"Aniga ayaa ah duqa cusub ee Istanbul"

Ekrem Imamoglu

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ekrem Imamoglu

Hubanti la'aan badan ayaa ka jirta cidda rasmiga ah ee ku guuleysatay doorashadii duqa magaalada Istanbul , xilli labada xisbi ee kan talada haya iyo kan mucaaradka labaduba ay ku andacoonayaan in musharaxooda uu ku guuleystay doorashada aadka loogu loolamay.

Musharaxa xisbiga CHP Ekrem Imamoglu ayaa shir jaraa'id ka sheegay in uu yahay duqa magaalada Istanbul, waxa uu sidoo kale boggiisa Twitter-ka ku qoray sidaas.

Natiijooyin horudhac ah oo soo baxay ayaa muujinayay in uu ku guuleystay 25 kun oo cod, balse xisbiga talada haya ayaa maxkamad geeyay natiijada, doodna galiyay.

Xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa magaalada surey boorar waaweyn oo ay ugu dabaaldegayaan guushooda magaalada Istanbul.

Xisbiga talada haya waxa gacantiisa ka baxay magaalada caasimadda ah ee Ankara iyo Izmir oo ah tan seddexaad ee ugu weyn dalkaas.

Madaxweyne Erdogan ayaa u muuqda in uusan diyaar u ahayn in uu ogolaado in ay gacantiisa ka baxdo magaalada Istanbul, halkaas oo ah magaalada ugu weyn Turkiga, islamarkaasna ah xarunta dhaqaalaha.

Boorarka guusha ee xisbiga AKP ee Istanbul

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Boorarka guusha ee xisbiga AKP ee Istanbul
Presentational white space

Xisbiga talada haya ayaa sheegay in codad aanan sax ahayn oo ka yimid goobaha qaar ay haleeyeen natiijada, iyaga oo ku tilmaamay bar madoow oo soo gaartay taariikhda dimoqoraadiyadda Turkiga.

Balse siyaasiga mucaaradka Mr Imamoglu ayaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay " illaa shalay waxa ay lahaayeen Turkiga waxaa u qabsoomay doorasho sharaf leh, hal milyan oo qof oo shaqaalaha doorashada ah ayaa habeenkaas hawsha ku jiray" ayuu yiri

Caqabadda hadda dowladda haysata ayaa ah eedeymo ku saabsan in mucaaradka u diideen in ay dood maxkamadeed galiyaan doorashadii Ankara ee sannadkii 2014-tii, hadda markii laga guuleystana ay mucaaradka dacwad ku fureen.

Taageerayaasha mucaaradka oo dabaaldeg ka dhigay magaalada Istanbul

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha mucaaradka oo dabaaldeg ka dhigay magaalada Istanbul

Ekrem ayaa qaba in natiijada doorashooyinka ay ka dhigantahay biloowga dhammaadka xukunka mudane Erdogan oo 16 sannadood soo maamulayay Turkiga "Wax kasta dhammaad ayay leeyihiin" ayuu yiri.