Dalka Shiinaha oo wax ka qabanaya aroosyada sii qaaliyoobaya

Aroosyada Shiinaha ayaa noqon kara kuwo qaali ah oo boqollaal dad ah lagu casuumo

Xigashada Sawirka, CHINA PHOTOS

Qoraalka sawirka, Aroosyada Shiinaha ayaa noqon kara kuwo qaali ah oo boqollaal dad ah lagu casuumo

Dawladda Shiinaha ayaa doonaysa in ay xakamayso dhaqaalaha siyaadada ah ee aroosyada lagu dhigto iyo xalfadaha arooska ah ee loogu diyaar garoobo xalfadda rasmiga ah, kuwaas oo badanaa ku dhamaada rabshado ama siyaabo kale oon haboonayn.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in aroosyada casriga ah ay yihiin kuwo aad qaali u ah isla markaasna ka soo horjeeda qiyamka Shiinaha.

Beijing ayaa hadda ku talinaysa in ay xeer u dajiso lamaanaha xalfadaha arooska lagana dhigo mid sahlan oo dhanka dhaqanka u janjeera.

Dadka Shiinaha ayaa sida ka jirta dalal badan oo caalamka ah waxay saaxiibbadood iyo dariskooda kula tartamaan aroosyadooda. Dhaqaale badan ayaa ku baxa midba midka uu ka wayn yahay ayaana loo arkaa in uu ka casri san yahay.

Dadka qaarkoodna lacagta ku baxaysa dan kama laha ee quruxda iyo xaragada ayaa u daran.

Martida ayaa sidoo kale laga filaa in ay hadiyado qaali ah keenaan.

Xalfadaha arooska ah ee hor dhaca ah ayaa markii hore looga gol lahaa in caruuska iyo caruusadaha la sii fahamsiiyo qaabka ay xalfadda arooskoodu u dhici doonto, balse badanaa gacmaha ayay ka baxaan.

Marar badan waxaa soo baxa warar sheegaya in dadkii xalfadahaas ka soo qayb galay ay tacaddiyo gaysteen iyaga oo madadaalo uga jeeda.

Toddobaadkii hore malxiis ayuu gaari ku dhacay isaga oo ka baxsanaya qayb ka mid ah xalfadda arooska oo qofka la xirxiro ka dibn la garaaco.

Toddobaad ka sii horna, dhawr malxiisadood ayaa dhaawacmay ka dib markii malxiis yadii ay damceen in ay gabdhaha u soo galaan iyaga oo faas la dhacay daaqadaha gurigii ay gabdhuhu ku jireen.

Shiinaha ayaa doonaya in aroosyada laga dhigo kuwo sahlan oo dhaqanka waafaqsan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shiinaha ayaa doonaya in aroosyada laga dhigo kuwo sahlan oo dhaqanka waafaqsan

Waxaa jiro warar kale oo sheegaya in caruusadda laga codsaday in ay galmo jisho iyo in gabdho malxiisyo ah la gaadhsiiyay meelo tacaddiyo galmo gaarsiisan.

Wasaaradda arrimaha bulshada ayaa cambaaraysay arrimahan iyadoo ku tilmaantay "mid qaali ah oo khasaare ah" waxayna soo jeedisay hab raac loo dhigan karo "aroosyo sahlan oo casri ah wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.