Xagay ku wajahnayd doonidan degtay ee ay muhaajiriinta saarnaayeen?

Xigashada Sawirka, AFP
Ilaa 60 muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku qarqameen dooni alwaax ah oo dagtay ka dib markii dalka Guinea-Bissau ay dabayl xoog badan ku dhufatay.
Ciidammada badda ee dalka ayaa awoodi waayay in ay caawiyaan, markii doonida ay dageysay maalintii Isniinta ahayd, sababtoo ah ma aysan haysan agab ku filan. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay madaxa dekedaha ee waddankaas Felix Siga.
Doonidii oo burburtay ayaa la helay balse maydad lagum arag.
Ma cadda halka ay doonida ku wajahnayd balse waxaa caadiyanba dhacda in dadka tahriibaya ay u jahaystaan dhankaas iyo jasiiradda Canary ee dalka Spain.
Guinea-Bissau waxa ay jasiiradda Canary u jirtaa ilaa 1,802 kilomitir.
Si kastaba waddadaan ayaa adkaatay in la maro tan iyo markii sare loo qaaday roondada ay ciidamada maariiniska ka sameeynayeen badda Atlantic kun sagaal boqol iyi sagaashameeyadii.
Shilalka ka dhaca badda oo ay ku jiraan muhaajiriinta ka soo socdaalla waddamada galbeedka Afrika ayaa aad caan u ah.
Ilaalada xeebaha ee dalka Guinea-Bissau ayaa waxa ay haystaan laba doomood oo ah kuwa xawaaraha sare ku socda, balse mararka qaar ma ay awoodaan in ay ka dhaqaaqaan dekedda shidaal la'aan awgeed.
Kadib afgambi milatari oo is xigxigay iyo xasilooni darro ka dhacday dalka ayaa haatan waxa uu ka mid ah waddamada dunida ugu faqrisan.
Qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada ayaan awoodin in ay helaan shaqooyin, sidaa darteedna waxa ay waddamada dibedda u raadsan fursado shaqo.











