Akhriso magacyada xildhibaannada cusub ee laga soo xulay Puntland

Guddiga xallinta khilaafaadka ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay magacyada xildhibaannada cusub ee loo soo xulay iney doortaan madaxweynaha maamulkaas uu yeelan doono, marka la gaaro doorashada dhaceysa 8-da bisha Janaayo ee foodda nagu soo heysa.
Xildhibaannada oo ay tiradoodu gaareyso 66 ayaa laga soo kala xulay gobollada kala duwan ee uu ka kooban yahay maamul goboleedka Puntland, oo qeyb ka ah dowladda Federaalka Soomaaliuya.
Nimco Cabdi Caarshe, ayaa ah haweeneyda kaliya ee ka dhex muuqata xildhibaannada maanta magacyadooda la shaaciyay.
Warqad ku socotay Golaha wasiirrada, iyo madaxda sare ee Puntland ayaa lagu muujiyay magacyada dhammaan xildhibaannada lasoo xulay ee u fariisan doona doorashada madaxweynaha cusub.

Waxaa xusid mudan in maamullo dhowr ah oo soo maray hoggaanka Puntland ay ballan qaadeen in ay ka shaqeyn doonaan sidii ay ku dhici lahayd doorasho hal qof iyo cod ah, si ay shacabka ugu suurta gasho iney soo doortaan madaxda.
Hase ahaatee arrintaas ayaan wali hirgalin.














