Tartan loo qabanayo dadka sameyn kara diyaaradaha yaryar

Dad badan ayaa jecel in ay duulaan, laakiin dad yar ayaa sameysto wax ay ku duulaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dad badan ayaa jecel in ay duulaan, laakiin dad yar ayaa sameysto wax ay ku duulaan

Waxaa socda baadigoobka loogu jiro qof awood u leh in uu sameeyo mashiin duuli karta, wuxuuna qofka heli doonaa abaalmarin lacageed.

Barnaamijkan tartanka ayaa waxa maalgalisay shirkada diyaaradaha ee Boeing, waxaana fulinaysa shirkadda start-up GoFly.

Tartanka ayaa kooxo kala duwan ku dhiirigalin doona in ay la yimaadaan farsamo iyo naqshad.

Qofka ay guulaysta waxaa la siin doonaa abaalmarin lacageed oo gaareysa $2 milyan oo doolar.

Shuruudaha codsiga waxaa ka mid ah in qofkasta diyaaradda uu sameeyo ay qaadi karto hal qof islamarkana uu duullimaadka socon karo illaa 20 mayl, iyadoo aan wax shidaal ah lagu shubin ama aan la dabeyn.

Waxaa sidoo kale lagaa doonayaa in waxa aad sameyso ay leeyihiin hannaan ay ku duuli karaan, kuna soo caga dhigan karaan.

Jetpack

Xigashada Sawirka, Martin Jetpack

Qoraalka sawirka, Waa diyaarad yar oo ku duusha biyaha dushooda oo qof uu sameystay

Duullimaadyada waxay bilaaban doonaan sanadka 2019-ka.

Ninkii asaasay shirkada GoFly Gwen Lighter, ayaa u sheegtay BBC: "Waxaan ka mid ahaan jiray caruurta isku xirxiri jirtay qalab yaryar ka dibna geedaha ka soo tuuri jiray.

"Waxaan jecelahay malaayiinka qof ee caalamka ku nool ee marwalba ku riyooda in ay duulaan" ayey hadalkeeda ku dartay.

Waxay sheegtay in tiknolojiyadda ay mareyso xilli ay suuragal tahay in ay duulaan waxyaabaha shaqsiyaad kala duwan ay sameeyeen.

Madaxa shirkada Boeing, Greg Hyslop, ayaa yiri: "Waxaan ku faraxsanahay in dadka leh aragtida fog ay ka qaybqaadanayaan tartankan dhiirigalinta iyo farxada ah."

Qiimaha abaalmarinta ayaa loo qaybiyay seddex qayb.

  • Qaybta kowaad: Waxay abaalmarinta gaaraysaa 10 jaa'isadood oo min $20,000 oo doolar ah, waxayna abaalmarinta ku salaysan qoraalka dhanka farsamada ah.
  • Qaybta labaad: Lacag gaareysa $50,000 oo doolar oo la gudoonsiin doono kooxda keenta Naqshada ugu wanaagsan.
  • Qaybta sadaxaad: Waxaa la billaabayaa duullimaadyada xilliga xagaaga ee 2019-ka. Hal milyan oo dollar ayaa la siinayaa duullimaadka ugu fiican. $250 kun, midda ugu deggan, $250 kun diyaaradda ugu yar. Iyo $100 kun oo dollar, naqshadda ugu fiican.
Richard Browning ayaa soo bandhigay qalab la xirto oo ku duulinayo

Xigashada Sawirka, Bret Hartman/Ted

Qoraalka sawirka, Richard Browning ayaa soo bandhigay qalab la xirto oo ku duulinayo

Qofka ku guulaysta tartanka ayaa waxa uu sii haysan doonaa qalabkii iyo waxyaabihii uu sameeyay, asiga ayaana go'aan ka garayo hadduu iibina

Dhamaan dadka ka qaybgalaya tartanka waxaa qasab ku ah in ay u hogaansamaan xeerar dhanka badqabka iyo amaanka ah ee duullimaadyada.

Dadka leh hibada hal abuurka diyaaradaha, aqoonyahanada iyo Injineerada, waxa dhamaan loogu baaqay in ay fikirkooda soo gudbiyaan ugu dambayn, 4 bisha April 2018.