Duqeymo dhinaca cirka oo ay Xarardhere ka sameeyeen diyaaradaha Mareykanka ayaa lagu dilay 60 dagaallamayaal Al-shabaab ka tirsan

Mareykanka oo sheegay iney ka go'an tahay inuu Alshabaab ka cirib tiro Soomaaliya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mareykanka oo sheegay iney ka go'an tahay inuu Alshabaab ka cirib tiro Soomaaliya

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay iney aaminsan yihiin duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka Jimcihi ka sameeyeen bartmaha Soomaaliya iney ku dileen 60 dagaallamayaal oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

War murtiyeed uu Mareykanku soo saaray ayaa wuxuu ku sheegay iney duqeynta ay diyaadaridihiisu ka geysteen Xarardhere ay jirin dad rayad ah oo duqeyntaasi ku dhintay ama ku dhaawacmay.

Weerarka lagu qaaday Al-shabaab ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay iskaashiga ciidamada Soomaaliya uu kala leeyahay la dagaallanka Kooxda Al-shabaab.

War murtiyeedku waxuu intaa ku daray duqeynta Jimacihi Xarardhere ay ka geysteen diyaaradihiisu iney ahayd tii ugu dhimashada badneyd wixi ka dambeeyey November 2017-ka oo uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya.

Ururka Al-shabaab oo gacansaar la leh Al-qaacida kama uusan hadlin duqeynta uu Mareykanku sheegay inuu u geystay.

Taliska ciidamada Afrika ee Mareykanka ayaa wuxuu sheegay "Mareykanka oo kaashanaya Saaxibbadii Soomaaliya iyo beesha caalamka iney ka go'an tahay inaan ka hortagno al-Shabaab in ay helaan fursad ay ku sameeystaan gooba ammaan ah oo ay ka soo abaabulaan isla markaana awood ugu yeeshaan weerarro ay ugu geystaan shacabka Soomaaliya.

Khariidad
Qoraalka sawirka, Khariidad

Wakaaladda wararka ee AP waxay sheegtay Ciidamada Mareykanka iney Soomaaliya ka fuliyeen duqeymo dhinaca cirka ah oo ka badan 20, duqeymahaasi oo ay ka mid yihiin kuwa ay sanadkan u adeegsadeen diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ee drone loo yaqaanno.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishi March 2017-ka ballaadhiyey howlgallada ciidan ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Mareykanka ayaa caadi ahaan aad uga gaabsaday wixi ka dambeeyey 1993-kii marki 18 askari oo ciidamada Mareykanka gaarka ah lagu dilay dagaalki Muqdisho, dagaalkaasi oo ugu dambeynti laga sameeyey filinka looga magac daray Black Hawk Down.

Al-shabaab ayaa waxaa Muqdisho laga saaray August 2011-ka kaddib marki ay ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ay dagaal adag la galeen.

Balse weli waxay ku sii dambeeyaan qaybo dalka ka mid ah oo aan ka fogeyn caasimadda Muqdisho.

Magaalada xeebta ee Xaradheere waa goob ay ka duulaan burcad badeedda Soomaaliya oo maraakiibta marinka badaha Soomaaliya mara afduubata iyada oo ay burcad badeeddu afduubkoodu ugu badnaa inta u dhaxeysay 2009-2011-ka.