Riyadii uu ku hanuunay ninkii burcadka ahaa

Hamigiisa ugu weyn waa inuu dhallinyarada ka badbaadiyo burcad nimada
Qoraalka sawirka, Hamigiisa ugu weyn waa inuu dhallinyarada ka badbaadiyo burcad nimada

Liiska abaal marin sharafeedka sannadka cusub ee 2019-ka ayaa lagu soo daray nin horay ahaan jiray burcad, balse hadda dhallinyarada u tababara tartammada feerka, si uu uga mashquuliyo iney dambiileyaal noqdaan.

Stephen Addison, ayaa la guddoon siiyay billadda ay bixiso boqortooyada Ingiriiska, wuxuuna sheegay in noloshiisa uu wax ka baddalay ka dib markii uu riyo xun ku arkay isagoo loo xiray fal dambiyeed dil ah.

Riyadaas ayaa sabab u noqotay in ninkan uu dib ula midoobo waalidkiisa, isagoo billaabay waxbarashada jaamacadda.

Tan iyo sannadkii 2013-kii, Stephen wuxuu dhalinyaro ay tiradooda gaareyso 4,000 ka caawiyay iney noloshooda baddalaan.

Isaga qudhiisu markii uu yaraa wuxuu jeclaa xirfadda feeryahan nimada, wuxuuna ku hamin jiray sidii uu mar uun ku noqon lahaa nin feer yahan ah.

Hase ahaatee, sida uu sheegay, markii ay da'diisa ahayd 15 sano ayuu u weecday dhinaca burcad nimada.

'Riyo caadi ah'

Akhlaaqdiisa ayaa sii xumaatay, ilaa uu gaaray heer laga buriyay iskuulkii uu dhiganayay oo ku yaalla xaafadda Barking ee bariga magaalada London.

Shantii sano ee xilligaas ka dambeysayna wuxuu noloshiisa ku qaatay isagoo burcad ah.

Laakiin wuxuu sheegay in "Riyo caadi ah" ay hal habeen ku badashay noloshiisa oo idil.

4,000 oo dhallinyaro ah ayuu horumarka noloshooda ka caawiyay
Qoraalka sawirka, 4,000 oo dhallinyaro ah ayuu horumarka noloshooda ka caawiyay

Wuxuu aad uga naxay in riyada dhexdeeda uu ku qirtay fal dambiyeed dil ah, taas awgeed ayuuna u go'aansaday inuu isbaddal sameeyo.

Wuxuu saaxiibadiis u sheegay inuu iska dhaafay burcadnimada, wuxuuna durbadiiba dib ugu laabtay guriga waalidiintiisa,culuumta ganacsiga ayuuna ka billaabay jaamacadda.

Intii uu ku guda jiray jaamacadda ayuu go'aansaday inuu dib u sii amba qaado hammigiisii ahaa inuu noqdo feer yahan.

Mar uu tartan feer ah oo ka dhacay jaamacadda ugu guuleystay billad dahab ah, waxaa warkiisa lagu daabacay wargeysyada.

Isagoo akhrisanaya wargeys ka mid ah kuwii sheekadiisa faafiyay ayuu ku arkay sheeko kale oo ku saabsan nin ay saaxiibo ahaayeen xilligii burcad nimada, kaasoo fal dil ah oo uu qirtay awgiis loogu xukumay xabsi daa'in.

Arrintaas ayaana ku kalliftay inuu dib ugu laabto bulshadiisa ku dhaqan bariga London, si uu dhallinyarada uga caawiyo ineysan ku biirin kooxaha burcadda ah.

"Waxaan doonayaa in Dheemanka Wasakhoobay uu dib nadiif u noqdo una dhalaalo", ayuu yiri, dabcan dheeman kana wuxuu ula jeeday dhallinyarada.