Boeing oo wajahaysa mushkiladdii ugu weyneyd kadib shilkii dhacay

Xigashada Sawirka, Reuters
Laanta duulista hawada sare ee dalka Singapore ayaa shaacisay in ay si kumeel gaar ah hawada dalkaas uga mamnuucday diyaaradda Boeing 737 Max 8 oo ahayd nooca tii ku burburtay dalka Itoobiya.,
Shilkan ayaa ahaa kii labaad ee dhaca muddo lix bilood gudahood ah, waxaana ka dhashay welwel laga qabo badqabka diyaaradan oo la sheegay in laga yaabo in ay qabto cilad sababi karta shil.
Amarkan ayaa waxa uu saameyn ku yeelanayaa shirkado dhawr ah oo adeegsada diyaarada noocan ah, kuwaas oo isticmaala hawada dalka Singapore.
Laanta duulimaadka rayidka ah u qaabilsan Maraykanka ee FAA loo yaqaano ayaa shirkadda Boeing u sheegtay in ay hubiso badqabka diyaaradaheeda oo dalkaas lagu sameeyo, balse waxa ay dowladda Maraykanka sheegtay in aysan jirin wax cilad ah oo la ogyahay.
Diyaaradda Boeing nooca 737 ayaa ah koox diyaarado ah oo kala tirsi ah, waxayna kala yihiin Max 7, 8,9 iyo 10. Waana kuwa ugu casrisan adduunka.
Baaritaan lagu sameeyay shilkii hore ee Indonosia ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay sababta ahayd barnaamij lagu shubey habka maamulka diyaaradda kaas oo iskiis isu haga mararka qaar, diyaaradana ka illaaliya in ay soo hoobato, balse uu yahay hab qalqal galin kara diyaaradda maadaamaa uu bini'aadam saaranyahay, kaas oo ku shaqeeya maskaxdiisa.
Paul Hudson, oo xubin ka ah hay'adda FAA ayaa sheegay in aysan wanaagsanayn in diyaaradda hawada lagu sii hayo, oo la sugo shilal kale oo dhaca.
Dalalka Shiinaha iyo Indonosia ayaa fariisiiyay diyaarado noocan ahaa, waxayna gabi ahaanba mamnuuceen isticmaalkooda.
Shirkadaha Cayman Airways iyo Comair oo laga leeyahay qaaradda Yurub ayaa iyaguna gabi ahaanba joojiyay isticmaalka diyaaraddan.
Saamiyada shirkadda Boeing ayaa hoos u dhacay boqolkiiba 13% suuqa weyn ee Wall Street.
Waxyaabaha shakiga keenay waxaa ka mid ah in labada diyaadoodba ay ahaayeen kuwa cusub, waxaana jiray isku mid ahaansho sida uu shilka u dhacay, labaduba waxa ay soo dhaceen daqiiqado kadib markii ay haadeen, taas oo muujin karta cilad ay diyaaradu leedahay.
Boeing oo kaliya ma ahan waxa saameynta uu shilka ku yeeshay, ee sidoo kale shirkadda Safran ee Faransiiska ee iyadu samaysa matoorka diyaaradan ayuu hoos u dhacay saamiyadeeda
Dowladda Hindiya ayaa iyadu sheegtay in wada hadal kula jirto laamaha qaabilsan badqabka duulista hawada sare, go'aana ka gaari doonto sida laga yeelayo diyaaradan.
Shirkadda duulimaadka ee dalka Koonfur Afrika ayaa dhankeeda shaacisay in ay joojin doonto isticmaalka diyaaradda Boeing 737 illaa intii muddo ah.
Illaa 16 shirkadood oo kuwa duulimaadka ah ayaa isticmaala diyaaradda Boeing 737 Max 8.
Tusaale shirkadda TUI waxa ay leedahay 15 ka mid ah noocan , waxayna sheegtay in ay xiriir dhow la waddo shirkadda Boeing , balse waxa ay intaas ku dartay in aysan jirin wax qorshe dhow oo ay ku joojineyso isticmaalka diyaaradan.
Shirkadda Duulimaadka Norway oo haysata 18 ka mid ah diyaaradahan ayaa iyaduna sii wadda isticmaalka 737.
Shirkadda Southwest Airline waxa ay leedahay 34 noocan ah, halka Maraykanka iyo Canada ay isticmaalaan 24 xabbo oo kuwan ah midkiiba.










