Halkee kala taaganyihiin dowladda federaalka iyo reer Baydhabo?

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaaliya

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaaliya

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa la hadlay odayaasha magaalada Baydhabo, kuwaas oo cabasho ka qabay rabshadihii bishii hore ka dhacay magaalada kadib markii la xirey Sheekh Mukhtaar Rooboow oo ka mid ahaa dadkii isu soo sharaxay madaxweynenimada Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Mursal oo ay hareer fadhiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada kasoo jeedda gobolada Bay iyo Bakool , ayaa sheegay in isaga uu hormuud ka yahay xal ka gaarista qalalaasihii ka dhashay xariggii Mukhtaar Rooboow.

Qoraalka Codka, Guddoomiye Mursal oo ka hadlay xiritaanka Abuu Mansuur

Guddoomiyaha oo hadlay ayaa marka hore isku dayay in uu sharoxo sidii ay wax u dhaceen, "Markii uu Mukhtaaar Baydhabo tagay oo uu is sharaxay, wixii socday wax aan ahayn ayaa madaxda qaranka iyo dowladaba loosoo sheegayay", wuxuuna intaas ku daray in isaga shakhsi ahaan uu damaanad qaadayo in xal laga gaaro sii xirnaanshaha Mukhtaar Rooboow. Mursal ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo markii uu la hadlayay uu eedda xarigga Rooboow saarayay dad kale.

Magdhow

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Baydhabo kula kulmay odayaasha dhaqanka

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Baydhabo kula kulmay odayaasha dhaqanka

Arrin kale oo muujinaysa illaa heerka ay dowladda diyaar u tahay in ay xal ka gaarto mushkiladdii ka dhacday Baydhabo ayaa waxa uu sharaxay guddoomiyaha tallaabooyinka is daba yaal ee qorsheysan "Shalay wax wanaagsan ayaa dhacay, idinka oo isla socotaan madaxweynihii Koonfur Galbeed ayaa sabeentii la qaaday, anagana xalay farax ayaan la jiifan waynay, tan xigto waxa ay noqonaysaa sidii dadkii dhintay diyadooda (magtooda) loo bixin lahaa, dadkii dhaawaca gaarayna loo daaweyn lahaa, Mukhtaar oo xaadir ahna anaga ayaad naga taqaanaan".

Ma ahan wax cusub in ay dowladda magdhow ka bixiso dad la laayay, horey waxa ay magdhow uga bixisay dad la sheegay in ay ku dhinteen duqeyn ka dhacday tuulada Bariire ee Shabeelaha Hoose.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayay ku sheegtay in illaa 15 qof ay ku dhinteen rabshadihii Baydhabo.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in ergeygii Qaramada Midoobay Nicholas Haysom uu xilkiisa ku waayay arrimaha xarigga Mukhtaar Rooboow.