UK: 4 kun oo cadaw iyo qof shacab ah ayaan ku dilnay Ciraaq iyo Suuriya

Muusil waxaa lagala wareegay kooxda Daacish
Qoraalka sawirka, Muusil waxaa lagala wareegay kooxda Daacish

Ciidamada cirka ee dalka Ingiriiska ayaa dil ama dhaawac u geystay 4,315 ruux oo ka tirsan dagaallameyaasha cadowgooda ah ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya, intii u dhaxeysay bishii Sitembar ee sannadkii 2014-kii ilaa bishii Janaayo ee sannadkan 2019-ka, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaan dhigga ee Ingiriiska.

Balse wasaaradda ayaa sheegtay in duqeymaha dhimaca cirka ee uu Ingiriiska geystay ay galaafteen nolosha 1 qof oo rayid ah, sida lagu muujiyay shax loo gudbiyay hay'adda samafalka ee diiwaan galisa khasaaraha ka dhasha weerarrada iyo qalalaasaha.

4,013 ruux oo ka mid ah dagaallameyaasha ayaa la dilay halka 302 kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Qoraalka Muuqaalka, Garoonka Mosul oo daacish laga qabsaday

Warka kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Ingiriiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in macluumaadkooda ay kasoo saareen muuqaallo iyo sawirro laga qaaday goobaha la weeraray.

Xogtan ayaa la diyaariyay ka dib markii ay macluumaadka ku saabsan khasaaraha codsatay hay'adda uruurisa xogaha madaxa bannaan.

Gudaha dalka Ciraaq, 2,994 ayaa lagu dilay halka 235 ay dhaawacmeen

Gudaha Suuriya, 1,019 ayaa lagu dilay halka 67 ay dhaawacmeen

Dhammaan dadkan waxaa lagu bartilmaameedsaday werarro kala duwan oo dhinaca cirka ah.

Hase ahaatee, AOAV oo ah hay'ad samafal oo cilmi baaris sameysa ayaa sheegtay in khasaaraha gaaray dadka rayidka ah aan sidii loo baahnaa loo soo tabinin, maadaama weerarrada ciidanka cirka ee Ingiriiska ay la beegsadeen ilaa 1,000 meelood oo ka mid ah magaalooyinka Raqa iyo Muusil.

Isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayo, oo Ingiriiska uu xubin ka yahay, ayaa sheegay in ay fuliyeen duqeymo dhinaca cirka ah oo gaaraya 33,921 oo weerar.

Dhammaan duqeymahaas ayey sheegeen in la fuliyay intii u dhaxeysay bishii Agoosto ee sannadkii 2014-kii ilaa dabayaaqadii bishii Janaayo ee sannadkan 2019-ka.

Warka kasoo baxay isbahaysiga Mareykanka ayaa lagu sheegay in muddadaas gudaheeda weerarradaas si aan ula kac ahayn loogu dilay dad rayid ah oo ay tiradoodu gaareyso 1,257 ruux.

Hay'ad lagu magacaabo Airwars ayaa iyaduna aaminsan in muddadaas dadkii rayidka ahaa ee dhintay ay tiradoodu u dhaxeyso 7,500 ilaa 12,077 ruux.

Qofka rayidka ah ee UK ay sheegtay in dhimashadiisa ay mas'uulka ka tahay ayaa tiradaas la xusay ka noqonaya qiyaas dhan boqolkiiba 0.09%.

Agaasimaha guud ee hay'adda AOAV oo lagu magacaabo Iain Overton ayaa sheegay in sheegashada Ingiriiska ee ku aaddan in dhimasho gaareysa 4,315 ruux uu hal qof kaliya rayid ka yahay ay noqoneyso arrin haddii sideeda ay sax ku tahay muujin lahayd horumar aad u weyn oo laga gaaray dagaallada xilligan casriga ah la galo.

Wuxuu sheegay in loo baahanyahay dadaallo dheraad ah oo lagu sii hormariyo hufnaanka ku aaddan xaddiga khasaaraha.