Saamaynta uu xiritaanka meheradaha ee saqda dhexe ka dib ku yeelan karo ganacsiga xeebta Liido.

Xigashada Sawirka, Midnimo.com
Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku amray makhaayadaha iyo hoteellada ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho in aysan shaqeynin wixii ka dambeeya Saqda dhexe ee habeenkii, ayagoo arrintaas u sababeeyay "falal anshax xumo ah oo halkaas ka dhaca waqtiyada dambe ee habeenkii".
Warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisoow), ayaa lagu qeexay in ciddii amarkaas u hogaansami weyda ay waji "doonto ciqaab sharciga waafaqsan".
"Maamulka Gobolka Banaadir oo tixgelinaya cabashooyin kala duwan oo ka soo gaaray dhinaca bulshada, waxuu amar ku bixiyay in la joojiyo dhaqdhaqaaqyada xeebta Liido wixii ka dambeeya 12ka Saqda dhexe, isla markaana aysan furnaan karin makhaayadaha ku yaalla xeebta Liido. Makhaayaddii ama Hoteelkii lagu helo wax ka soo horjeeda diinteena, anshaxa suuban, iyo dhaqanka Soomaaliyeed waa la xiri doonaa" ayaa lagu yiri qoraalka guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Amarkaas oo ay shaacisay warbaahinta dawladda ayaa sidoo kale lagu yiri "xeebta Liido waa goob shacabku isugu yimaado laguna nasto ,mana lagu isticmaali karo wax maandooriye ah, noocuu doono ha ahaadee, cid walba oo falkaas ku kacdana, waxaa hay'adaha amniga la farayaa in tallaabo ay ka qaadaan, sharcigana horkeenaan".

Xigashada Sawirka, Magaalonews.com
Xeebta Liido oo si joogto ah loogu nasasho tago ayaa habeenkii mashquul la ah dad u badan dhallinyaro oo isaga kala yimaada qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo ku gaara ilaa xilli dambe.
In muddo ahba waxaa soo kordheysay cabasho ka soo yeereysa bulshada oo ku saabsan in falal anshax darro ah oo ka soo horjeeda diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed lagu sameeyo halkaas.
Sidoo kale waxaa jiray warar sheegaya in gudaha hoteellada iyo makhaayadaha lagu isticmaalo maandooriyeyaal uu xashiishku ka mid yahay.
Saameynta ka dhalan karta
Hoos u dhac dhaqaale oo baaxad leh ayaa la rumeysan yahay in uu ka dhalan karo xiritaanka makhaayadaha iyo hoteellada xeebta Liido wixii ka dambeeya 12:00 saqda dhexe.

Xigashada Sawirka, Raadiyo Muqdisho
Hase ahaatee waxay su'aal ka taagan tahay sababta uu maamulka gobolka Banaadir tallaabo ugu qaadi waayay wax ka qabashada falalka Anshax xumo ee lasoo tabiyay, ka hor inta aan xayiraad lagu soo rogin guud ahaan ganacsiga Liido.
BBC-da ayaa isku dayday iney su'aashaas weydiiso guddoomiye Yariisow, balse nooma suurta galin inaan helno.
Dhanka kale, mid ka mid ah howl wadeennada hoteellada ku yaalla xeebta Liido, oo magaciisa u qariyay sababo la xiriira inuusan fasax u heysanin la hadalka warbaahinta, ayaa BBC-da u sheegay in aysan wax anshax xumo ah ka dhicin goobahooda ganacsi.
"Waa wax la iska sameystay, ma jiro wax diinta ka soo horjeeda oo lagula soo dhuunto hoteellada. Xitaa annaga ayaan taasi oggolaaneynin. Sharciyada u yaalla hoteellada ma fasaxayaan ficil dhaqan xumo ah" ayuu yiri.










