Xiisadda u dhaxeysa Canada iyo Shiinaha oo cirka isku sii shareertay

Michael Spavor (bidix) iyo Michael Kovrig waxaa lagu wadaa baaritaanno

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Michael Spavor (bidix) iyo Michael Kovrig waxaa lagu wadaa baaritaanno

Ra'iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa sheegay inuu "aad uga walaacsan yahay" muwaadin kooda saddexaad ee lagu xiray dalka Shiinaha.

Xariggan ugu dambeeyay ayaa yimid xilli ay cikra isku sii shareereyso xasaradda u dhaxeysa labada dowladood oo soo billaabatay horraantii bishan, markii Canada xabsiga loogu taxaabay haweeney u dhalatay Shiinaha oo ka mid ahayd madaxda shirkad Taleefannada soo saarta.

Saraakiisha Canada ayaa sheegay ineysan aaminsaneyn in xariga muwaadinka saddexaad uu xiriir la leeyahay labadii qof ee dhawaan Canada looga xiray gudaha Shiinaha.

Dowladda Canada ayaa sheegtay in hadda ay macluumaad dheeraad ah ka raadineyso arrintaas.

Michael Kovrig oo horay u ahaa diblomaasi iyo Michael Spavor oo ganacsade ah ayaa labadaba lagu xiray Shiinaha, ka dib markii Canada lagu xiray haweeneyda lagu magacaabo Meng Wanzhou, oo ah madaxa maaliyadda ee shirkadda taleefannada sameysa ee Huawei, oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Xariga haweeneydaas oo 1-dii bishan Diseembar ka dhacay magaalada Vancouver ayaa ku yimid codsi ka soo baxay dowladda Mareykanka.

Mr Trudeau ayaa Arbacadii yiri: "Waxaan u maleyneynaa in kiiskan uu yahay mid aad uga duwan labada kiis ee hore" isagoo markaas ka hadlayay sababaha ay u xiranyihiin Mr Kovrig iyo Mr Spavor.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: "Waxaan wali ku howlan nahay inaan helno faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan".

Mr Kovrig iyo Mr Spavor ayey dowladda Shiinaha sheegtay in loo xiray sababo la xiriira iney waxyeelleynayeen amniga dalka Shiinaha.

Diblomaasiyiinta Canada ayaa isbuucii la soo dhaafay loo oggolaaday iney soo arkaan labadaasi nin.

Dowladda Shiinaha ayaa beenisay in xariga labada muwaadin ee Canada u dhashay uu ku lug leeyahay kiiska Ms Meng, ama uu aargoosi yahay, balse dad fara badan oo arrimaha caalamka falanqeeya ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay far-far-ku-taag.

Saraakiisha Canada ayaa ka gaabsaday iney shaaciyaan magaca muwaadinka saddexaad ee lagu xiray Shiinaha, iyagoo sheegay in sababo khaas ah ay u qarinayaan. Mas'uuliyiinta ayaa gacan siinaya qoyska uu ka soo jeedo qofkaas.

Xukuumadda Beijing ayaa horay ugu hanjabtay in cawaaqib xumo aysan faahfaahin lala kulmi doono haddii aan la sii deyn Ms Meng.

Ms Meng ayaa loo oggolaaday in damiin lagu sii daayo, hase ahaatee waxaa suurta gal ah in loo gacan galiyo Mareykanka.

Haweeneydan ayaa lagu eedeeyay iney jabisay cunaqabateynta dhaqaale uu Mareykanka saaray Iiraan.