Daacish oo qabsatay magaalada taariikhiga ah ee Palmyra

Xigashada Sawirka, Reuters
Kor-joogtada dalka Suuriya ayaa sheegaya in ururka daacish markale uu la wareegay magaalada taariikhiga ah ee Palmyra.
Magaaladaas ayaa daacish laga saaray dhowaan ka dib dagaal culus, iyo Ruushka oo dhanka hawada ka duqeeyay.
Moscow Ruushka ayaa xalay shaaciyay in duullaanka daacish ay ka hortageen.
Balse hadda waxay aaminsan yihiin in ciidamada dowladda Suuriya ay dib uga gurteen Palmyra.
Dagaalyahanada daacish ayaa sabtidii qeybo ka mid ah magaalada qabsaday.
Dhanka waqooyiga, 10 kun oo qof ayaa la aaminsan yahay inay ka qexeen qeybta ay mucaaradka mulaan ee Xalab.
Bariga magaaladaasi waxaa ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya dagaal yahanada mucaaradka iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya Ruushka.

Xigashada Sawirka, AFP
Mucaaradka dalka Suuriya ayaa sheegay inay iska caabiyeen ciidamada dowladda oo kusii durkayay deegaanada ay maamulaan ee Xalab.
Degmoioyiinka weli mucaaradka ay ku jiraan ayaa duqeyn ay ku socotaa.
Beesha caalamka waxay codsanayaan in dowladda Bishar Al-Asad ay hakiso dullaanka ay ku hayso bariga Xalab.
Ciidamada dowladda ayaa militari dheeraad ah u diray magaalada Taariikhiga ah ee Palmyra.
Magaaladaasi waxaa weeraray dagaal yahanada Daacish, taas ayaana keentay in culeyska uu ka yaraado Xalab.











