Magaalo Soomaaliyeed oo ay biyo yari ka jirto ma u baahan tahay khad intarnet oo bilaash ah?

Xigashada Sawirka, Governor Ali Bunow Korane
Maayarka magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi-bari Kenya Cali Bunow Qorane ayaa sheegay in uu billaabayo qorshe cusub oo bulshada ku nool magaalada Gaarisa loogu sameynayo adeeg Internet ah(WI-FI), oo bilaasha ah.
''Waxaan muddo dheer ka soo sheqeeyay wasaaaradda dalxiiska, waxaan booqday waddamo gaaraya ilaa soddon dal, maanta waxaa nala gudboon xallinta caqabadaha bulshadeena horyaala, waxaan wadnaa qorshe cusub, mahubo in uu fuli doono waa in Magaaladeena Gaarisa aan ka hirgalinno adeeg internet (WI-FI) oo bilaash ah, waxaan u xilsaari doonaa khubro qaabilsan waaxda ICT si ay u soo qiimeeyaan fulinta mashruucan qiimaha ku baxaya si aan dhaale ugu raadino'', ayuu yidhi Qorane.
Madaxa maamulka Gaarisa ayaa hadalkiisa ku sii daray in tallaabadan ay tahay mid wax ku soo kordhin doonta bulshada reer Gaarisa hadii uu mashruucani hirgalo.
Dadweynaha magaalada Gaarisa ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrintan, iyagoo u arka in ka hor inta aan la fulin internet bilaash ah laga fakaro sidii magaalada looga hirgalin lahaa adeega biyaha oo ah mid aan ku filnayn bulshada ku nool magaalada.
Bulshada Gaarisa ma helaan biyo ku filan?
Magaalada Gaarisa waxaa ku yaalla wabiga Tana, waana laf dhabarta ay bulshadu ka hesho biyaha, waxaa gacanta ku haysa wasaaradda biyaha oo fulisa adeega lagu sifeeyo biyaha ay cabaan dadweynuhu.

Hase ahaatee, wali waxaa jira caqabado badan oo ka jira helista biyaha xaafadaha magaalada.
Xaafadahan ayaa inta badan biyaha hela labo ama saddex jeer isbuucii, taasoo ay cabasho xoog leh ka muujiyeen.
Sidoo kale, saacadaha biyahan la soo daayo ayay dadweynuhu sheegeen in ay yihiin kuwo aan fursad loo heli karin in dadku ay keydsadaan biyaha, waqtigaas oo ku beegan xilidga dadku ay seexdaan.
Hadal heynta dadweynaha ayaa u badan mid ay ku sheegayaan "in laga gudbo biyo yaraanta ka jirta magaalada Gaarisa ayaa ka horeysa hirgalinta dhaqaale waqtigan lagu bixiyo fulinta internet bilaash ah oo ay helaan bulshada ku nool Gaarisa".
Mashruucan muxuu ku soo kordhinayaa Gaarisa?
Muddooyinkii danbe isticmaalka Internetka ayaa noqday baahiyaha nololeed ee maalinlaha ah, sida in la helo biyo ama cunto.
Isticmaalka baraha bulshada ayaa ah adeegyo joogto ah oo bulshadu kala socdaan warbixinnada kala duwan ee ku xeeran noloshooda maalinlaha ah.
Dhallinyarada ayaa ah kuwa sida tooska ah ugu xiran isticmaalka internetka waana kuwa ugu horreeya ee soo dhaweyn doona mashruucan hadii uu hirgalo.











