ganacsi qoys oo ay leeyihiin, oo ay ka nmid yihiin dukaan iyo kaalin shidaal. Ibraahim xidhiidh lama lahayn Al-shabaab ayuu sheegay wuxuuna ku daray inuu Maraykanka ka codsanayo inay baadhis ku sameeyaan duqeymaha ay fuliyaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Axmed oo u shaqeeya, haayad biniaadantinnimo oo caalami ah, kana hawl gasha Muqdisho ayaa sheegay inuu yaqaannay labada nin kale ee gaadhiga la saarnaaa oo ay qoysaskooda deris ahaayeen.
Warsaxaafadeedka ay soo saartay Africom maalintii ka danbaysay weerarkaasi inay kus sheegeen in saraakiisha maraykanku ay ka war hayaan war ma hubanti ah oo sheegay in khasaare ka soo gaadhay dad rayid ah, isla mar ahaantaana ay qiimayn ku samayn doonaan xogta falkaasi oo ay ku jirto inay raadinayaan xog kasta oo dhan walba ah.
Laakiin in ka badan toddoba wiig kaddib, walaalkii Ibraahim ka weynaa wuxuu sheegay inaanay arag cid metelaysa Maraykanka oo soo gaadhay isaga ama qoyskooda.

Xigashada Sawirka, US AFRICOM
Markii shabakadda Foreign Policy la xidhiidhay AFRICOM una gudbisay cabashada qoyskaasi, afhayeen John Manley ayaa sheegay in hawlgalkii ciidmadi ee arrintaasi weli socdo ayna ka hadhsan yihiin todobaaddo.
Haayadda Amnesty International ayaa Iyana sheegtay in 14 qof oo shacab ah lagu dilay duqeymaha Maraykanka tan sannadkii 2017, halka Africom ka dhigayso laba keliya.
Xasan Sheikh Cali, xubin hore oo amiga qaranka iyo ka hortagga argagixisada kala talin jirey Soomaaliya, madaxweynaha hadda iyo kii horeba ayaa sheegay inay sii korodhka wararka sheegaya khasaaraha soo gaadha dad aan waxba galabsan ay shaki geliyaan awoodda AFRICOM ku sheegi karto sawir sax ah, oo la isku hallayn karo kaddib xogta ay soo gudbiyaan marka dhacaan falalkaasi. Xuseen, waa asaasaha machadka Hiraal oo amniga daraaseeya.
Afriom, ma ay xaqiijin sida ay ku garato qofka xubinta ka ah AL-shabaab, asee waxa ay sheegeen inay isticmaalaan habab sirdoon ah oo ay ku jaangooyaan cidda ay cadaw u aqoonsanayaan, waxay sheegeen inaanay hababkan cidna la wadaagin sabab amni darted, waxaana sidaa sheegay Manley.
Rita Siemion, waa agaasimaha ee amnaga qaranka haayadda Human Rights First, wuxuuna sheegay inay jirto caqabad caddayn la'aan ah iyo daahfurnaan la'aan ah taas oo hoosta ka xarriiqaysa baaxadda ay leegtahay dhibta jirtaa.










